Dhalinta baraarugu ma Jihaadayaan mise Xorriyadda Saxaafadda ayey ku kadsoomeen W/Q Cubtan Yuusuf

January 22, 2012 - Written by

Marka hore Allaah baan ku mahadinayaa, marka xigana Nabigaan ku sallinayaa صلى الله عليه وسلم , intaa ka dib maqaal kay gii “Abu Fadumo Nasiixa Ma Mudan Yahay” ujeedadii aan ka lahaa waan ka gaaray taas oo ahayd inaan walaalkaas u naseexeeyo wadada wanaagsana u tilmaamo si isna  uga badbaado dunuubta uu dhex dabaalanayo isagoo magaciisii qarsaday, anna aan ajar uga helo, walaalaha soomaaliyeed ee muslimiinta ahana ugu baraarugaan sida loogu tumanayo xuquuqdii guud iyo tii gaar ahaaneedba, iyadoo xadgudubkaas magac wanaagsan la siinayo kaasoo ah aljihaadu fii sabiilillaah. Abuu Fadumo inuu nasiixadayda qaato iyo inuusan qaadan wax anigu aan xukumo maahan waayo tawfiiqda Allaah baa iska leh    “إنّك لا تهدي من أحببت ولكن الله يهدي من يشاء” القصص. Saas oo ay tahayna waxaan  Allaah nooga wada baryayaa inuu xaqa na wada wafajiyo naguna mideeyo. Wallaalo badan baa igula taliyay in aanan waqti isaga lumin u nasiixaynta walaalkaan iyo dadka la midka ah maadaama ay yihiin kuwa diiday nasiixadii loona qurxiyay camalkooda xun, waxaanse naftayda iyo walaalahayba xasuusinyaa Allaah qowlkiisii ahaa “وإذ قالت أمّة منهم لم تعظون قوماً الله مهلكهم أو معذبهم عذاباً شديداً قالوا معذرة إلى ربّكم ولعلّهم يتقون, فلمّا نسوا ما ذكّروا به أنجينا الذين ينهون عن السوء وأخذنا الذين ظلموا بعذاب بئيس بما كانوا يفسقون” الأعراف 160-161

Halkaan riix Dhalinta Baraarugu Ma Jihaadayaan Mise Xorriyada Saxaafadda Ayay ku Kadsoomeen

 

Cubtan Yuusuf

Cubtanyusuf@yahoo.com

11 Comments so far

Leave a comment

  1. Ilaahay hakubarakeeya cubtan.kudayda gabadha ayaan leeyahay gabdhaha kale. Abuu faaduma kaligii maxaad uwaanin?

  2. Jazaakahaahu kheyr walaal Allaha kaa abaal mariyo haduusan maata qaadan maalin kaluu kashalaayi ama qaadan doona

  3. acww
    Cubtan walaal waxaad i dareensiisay in ay ummada soomaaliyeed wali nooshahay,waayo gabadh soomaaliyeed oo cilmi iyo caqli isku darsatay, oo waliba hal abuurna taqaan,hal abuurkaana ku difaacaysa diinteeda, dadkeeda iyo dalkeeda waa wax lagu diirsado dareen fiicana qofka ku abuuraysa.
    hadaan u soo noqdo dulucda hadalka,cubtaneey adiga iyo dadka sidaada u fakaraya masuuliyad wayn baa saaran.Soomaaliya maanta waxay maraysaa marxalad khatar ah oo u baahan mufakiriinta ummada soomaaliyeed oo dhan in ay isu geeyaan dadaalkooda,kaliyana ay ka fakaraan sida ugu haboon ee ummadan sii dagaysa siina baaba’aysa loo badbaadin lahaa. Oohin,murugo,qalbi xumo iyo calaacal waqtigoodii waa dhamaaday,waa waqtigii camal dagdag ah oo ku qotoma fikir saliim ah oo wax badbaadin kara.
    -Midnimo qanaaco ku dhisan
    -Dowlad siyaasa sharciya ku dhisan
    -iyo waliba jiil fahansan waxa loo baahan yahay marxaladan aan ku jiro
    ayaa waxaan is leeyahay waxay ka mid yihiin afkaarta saliimka ah ee camalkaa dagdaga ah asaas u noqon kara.
    qayb ka noqo dadaalkaa.
    wcww

