Ciidanka Maraykanka oo xoog ku soo furtay Shaqaalihii Hay,adda DDG

January 25, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidanka cirka ee dalka Maraykanka ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay weerar ku ekeeyey degaan lagu magacaabo Far-caano oo u dhexeeya degmada Cadaado iyo Gellinsoor, ciidan ka cirka Maraykanka oo adeegsanaya diyaaradaha loo yaqaan Helicopterska ayaa xoog ku soo furtay 2-bo shaqaale oo u shaqaynayey Hay,adda DDG  oo ah Hay,adda miino-baaris ka waday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidanka Maraykanka ayaa dilay ilaa 9 burcad badeed ah waxaan ay qabteen ilaa 5 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Burcad badeedka kana mid ahaa koox burcadbadeedah oo afduub u haystay labadaan shaqaale oo magacooda la yiraahdo, Jessica Buchanan oo ah gabar u dhalatay dalka Mareykanka iyo Poul Thisted oo ah nin  u dhashay wadanka Denmark iyo nin dhalinyaro ah oo u shaqaynayey Hay,adda miino-baarista ee DDG.

Ciidanka Maraykanka ee howl galka fuliyey ayaa labaddii shaqaale oo bad qaba  iyo kooxdii buracdbadeedka ahaa ku soo qaaday diyaarada Helicopter ah , Ciidanka Marykanka ayaa waxaa la sheegayaa in 2-da shaqaale ee ay soo furteen ay geeyeen saldhig weyn oo ay ciidanka Maraykanku ay ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Labadaan shaqaale ee ka tirsanaa Hay,adda miino-baarista ee DDG ayaaa waxaa 25-kii bishii Oktoobar 2011 waxaa laga afduubay Koonfurta magaalada Gaalkacyo xili ay ku jireen howlahooda shaqo.Odayaasha ,culimada iyo waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa ay dhowr jeer ugu baaqeen dhalinyaradii burcadbadeedka ahaa ee afduubka u geystay 2-da shaqaale ee Hay,adda DDG in ay iska soo daayaan balse arrinkaas waa ay diideen.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Waxaa halkan ka muuqata in Navy Seals Mareykan aanu dhayal usoo dirin. Ninka la afduubayna aanu ahayn shaqaale haayad caadiya ee waa nin qiime ugu fadhiya Mareykan sida sirdoon iyo CIA. Halkaas waxa ka cad in dadka kusoo gabada magaca haayadaha samafalka ay run ahaantii yihiin sirdoon iyo wax la halmaala.

  2. aan saxee Jessica Buchanan waa Haweeney u dhalatay Mareykan ee maahan nin u dhashay denmerk balse Ninki la xirnaa ayaa u dhashay dalka Danish ka,

  3. soomaali ayaa horey u tiri “hunguri wedkiisa ma arko” weligaaba saad u ugaarsanayso ayaa adigana maalin lagugu tegi, bal nimankaan eega waxa qabsaday…ilaahayow irziq xalaal ah nagu irzaaq meel aan irziq loo doonan bay wax ka dooneen dabeed naftoodii bey god ku rideen.

Leave a comment

*