Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Buuhoodle oo la soo gaarsiiyey magaalada Gaalkacyo

January 17, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa la soo gaarsiiyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug qaar ka mid ah dhaawacyadii ku dhaawac may dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn oo ay ku jiraan dad rayid ah , dadkaan qaar ayaa waxaa guryahooda ku dhacay madaafiic la isku ridayey, ilaa 7 qof oo qaba dhaawacyo  kale duwan ayaa la soo gaarsiiyey Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Gobolka Mudug iyo masuuliyiin kale duwan ayaa  dadkaan dhaawac ah uga hortgay duleedka magaalada Gaalkacyo iyagoo  u soo galbiyey xarumaha caafimaadka ee ku yaal magaalada, Issimo , waxgarad iyo dhakhaatiir ayaa la arkayey iyagoo  ku sugan Isbitaalka magaalada Gaalkacyo iyagoo xiligaas ay aad ugu mashquulsanaayaan daaweynta dadkii dhaawacu ka soo gaaray dagaalkii Buuhoodle.

Dadweynaha magaalada Galkacyo ayaa markii ay maqleen in la soo gaarsiiyey dhaawacyo laga keenay magaalada Buuhoodle waxaa ay ku soo xoomeen Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo iyagoo dadku ay aad u hadal hayeen dagaalka ka dhacay Buuhoodle sababaha keenay dagaal ka iyo khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Puntlland Maxamed Yuusuf Jaamac iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka oo booqday dadka dhaawac ah ayaa eedayn u soo jeediyey maamulka S/lland iyagoo ku eedeeeyey in dagaalka ay ku soo qaadeen magaalada Buuhoodle uu yahay mid isir sooc ah arrinkaasna aan la aqbalin karin.

Issimo , odayaal dhaqan iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntlland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa eeda dagaalka dusha uga tuuray dowllada S/lland iyaguu ku baaqay in laga fogaado  dagaakl dhiig badan ku daato oo aan wax horumar ah aan laga gaari karfin burbur iyo barakac mooyee.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online