  4. Waan hubaa Inaad hadal hufan oo qiimo badan u jeedisay cidii wax ku qaadanaysa. Allaah baa quluubta rogroga ee wanaaga ha tuso walaalaha shaydaanku u qurxiyay waddada qaldan marideeda u macaaniyay dhiiga walaalahooda aan waxba galabsan inay umadda u adeegaana ku mashquulsanaa abidkood.

  5. Asc- Walaashay cubtan Illahay miizaankaaga xasanaadka hakuu galiyo
    Anagana waanadaada hanagu anfaco
    kooxda baraaruga islaamka sheegatay waa kuwo hada hurdada kasookacay waagii horena hurday qofka marka isagoo hurda nabar lagu dhufto naxdinta wuu qayliyaa wuxuu ku hadalayana makala yaqaano marka ninmankani loolankii horee gaalada lagula jiray way ka hurdeen haday sootooseen nabarkayna kusoo tooseen marka wixii afkooda kusoo dhacaba way iska sheegaan
    walaashay ninkaad u naseexaynaysaa maaha nin naseexadu gasho waa mid qumanihiisa qoorta loo galiyay qofku haduu cay mooyee wax kaloo uusheego uu garan waayo laguma daalo adigana sharaf dhac bay kuutahay inaad lahadashidba waayo aykastoo ciya hadii dhagax lagu tuuro dhagaxyadaa qaali noqon lahaa
    anuu sika daabaan kudhihilahaa waa neef illahaye

  6. Ragaa awal ishaystay hadana ma gabdhihi baa walee anagaa wax aragnay illaahow ummada dhib ka korqaad

  7. Cubtan khayr ilaahay haku siiyo. Nimankan way u baahan yihiin nasiixo joogto ah oo aan laga joogin

  8. Asc,Jazaakillahu khayral jazaa ukhtii alfaadilah, Ilaahayna Xikmada, Caaliga iyo aqoontaada intaba hakuu barakeeyo,walaalo sidaadoo kale ahna Ilaahay hanoo badiyo. Walaasha waa runteed oo dhalinyarada baraarugga waa jiraan oo mar kasta dacwada way soo maraan, kuwa ay runtii la hadlaysana waxaan isleeyahay waa kuwa ay diinta ka tahay oo ay ka tahay HALA ROORAAN RUN MOODAY. Walaashu si asluubleh ayay xataa ugu jawaabtay cid kasta oo ay rabtay inay u naseexayso, xataa qofka magaca gabadha wata ee usoo jawaabay. Runtii waa hab dhaqankii lagu yaqaanay salafka walaa uzakii calallaahi axadan. Walaasheen hanaga daalin oo qalinka aad noo qaaday hadhigin,hana quusan inta aad arkayso wax sixitaan u baahan sax oo sheeg, waligaana khayr ka suuli maysid inshaa almawlaa.

  9. khayr ALLE ha ku siiyo cubtan., laakiin wax la yiraahdo ma jiraan dhalinyarada baraaruga waa shaqsiyaad fidnaysan oo beenta ka xishoon beentooda waxay gaarsisay inay isku magacabaan dhalin baraarug si dadku ugu maleeyo dadbadan.

  10. waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa walaalsha Cubtan Yuusuf oo runtii qoraalkeedu uu yahay mid diineed oo ku salaysan naseexo iyo waano laakiin yaa dhagaysanaya dadka ay la hadlayo baan lahayn dux iyo iimaane allwo na hanuuni well done Cubtan Yuusuf

  11. salaamu calaykum

    Walaashay cubtan waan u mahad celinayaa sida qiimaha badan ay noogu soo gudbisay nasiixada ilaahay ha ka abaal mariyo Halkaa ka sii wad mashalaaah

Leave a comment

*