Nadwo ka bilaabatay maanta magaalada Rusternburg ee dalka South Afrika (Dhawaan filo)

January 6, 2012 - Written by

Rusternburg:-Culumadii Nadwada ka waday dalka South Afrika ayaa maanta gaaray magaalada  Rusternburg waxayna halkaas ka bilaabeen Nadwo diini ah taas oo ay ugu magac dareen  (Diintu waa Naseexo) waxayna culumada ka soo jeedsheen nadwooyin kala duwan magaalooyinka kala ah Johannesburg,Captown ,Portelizabeth.

Culumada ayaa maanta ka bilaabay muxaadarooyin kala duwan masaajida magaalada  Rusternburg oo ay ku nool yihiin dadweyne Soomaaliyeed oo u soo barakacay dalka South Afrika.Waxaa muxaadaradii ugu horeysay jeedhay Sh Cali Wajiis waxaana uu ka hadlay  In la isku kaalmeysto  Wanaaga iyo Alle cabsidiisa lagana fogaado dulmiga iyo wax kasta oo alle looga fogaanayo.

Sheekh Cali Wajis ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday Ahmiyada uu islaamka siiyey in khayrka la isku kaalmeysto .Muxaadaradii xigtay ayaa waxaa galabta jeediyey Sh Mustafe Xaji wuxuuna ka hadlay xilka qofka muslinka ah diintiisa ka saaran iyo sida wanaagsan ay saxaabada iyo salafkii uga soo baxeen xilka alle saaray.waxaa Muxaadaradii 3aad galay maanta Sheekh Dr Ahmed Daahir aweys wuxuuna ka hadlay  Xusnul khaatimaha .

Culumada Nadwada ka qeyb galaysa ayaa waxay kala yihiin.

1-Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
2-Sheekh Maxamuud Shible.
3-Sheekh Mustafe Xaaji Ismail.
4-Sheekh Cali Maxamuud Xassan
5-Sheekh Dr.Ahmed Daahir Aweys

Halkan Ka Dhageyso Muxaadarooyinkii ay culumada ka jeedsheen magaalada Johannesburg

Halkan Ka Dhageyso Muxaadarooyinkii ay culumada ka jeedsheen Magaalada Portelizabeth

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Muxaadaraadka ay culumada maanta ka jeedshaan magaalada Rusternburg hadii alle idmo dhawaan inshalaah.

Halgan.net
South Afrika

1 Comment so far

Leave a comment

  1. insha alaah walaalayaal soo galiya idinkoo raaliya waadna ku mahadsantihiin ku dadaal.

Leave a comment

*