Culimada ku nool S/lland oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo colaada ka aloosan degmada Buuhoodle(Dhageyso)

January 29, 2012 - Written by

Burco:-Culimo,udiinka ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somalilland ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle iyagoo culimadu ay tilmaameen in ay xaaraan tahay in dad Islaam ah ay dagaalamaan laguna mutaysanayo naar kuna baaqay in lagú fogaado , Shiikh Cabdullaahi Baasha oo ka mid culimada ku nool magaalada Burco ayaa oo khu´dbo jimcihii ka jediyey masjidka weyn ee Madiin ee magaalada Burco ayaa xusay in  Ciidanka S/lland aysan ku duulin cadow balse ay ku duuleen dad shacab ah oo xigto ehel iyo waxwalba ay ka dhexeeyaan oo aysan sina u kala maarmin.

Shiikh Cabdullaahi Baasha ayaa baaq u jeeiyey Madaxda S/lland iyo salaadiinta waxaan uu ugu baaqay in dagaalka la joojiyo oo wixii khilaaf ah lagu xaliyo nabad , Dhinac kale dadweyanah ku nool S/lland iyo degaanka Buuhoodle ayuu shiikhu ugu baaqay in ay iska ilaali yaan cid walba oo ka dhex abuuraysa dagaal fidno ah oo lagu mudanayo Naar.

Markii Salaadii Jimce ay dhamaatay ayaa Shiikh Cali Warsame oo tacliiqiyey khudabadii Jimce waxaa uu ku celiyey in aysan u baananay in dad muslin ah ay dhexdooda ka dagaalamaan isagoo Shiikhu uu sheegay in uu u soo joogay dagaalo dhowr ah oo lagu tilmaamay  jihaad oo ka dhexdhacay beelaha arrinkaas oo uu ku tilmaamay wax aan waafaqsanayn diinta Islaamka.

Shiikh Cali Warsame oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan Madaxda dowllada S/lland  iyo  Salaadiinta beelaha in la joojiyo dagaalka iyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle ee Gobolka Cayn,Shiikh Cali warsame ayaa dhalin yarada uga digay in naftooda ay ku bixiyaan wax ay ku mutaysanayaan Naar iyo in ay ka fogaadaan dagaalada ku salaysan qabiil ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed dagaaladaas oo Shiikh Cali Warsame ku tilmaamay kuwa fidno ah oo la iskaga horkeenayo dadka ehelka iyo xigaalka wadaaga.

Shiilkh Cali Warsame ayaa sheegay in ay jiraan dad markii uu dagaal dhaco markii si xamaasad ah ku gala oo ha dhowna ogaada in khasaaraha ka dhashay dagalka uu saamayn weyn ku yeesho ka dib markii dad badan ay ku dhintaan hanti badana ay ku burburto sidaa darteed aýaa Shiikhu waxaa ku waaniyey dadweynaha in ay iska ilaaliyaan dagaalada qabiilka ah ,Shiikh Cali Warsame ayaa sheegay in uu u soo joogay asagoo wiil yar ah dagaalo qabiil oo beelo u dhexeeya kuwaas oo dhaliyey khasaaro fara badan oo naf iyo maalba lahaa.

Culim,udiinka ku nool S/lland ayaa si wada jir ah uga digay dagaalka ka soo cusuboonaaday degmada Buuhoodle waxaana ay ku baaqeen in colaada jirta lagu dhameeyo wada hadal iyo in Salaadiinta ,waxgarada iyo culimaduna ay u istagaanaa siddii wax looga qaban lahaa colaad aas foosha xun.

Hoos Ka Dhageyso Dardaarankii Sheekh Cali Warsame  Xafidahulaah

[audio:https://halgan.net/Mp3/ShCali_1.mp3]

Ama Halkan

Halgan.net

15 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC marka koowaad, marka labaad waxaan codsanayaa in culumida soomaaliyeed meel walba ay joogaanba inoo dadaalaya laga daayo canaanta iyo cambaareynta ee bal loo duceeyo. Maanta tiirka keliya ee inoo taagan waa ayaga. Xag Alleh ayay u shaqeaysanayaan oo aaney cidna lacag iyo weji ka doonayn. Alleh ha inoo xafido culimada angana kuwii xaqa u hiilaya sidooda oo kale, Ilaahey ha inaga wada yeelo. Fadlan leave them alone and do not create conflict among them. Unlike most of us, somalis; they are united for the sake of Allah and Islam.

