Nadwo ka bilaabatay maanta magaalada Rusternburg ee dalka South Afrika (Dhawaan filo)

January 6, 2012 - Written by

Rusternburg:-Culumadii Nadwada ka waday dalka South Afrika ayaa maanta gaaray magaalada  Rusternburg waxayna halkaas ka bilaabeen Nadwo diini ah taas oo ay ugu magac dareen  (Diintu waa Naseexo) waxayna culumada ka soo jeedsheen nadwooyin kala duwan magaalooyinka kala ah Johannesburg,Captown ,Portelizabeth.

Culumada ayaa maanta ka bilaabay muxaadarooyin kala duwan masaajida magaalada  Rusternburg oo ay ku nool yihiin dadweyne Soomaaliyeed oo u soo barakacay dalka South Afrika.Waxaa muxaadaradii ugu horeysay jeedhay Sh Cali Wajiis waxaana uu ka hadlay  In la isku kaalmeysto  Wanaaga iyo Alle cabsidiisa lagana fogaado dulmiga iyo wax kasta oo alle looga fogaanayo.

Sheekh Cali Wajis ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday Ahmiyada uu islaamka siiyey in khayrka la isku kaalmeysto .Muxaadaradii xigtay ayaa waxaa galabta jeediyey Sh Mustafe Xaji wuxuuna ka hadlay xilka qofka muslinka ah diintiisa ka saaran iyo sida wanaagsan ay saxaabada iyo salafkii uga soo baxeen xilka alle saaray.waxaa Muxaadaradii 3aad galay maanta Sheekh Dr Ahmed Daahir aweys wuxuuna ka hadlay  Xusnul khaatimaha .

Culumada Nadwada ka qeyb galaysa ayaa waxay kala yihiin.

1-Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
2-Sheekh Maxamuud Shible.
3-Sheekh Mustafe Xaaji Ismail.
4-Sheekh Cali Maxamuud Xassan
5-Sheekh Dr.Ahmed Daahir Aweys

Halkan Ka Dhageyso Muxaadarooyinkii ay culumada ka jeedsheen magaalada Johannesburg

Halkan Ka Dhageyso Muxaadarooyinkii ay culumada ka jeedsheen Magaalada Portelizabeth

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Muxaadaraadka ay culumada maanta ka jeedshaan magaalada Rusternburg hadii alle idmo dhawaan inshalaah.

Halgan.net
South Afrika

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online