Ciidanka Somalilland oo saaka weeraray Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn

January 15, 2012 - Written by

Buuhoodle:-Ciidanka S/lland ayaa saaka waxaa ay weerar balaaran ku soo qaaday magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn  halkaas oo uu dagaal ku dhexmaray dadka degaanka, dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa markii hore waxaa u suurta gashay ciidanka S/lland in ay la wareegaan gacan ku haynta Buuhoodle iyadoo markii danbe dagaal rogaal celin ah ay xoogagga SSC ee Buuhoolde ay dib ula wareegeen magaalada.

Khasaaraha dagaalka ka soo gaaray xoogagga Buuhoodle ayaa ah 5 qof oo dhimasho ah halka ilaa 17 qof oo kalena ay ku dhaawac meen  ciidanka S/lland aya la aqoon khasaaraha ka soo gaaray dagaalka maadaama ay dhaawacoodii iyo ciidankii ka dhintay ay qaateen, dagaalka saaka ayaa ku soo beegmay ka dib markii shalay madaxweynaha S/lland uu ku goodiyey in uusan ka raali noqon doonin shirka ka socda magalada Taleex oo beesha degta Sool ,Sanaag iyo Cayn  ay kaga dhawaaqeen in ay ku samaysana yaan maamula ka madax banaan S/lland iyo Puntlland.

Dagaalka saaka ayaa waxaa kale oo uu khasaro ka soo gaaray  guryaha magaalada oo hubka la isku ridayey ay qaarkood ku habsadeen xaalada magaalada Buuhoolde iyo Gobolka Sool ayaa laga dareemayaaa kacsanaan waxaaan dhamaan xiran goobihii ganacsiga ee magaalada Buuhoodle iyadoo laga cabsi qabaa in uu dib u bilowdo dagaal fool xun oo dad badan oo rayid ah galaafta.

Dadweynaha ku noolaa magaalada Buuhoodle ayaa ka barakacay magaalada waxaan ay qaarkood u gudbeen dhinac Itoobiya, ciidanka S/lland ayaa weli ku sgna duleedka magaalada Buuhoodle  halka xoogagga SSC ee la dagaalamayna ay ku sugan yihiin isla duleedka magaalada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online