Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay Buuhoodle oo la keenay Gaalkacyo

January 27, 2012 - Written by

Buuhoodle:-Waxaa saaka laga dareemayaa deganaasho aan cago badan ku taagnay degaanka Sool-joogto oo shalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidanka S/lland iyo ciidanka degaanka Buuhoodle ee taageersan Maamulka Kaatumo State Of Somalia oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Taariikhiga ah ee Taleex.

Dagaalka shalay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray ciidanka S/lland iyo ciidanka degaanka Buuhoodle, xog anaa ka soo xig nay qof goob jooge ah oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa noo xaqiijiyey in dhaawacu soo gaaray dadka degaanka Buuhoodle uu yahay ilaa 23 ruux oo dhimasho ah  halka dhaawacuna uu yahay ku dhawaad 30 qof .Dhinac Ciidanka S/lland ayaa waxaa la soo sheegayaa in khasaare uu soo gaaray ciidankooda balse aan ilaa hadda tirada rasmi ah aan la xaqiijin karin marka laga reebo gaari xamuul ah oo laga qabsaday iyo gaari tikniko ah oo laga gubay.

Dadka degaanka ee ku dhaawacmay dagaalkii shalay ayaa saaka la soo gaarsiiyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Sool iyadoo maanta iyo shalay laga dareemayey mashquul fara badan rugaha caafimaadka ee ku yaal magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Isbitaalka weyn ee magaalada.

Xaalada goobihii shalay dagaalku uu ka dhacay ayaa ah mid degan saaka walow ay jirto weli cabsi laga qabo in dagaalo kale oo hor leh ay
ka qarxaan degaanka Sool-joogto maadaama aysan jirin wax wada hadal ah oo u dhexeeya Ciidanka degaanka Buuhoodle ee taageersan Maamulka Kaafumo State Of Somaliya oo madaxdoodii iygu saraysay ay ku suagn yihiin magaalada Buuhoodle iyo ciidanka S/lland.

Masuuliyiinta maamulka Gobolka Mudug iyo siyaasiyiin ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa saaka wax ka soo dhaweeyey dhaawacyadii  la soo gaarsiiyey magaalada Gaalkacyo , Maamulka Gobolka Mudug ee Puntlland oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ayaa eed u soo jeediyey ciidanka S/lland kuana eedeeyey in ay iyagu dagaalka bilaabeen.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online