Culimada iyo Issimada Puntlland oo kulan gaar ah ku yeeshay caawa magaalada Boosaaso

January 25, 2012 - Written by

Boosaaso:-Culimada waaweyn ee ku nool degaanada Puntlland iyo Isimid ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen caawa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ,Kulanka caawa ayaa  waxaa uu qayb ka yahay kulamo gooni gooni ah oo ay culimadu la yeelanayaan beelaha ku nool degaanada Puntlland taas oo ujeedada ugu weyn ay tahay in  Isimad si cad loogu sheego in dhalinyarad la wacyi galiyo loogana digo afkaarta siloon ee aan diinta aan waafaqsanayn.

Culimada iyo Isimad ayaa waxaa ay isla gorfeeyeen qaabka ugu sahlan ee si wada jir ah loo waji lahaa in dhalinyarada laga wacyi geliyo Burcadbadeedka , Akhlaaqda xun iyo afkaarta aan diinta waafaqsanayn oo ay kow ka tahay in umada Soomaaliyeed gaalnimo lagu xukumo ka dibna dhiigooda si sahlan loo banaysto.

Issimada iyo culimada ayaa waxaa ay si gaar ah uga wada hadleen amaanka guud ee degaanada Puntlland gaar ahaan gobalka Bari waxaan ay culimadu tilmaameen in amaanku iyo nabadu ay tahay wax u muhiim ah nolosha bulshada loona baahan yahay in lagu fara adaygo,culimada shirkaa ka soo qayb gashay waxaa ka mid ah Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Sh daahir Aw-cabdi- Sh Axmed Daahir .

Shiikh Cabduqaddir Nuur Faarax oo hadal kooban ka jeedyey shirka ayaa sheegay in dilalka qorshayn ee ka dhacayey degaamada Puntlland ay culimadu mar hore ka hadleen qaabab kale duwan ay uga hadleen balse ilaa iyo intii ka danbaysay qaraxii ka dhacay Boosaaso oo lagu weeraray dad Oromo ah oo muslimiin ah ay culimadu ay bilaabeen in ay kor u hadlaan xaqana aysan ka gaban.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa xusay in dilalka ka dhacayey degaanada Puntlland marar badan la marin habaabiyey oo beeno badan la faafiyey iyagoo dadka loogu sheekeyn jiray in ay ku salaysan yihiin aano qabiil  ama maamul loo danleeyahay balse arrinkaas oo uu shiikhu tilmaamay in dadka culimada ka ag dhawaa iyo culimaduba ay ka warqabeen cid wax disha culimaduna waa ay ka hadleen oo nadwooyin badan bay qabteen kuwaas oo aduunka oo dhan laga dhageystay.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa ku eedeeyey ururka Al-shabaab in ay garab mareen dariiqii sax ahaa ee diinta isagoo ku til maamay kuwa sababay in dalkii ay u horseedaan in ciidankii cadowga Itoobiya ee soo jireenka ah ay dib ugu soo laabtaan dalka arrinkaas oo maanta umadii ay isha ka eegayso halka sanado ka hor umada Soomaaliyeed oo wada jirta ay si wada jir ah ula dagaalameen kana saareen dalka.

Afhayeenka guud ee Issimada dowllada Puntlland Garaad  Cabdullaahi Cali Ciid oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu soo dhaweeyey dadaal ka ay wadaan culimada iyo Issimada waxaan uu ku baaqay in la joogteeyo wada shaqaynta culimaduna ay wadaan wacyi gelinta si wada jirna looga shaqeeyo sugida amaanka.

Sheekh Daahir aw Cabdi ayaa isana kalimad kooban ka jeedshay  ayaa sheegay in  dadka masiirka umada uu ka go’ayo ay yihiin isimada iyo waxgaradka wuxuuna ugu baaqay in ay  alle ka baqaan  oo gacmaha qabtaan ilmahooda ku jira burcadbadeeda iyo dhalinyarada leynaysa waxgaradka isimada gobalka wuxuuna sheegay in wax laga qaban karo arikaas.

Sh Axmed Daahir ayaa isna ka hadlay kulanka ay caawa wada qaatee culumada iyo Isimada iyo waxgaradka gobalka Bari wuxuuna ugu baaqay isimada in ay wax ka qabtaan fasaadka iyo dilka ay wadaan kuwa raba in ay wax u dhimaan amaanka gobalka iyaga oo aan cidna dan u heynin.

M_M_Deeq
Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. hadal yaan maantoo dhan la saarraanine reer puntland ha sameysteen dhalinyaro u taagan difaaca diintooda iyo nabadgalyada deegaanadooda maadaama aad aragtaan in koonfur ay galgalin cidlo ah tahay,waliba si hufan wax u qabsada oo sameysta kooxo nabadgelyada suga oo sidii kooxihii “AL-SAXWAH” ee reer ciraaq gobolada sunniyiinta laga sameeyey oo kale ah kuwaas oo kooxaha qaswadayaasha ee Alshabaab iyo inta la halmaasha geed ku xirta, kooxahaas oo aan hoos tegeynin faroole iyo wax la mid ah toonee hoos yimaada culimada iyo isimada samaha jecel oo waliba si wacan loo tababaray dhinac kastaba kooxo sirdoon ahna leh,taas ayuunbaad ku gaari kartaan inaad sii xajisataan nabaddan iyo barwaaqadan aan maalin kaliyana laga qixin halka soomaalida kale oo dhami qax soo martey.

