Culimada iyo Issimada Puntlland oo kulan gaar ah ku yeeshay caawa magaalada Boosaaso

January 25, 2012 - Written by

Boosaaso:-Culimada waaweyn ee ku nool degaanada Puntlland iyo Isimid ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen caawa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ,Kulanka caawa ayaa  waxaa uu qayb ka yahay kulamo gooni gooni ah oo ay culimadu la yeelanayaan beelaha ku nool degaanada Puntlland taas oo ujeedada ugu weyn ay tahay in  Isimad si cad loogu sheego in dhalinyarad la wacyi galiyo loogana digo afkaarta siloon ee aan diinta aan waafaqsanayn.

Culimada iyo Isimad ayaa waxaa ay isla gorfeeyeen qaabka ugu sahlan ee si wada jir ah loo waji lahaa in dhalinyarada laga wacyi geliyo Burcadbadeedka , Akhlaaqda xun iyo afkaarta aan diinta waafaqsanayn oo ay kow ka tahay in umada Soomaaliyeed gaalnimo lagu xukumo ka dibna dhiigooda si sahlan loo banaysto.

Issimada iyo culimada ayaa waxaa ay si gaar ah uga wada hadleen amaanka guud ee degaanada Puntlland gaar ahaan gobalka Bari waxaan ay culimadu tilmaameen in amaanku iyo nabadu ay tahay wax u muhiim ah nolosha bulshada loona baahan yahay in lagu fara adaygo,culimada shirkaa ka soo qayb gashay waxaa ka mid ah Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Sh daahir Aw-cabdi- Sh Axmed Daahir .

Shiikh Cabduqaddir Nuur Faarax oo hadal kooban ka jeedyey shirka ayaa sheegay in dilalka qorshayn ee ka dhacayey degaamada Puntlland ay culimadu mar hore ka hadleen qaabab kale duwan ay uga hadleen balse ilaa iyo intii ka danbaysay qaraxii ka dhacay Boosaaso oo lagu weeraray dad Oromo ah oo muslimiin ah ay culimadu ay bilaabeen in ay kor u hadlaan xaqana aysan ka gaban.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa xusay in dilalka ka dhacayey degaanada Puntlland marar badan la marin habaabiyey oo beeno badan la faafiyey iyagoo dadka loogu sheekeyn jiray in ay ku salaysan yihiin aano qabiil  ama maamul loo danleeyahay balse arrinkaas oo uu shiikhu tilmaamay in dadka culimada ka ag dhawaa iyo culimaduba ay ka warqabeen cid wax disha culimaduna waa ay ka hadleen oo nadwooyin badan bay qabteen kuwaas oo aduunka oo dhan laga dhageystay.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa ku eedeeyey ururka Al-shabaab in ay garab mareen dariiqii sax ahaa ee diinta isagoo ku til maamay kuwa sababay in dalkii ay u horseedaan in ciidankii cadowga Itoobiya ee soo jireenka ah ay dib ugu soo laabtaan dalka arrinkaas oo maanta umadii ay isha ka eegayso halka sanado ka hor umada Soomaaliyeed oo wada jirta ay si wada jir ah ula dagaalameen kana saareen dalka.

Afhayeenka guud ee Issimada dowllada Puntlland Garaad  Cabdullaahi Cali Ciid oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu soo dhaweeyey dadaal ka ay wadaan culimada iyo Issimada waxaan uu ku baaqay in la joogteeyo wada shaqaynta culimaduna ay wadaan wacyi gelinta si wada jirna looga shaqeeyo sugida amaanka.

Sheekh Daahir aw Cabdi ayaa isana kalimad kooban ka jeedshay  ayaa sheegay in  dadka masiirka umada uu ka go’ayo ay yihiin isimada iyo waxgaradka wuxuuna ugu baaqay in ay  alle ka baqaan  oo gacmaha qabtaan ilmahooda ku jira burcadbadeeda iyo dhalinyarada leynaysa waxgaradka isimada gobalka wuxuuna sheegay in wax laga qaban karo arikaas.

Sh Axmed Daahir ayaa isna ka hadlay kulanka ay caawa wada qaatee culumada iyo Isimada iyo waxgaradka gobalka Bari wuxuuna ugu baaqay isimada in ay wax ka qabtaan fasaadka iyo dilka ay wadaan kuwa raba in ay wax u dhimaan amaanka gobalka iyaga oo aan cidna dan u heynin.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online