Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo saaka ka soo gudbay degmada Doolow

January 30, 2012 - Written by

Doolow:-Ciidamo itoobiyaan ah oo ku hubeysan Taangiyaal iyo Madaafiic ayaa saaka ka soo gudbay degmada Doolow ee ku taal xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo dalka Itoobiya , Ciidamadaan Itoobi yaanka ah ayaa waxaa ay isla saaka ay u gudbeen Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Waxgaradka ku nool degmada Luuq ayaa saxaafada u xaqiijiyey in ay arkeen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah oo soo galay magaalada Luuq, dadweynaha ku nool degmada Luuq ayaa cabsi fara badan ay soo wajahday iyagoo ka cabsi qaba ciidankaan Itoobiyaanka ah ee soo galay Gobolka Gedo.

Sheekh Ibraahim Abuu-Yuusuf oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo la hadlay saxaaafada isagoo ku sugan degmada Baardheere ayaa  sheegay in ay ka war hayaan ciidanka Itoobiyaanka ah ee soo galay Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow iyo Luuq ay na ciidankoodu diyaar u yihiin in ay la dagaalami doonaan.

Ciidanka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidanka DFKM ee ku sugan Gobolka Gedo gacana ka hellay kuwa Itoobiya ayaa waxaa ay ku qaadaan weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM, Ciidanka Al-shabaab ayaa waxaa ay hadda kaga sugan yihiin Gobolka Gedo degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.

Ciidanka Itoobiya ayaa waxaa ay qabsadeen bishii la soo dhaafay degmooyin ka mid ah Gobolka Gedo iyo Hiiraan  iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaa in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku wajahan yihiin Gobolka  Bay iyo Bakool halka ciidanka dalka Kenya ay weeraro ku hayaan Gobolka Jubada Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online