Ciidamada Itoobiya oo qarax lagu weeraray magaalada B/weyne ee gobalka Hiiraan

January 29, 2012 - Written by

Hiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in goordhow qarax lagu weeraray Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta goablka Hiiraan .

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso  ayaa waxaa Ciidamada Ethiopia lagula eegtay xaafadda Nuur Xawaad ee bariga magaalada Beledweyne waxaana soo gaaray khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Ethiopia ayaa qaraxa ka dib furay rasaas faro badan waxaana ku dhaawacmay rasaasta laba qof oo rayid ah ciidamada huwana ee la socda ciidamada Ethiopia ayaa baaritaan ka sameeyey xaafada Nuur Xawaad ee bariga magaalada Beledweyne waxayna soo qabteen ilaa dhowr qof.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ilahaygii itoobiyaanka kubeegay ayaa mahad leh oo aan ku beegin qaraha dadka muslimiinta ah itoobiya waa waajib in lagula dagaalamo sidii wax lagu yeeli karaba lkn falalkan oo kale waa qatar in ay ku beegmaan dad kale markaa waxaan oran lahaa halaga waan toobo

Leave a comment

*