Ciidanka Maraykanka oo xoog ku soo furtay Shaqaalihii Hay,adda DDG

January 25, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidanka cirka ee dalka Maraykanka ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay weerar ku ekeeyey degaan lagu magacaabo Far-caano oo u dhexeeya degmada Cadaado iyo Gellinsoor, ciidan ka cirka Maraykanka oo adeegsanaya diyaaradaha loo yaqaan Helicopterska ayaa xoog ku soo furtay 2-bo shaqaale oo u shaqaynayey Hay,adda DDG  oo ah Hay,adda miino-baaris ka waday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidanka Maraykanka ayaa dilay ilaa 9 burcad badeed ah waxaan ay qabteen ilaa 5 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Burcad badeedka kana mid ahaa koox burcadbadeedah oo afduub u haystay labadaan shaqaale oo magacooda la yiraahdo, Jessica Buchanan oo ah gabar u dhalatay dalka Mareykanka iyo Poul Thisted oo ah nin  u dhashay wadanka Denmark iyo nin dhalinyaro ah oo u shaqaynayey Hay,adda miino-baarista ee DDG.

Ciidanka Maraykanka ee howl galka fuliyey ayaa labaddii shaqaale oo bad qaba  iyo kooxdii buracdbadeedka ahaa ku soo qaaday diyaarada Helicopter ah , Ciidanka Marykanka ayaa waxaa la sheegayaa in 2-da shaqaale ee ay soo furteen ay geeyeen saldhig weyn oo ay ciidanka Maraykanku ay ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Labadaan shaqaale ee ka tirsanaa Hay,adda miino-baarista ee DDG ayaaa waxaa 25-kii bishii Oktoobar 2011 waxaa laga afduubay Koonfurta magaalada Gaalkacyo xili ay ku jireen howlahooda shaqo.Odayaasha ,culimada iyo waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa ay dhowr jeer ugu baaqeen dhalinyaradii burcadbadeedka ahaa ee afduubka u geystay 2-da shaqaale ee Hay,adda DDG in ay iska soo daayaan balse arrinkaas waa ay diideen.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online