  2. SCWW
    Walaalaha leh webka iyo dhamaan walaalaha muslika ahba waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka SCWW. wl salan kadib waxan Allah kabaryaynaa inuu dhamaanteen xaqa nawaafajiyo, culimada reer SL way dadaaleene inuu ale u fududeeye muraadkooda amiiiiiiiiiiiiiiiin

  3. asalammun calaykum
    walalayaal rabbi wuxuu ayad qurana ku yiri WAMADALAMAHUMuLLAAHU WALAKIN KAANUU ANFUSAHUM YADLIMUUN wuxuukaloo rabi yiri subaxaanah FAIDAAXAKAMTUM FAXKUMUU BILCADLI waxaa soomaliya mashriq iyo maqrib dhiigu u daadanayo waa dulmi aynu dhexdeena is dulmayno,markaasaa cadawgeeni bad iyo beriba inagaga soo duulay,waxan uga jeedaa ilaa la qabto cida gardarada le oo runta loo sheego oo uu ogalaado in uu joojiyo dulmiga waa adagtahay si xal u yimaado waxsaxana maaha afkaanka leeyahay nabad dumarka iyo caruurtan xasuuqi anoo xuduud ingiriis radina gurigaagan kugu soo duli, somaliyey xaqa ha laga hadlo rabina dhiiga dadanaya hanaga joojiyo

  4. sc wr wb wayba fiicantahay in culimadu ka hadaleen dagaalka laakiin waxaa layaableh dagaalku maaha dagaal caadi ah culimadu waa in ay si cad u qeexaan in dagaalkan uu yahay dulmi iyo gardarro ay wadaan nimanka somaliland madaxda u ah sida siilaanyo iyo kuwa lamidka ah waana umahadnaqayaa kelmada culimada

  5. culimada isaaq waaba dadaaleen haday ka hadleen dagaalkii reerkoodu ku qaaday degaamada fogfog ee dhulbahante waxaase culimoy aad ilowdeen inaad xaqa miisaantaan bayaana u sheegtaan kan gardarada wada xataa hadii dhib idinka ka soo gaareyso haka waabanina sheegida xaqa.

    • as wr wb

      walaal bacda salaan xamaasad ayaa ka muuqata dad badan oo halkan wax ku qoray. dagaalkani waa dagaal fitan madama muslimiin uu ka dhex socdo. ogaada haddii raga maamuulka soo dhisay ay yiraahdaan mgaalo dhulbahante kasta waan gaynaynaa oo aan diido ma aha in la yiraa waa jihaad. raga ehlu diinka ahow gar bilaash ah ayaa idinku yaala waana ceebaysan tihiin sidaad ukala taageeraysaan dad muslimiin ah oo dagaalamaya. beri ayaad arki doontaa nimanka isdilaaya oo meel wada jooga laakiin wadaadku ku dhex ceeboobay. waxaan leeyahay dagaalkaaso waa fitno ee halaga fogaado.

  6. waxaan salamayaa dhamaan islaamka ku salaamayaa scw basalaam aniga oo u dhashay buuhoodle waxan rabaa in rayigayga kadhiibto 1. MAAANU JECLIN DHIIGOOSA KAAYAGA IYO KOO DUNA WAA ISKU MID WAXAANU NAHAY DAD ISLAAMAH,DERIS AH,QARAABO AH, AYAGAA NAGU SOO DUULAY ANAGA OO SALADII SUBAX UTAAGAN OO TUKANAYNA AYEY NAGU BILAABEEN RASAASTA GURIGAYAGA HORTIISA WAXA KU DHINTAY MID KA MID AH CIIDANKII KAYIMI GEBILEY ,IYO BUUHOODLE BAABUURKU WUXUU U ALA DHAXAA LABO HABEEN IYO LABO MAALMOOD WAXAY LAYEEN CARUUR DUMAR CIROOLEIYADA OO QOFKA SADEXDA SANO JIRAA UGU YARYAHY DADKA HADABA WAXAAN ODHANAYAA DADKAN MEESHAKU KU JIRAEE SILAAMKA AH HAKU ODHANINA QOF DULMI LALA DONTAY WAX SII DHIBA CULIMADA WAXAAN LEEYAHAY ALAAH WUXU YIDHI FAIDAA QULTUM FACDILUU WALOW KAANA DILQURBA WAXAAN ILAAHAY KU MAHADINAYAA DUCADII UU NAGA AQBALAY EE UU NAGA AQBALAY IMINKANA ILAAHOW SIDA AAD NOOGA ABATAY SHARKOODA IMINKANA ILAAHOW SHARKOODA NOOGA QABO AAMIIN WAXA USHEEGAYA REER BUUHOODLE IN AANAY XAD GUBIN INTA AANAY XADGUDUBKA LA IMAN ILAAHAY WUU UKAAL MEYNAYAA NINKII CIDKU DUULANA ISAGAA OG RABI WUXU LAHORTEGI DOONO