    waxaase intaas oo dhan ka horeeya in ilaahay loo toobad keeno oo laysku xiro, nacaybka iyo aduunyo jaceylka iyo kursidoonimadana layska daayo dadka muslimiinta ah ee taagta daranna loo kaalmeeyo si allena idinkugu naxariisto ” ilaahay adoonkiisa waa u gargaaraa inta qofku walaalkiis u gargaarayo” hana laga tanaazulo fikirka “reer hebel bal fiiri ah” ee iiga muuqda reer puntland sidii ka dhadhansadayba muxaadaraadkii sh axmed cabdi samed oo ay ka muuqato in reer reer ku xumeynaya darteed laga yaabo ay sheekadu noqoto “kulligeed ha isla gubato”, weligay ma aan arag puntland mana ihi reer puntland laakiin waxaan kasii damqanayaa hadiiba ay mandiqadaas oo ah midda kaliya ee qaskii soomaaliya ka badbaadey ay u xuubsiibato in qas uu galo sida soomaali intii soo hartey ay isugu dhammaan doonto, waxaanan oran karaa sida aan sheekada ku hayo soomaali oo dhan maanta waxaa ay isugu timid oo miciin soo biday mandiqadaas soomaalida soomaaliya iyo soomaali galbeedba ha noqotee, marka waa caqli in la badbaadiyo ilaahayna amnigeeda iyo inta nolol ee kasii jirta ha u adkeeyo kheyrkana ha waafajiyo, soomaalida kale ha dejiyo oo salka ha u dhigo.

  2. Waa Wax wanaagsan laguna farxo in culimada iyo isimada reer Puntland ay wada shaqeynayaan, waxaana jeclahay in arinkaas ay sii wadaan oo ay joogteeyaan ayna yeeshaan gudi wada xiriiriya, maal gelina dadka jecel nabada iyo ganacsatada iyo kuwa qurbaha joogtaba ay arinkaa wada shaqeynta culimada iyo isimada ay kharash ku bixiyaan oo fund loo sameeyo.

    Culimadeena Alle hanoo xafido. Aamiin.

  3. maashalaah waa arrin mar hore loo baahnaa culimada iyo isimaduna way ku mahadsanyihiin talaabooyinka noocan oo kale ah gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan, ilaahay waxan waydiisanaynaa inuu xaqa na waafajiyo naguan dilo, qolada halganna waxan leeyahay halkaa ka sii wada umadda sida aad xaqiiqda ugu soo gudbinaysaan

  4. maansha allaah, allaha noo xafido culimadeena

  5. maashaa allaah waa tallaabo wanaagsan oo horey loo qaadey reer puntlandna ay la gudboon tahay inay ammaankooda iyo xasillaantooda sugisteeda ugu istaagaan faraha hore ee lugahooda oo aysan ka gaabinin,culimadoodana difaacdaan oo hoosta gashadaan,waxaan filayaa in reer puntland uu cashar ugu filan yahay waxa haysta walaalahooda muqdisho iyo koonfurba ku nool ee mawtku u yahay garaangar luqunta ugu duuban,amnigoodii iyo noloshoodiina ay geedka dheer ku laalantay,anigu ma ihi reer puntland laakiin waxaan dhedhemiyey oo aan indheheyga ku arkay imikana la kabaraadayaa dhibka ka dhacay koonfur ee si fudud xalkiisu uusan u muuqan,marka waxaan idin leeyahay idinka iyo reer somalilndba nicmaad ku jirtaane xajista ilaahna ku aqoonsanaada.

    Waxaa kaloon ifin lahaa noqda kuwo diktoon oo xadar iyo feejignaan ku sugan xilliyada aydun idinka iyo culimadu gorfeyneysaan ummadda masiirkeeda iyo amnigeeda, waayo waxaad ogtihiin belaayada mid kastaba kor u dhaaftey ee ummadaha islaamka lagu salliday casrigan ee aan u aaba yeeleynin leynta shucuubta si keli keli ah iyo si jamaaciba ee diin ahaan u aaminsan….taariikhduna waa ay qortay hadda ka hor in nimanka maanta caalamka fasaadkiisa diin laga dhigay hogaaminaya in ay hal mar meel ku dileen 12 ka mid ahaa culimadii sunniyiinta ee reer ciraaq sanadkii 2005kii, illaa ugu dambeystii intii soo harteyna dalkii isaga carareen oo ugu weynaa sheekh xaarith addaari’ oo ahaa raiiskii hay,adda culamada muslimiinta ee ciraaq…marka ha u fududeynina kooxaha soomaaliyeed ee dhiigii culimada iyo shacabka banneystey inay si fudud culimada u gaaraan oo yeesha diktooni dheeraad ah duruustii sheekh Axmed cabdi samed(xafadahullaah) uu ina siiyeyna waa in si dhab loo qaataa oo qaabkii amniga loo sugi lahaa si ficil ah loo fuliyaa kolley ma filayo in nimankaan maamullada u madaxda ahi xil iska saarayaan ummada ay matalayaan u hagar baxooda iyagiibaabana faro ku gabbad ah…nasiixa walaalnimo.

Leave a comment

*