Ciidamada DFKM ee ku sugan Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye oo qabtay walxaha qarxa

January 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada DFKM ee ku sugan Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ay gacanta ku dhigeen nin wata walxaha qarxa oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Cismaan oo ah taliyaha Ciidanka  Nabad Sugida ee  Ex-Koontarool Afgooye.

Maxamed Cismaan oo ah taliyaha Ciidammada Nabad Sugida ee Ex-Koontarool Afgooye ayaa sheegay in ay qabteen nin watay walxaha qarxa ka dib markii ay baaritaano ku sameeyeen baabuurta BL-ka ee u kala goosha  Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye  iyo magaalada Muqdisho.

Sarkaal u hadlay DFKM ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay soo bandhigi doonaan wiilka dhalinyarada ah oo ay ku qabteen walxaha qarxa marka ay u dhamaato baaritaanka ay ku hayaan ciidamada DFKM .

Ciidamada DFKM ee ku sugan  Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa isbuucii la soo dhaafay sidoo kale waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen
wiil iyo gabar dhalinyaro ah oo watay walxaha qarxa kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online