  7. Qabyaaladi waa qadhmuun
    Qofkii qaatee qarsada
    Qalbiga qolal uga alkuma
    Qasaaruu qoorta gelin

  8. ASW
    XAQIIQADU WAXAY TAHAY CULIMADU KHAYR BAY SHEEGEEN ALLE HA KA ABAAL MARIYEEN LAAKIIN WAXAY ISKU SI U LA HADLEEN DAALIMKII IYO MADLUUMKII TAAS OO AY KU HABOONAYD INAY QABTAAN KUWA DUULAANKA AH KUWA KALANA KU BOORIYAAN INAY SAMRAAN. WAA DULMI IN QABIIL UU YIRAAHDO MIDKALE AYAAN SI XOOG AH UGU DOWLADAYNAYAA, PUNTLAND HADII BEESHA BUUHOODLE AY RABAAN INAY AAYAHOODA KA TASHADAAN KU KHASBI MAYSO INAY PUNTLAND KA MIDNOQDAAN TAA WAXA KA DARAN MID LEH SAAXIIB WAA GO’AYAA ADIGANA WAA KULA GO’AYAA RAB AMA HA RABIN WAAYO GUMAYSTIHII AYAA SIDAA NOO SHEEGAY??/??///////

  9. asc
    ilaah baa mahad leh, nnk rasuulkeenii maxamed, haba ahaado jaahiliyo dagaalka ka dhexeeya laba muslimiin ah, laakiin ma waxaa isku si loola hadlaa ninka isagoo hurda gurigiisii lagu gubay iyo ka ku gubay. Muslimiinta waa la dhex galaa laakiin si cadaalad ah baa loo dhex galaa.
    hadalkayga intiisa badani waxa uu ku jeedaa waa qolyaha tacliiqa saaray ee sida duuduubka ah warka isu saaray. ilaahay xaqa ha ina waafajiyo kuligeen

  10. ascw walaal yaal wan idin salamayaa dhamantin umada somaliyed intas hadi an kaga gudbo waxan mahad gaar ah u jedinaya shuyukhda reer somasli land runti wax fiican ayad samaysen waayo qofka islamka ah wax diinta u ubarto wa in u kujoojiyo dulmiga iyo xaqdarada walaalyaal alle ka cabsada reer somaliland waayo wax kan wa aduun shalay dulmi ayad ka carareysern waxad tirahden wa nala dulmiye mantana dulmi ayad diyaar u tihiin waxad gur yohodi ku dileysan shacab bermageydo ah oo ma sakiin ah runti dulmidiidow dulmi doon hanoqon dad dulkis ha ku dilina tan kale waxan u jowabaya qokan leh meday culimadi reer putland walaal reer putland cidkuma duulin dulmina magelin cidna kuma dulin waayo shan sano aye amunsanyihin intasna wax ey didaya dhiga dad ka deriska ah oo walaal ah ah oo an kala marmikarin wax kasta isku ah sida somali land oo ilowdey wexii lasu ah ku durdurineysa ilmihi gabadhodu dhashay oo kale maha runti weax badan aye xerinaya culimada iyo shacabka reer putland hadi tasla garan waayo arinto saas ma noqon doonto waayo dulqadku wa dhamada lakin illahay xaqa hatuso walaaleheen

  11. walaalaha soomaaliyeed ee muslinka ah waxaan u sheegayaa in waxa uu shiiqu ka hadlay ayna sax ahayn waxuu ku sheegay xarbu fitna, laakiin waxaa meesha yaala ninka soo duulay meel aad u fog oo aan wax laga haystaa ayna jirin, inuu dad dagan guryohoodii ugu tegay laayeyna waxa uu ku laynayona aan ahyn waxaad diidantihiin kitaabkii ale. markay arintu sidaa tahay waxaa sheekha looga fadhiyaa inuu lahadlo dadka uu ka dhashy gacantana qabto oo uu ku yiraahdo dulmiga joojiya, ee maaha in arinta laga dhigo mid guud. ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu xaqa ina garansiiyo.

  12. Acw waxaan leeyahay culimada reer somaliland door koodii waa kasoo baxeen ee aaway kuwii reer puntland maxay u aamusanyihiin may ka hadlaan dadka walaalaha ah oo dagaalamaya xaalkooda mar labaad waxaan leeyahay culimada reer somaliland khayr allaha idin siiyo ee arintaan gala waana ku faraxsanahay sida wanaagsan oo aad ugahadasheen jisaaka laahu khayran

  13. Asalaamucalaykum dhamaantiin walaalaha akhrista websitekan.
    Walaalayaal dagaalkaa culimadu ka hadhashay ee xarbu jaahiga ah waan in sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyaa.anigu waxaan is leeyahay haddii culimada iyo wax garadka ummadda oo ilaahay kaashanayaa ay isu taagaan damintiisa way damin karaan.
    dagaalkasta oo aan shareecada asal ku lahayni waa xarbujaahili.
    Wax baynu ka qabankarnaaye aynu ku dhiirano wax ka qabashadiisa.

  14. jazallaahu khayra culumada somaaliyeed ee marwalba u taagan islaaxa ummada somaaliyeed. ummadana alaha ka dhigo kuwa maqla wanaaga ay culumadu sheegayaan. mahadsanidiin halgan

Leave a comment

*