Diyaarad dagaalka dalka Kenya oo xasuuqay qoyskii Sheekh Cabdulaahi Macallin (Warbixin)

January 15, 2012 - Written by

Jilib:-Wararka naga soo gaaraya degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ayaa sheegay in diyaarado laga lee yahay dalka Kenya ay duqeyn u geysteen degmada Jilib iyadoo diyaaradahaas ay dhowr gantaal ku garaaceen magaalada , diyaaradaha ayaa la sheegay in ay bartilmaamsadeen guri ku yaal magaalada waxaan gurigaas ku dhintay ilaa 5 qof.

Diyaaradaha dalka Kenya ayaa xasuuqday ilmihii nin guddoome hore uga ahaan jiray degmada Cabdulaahi Macallin Gudoomiyaha ayaa ku maqnaa magaalada Muqdisho waxaana duqeynta ku dhintay allaha samar ka siiyee dhamaan caruurtii Cabdulaahi Macallin oo gaaraya ilaa 5 caruur ah .

Ciidamada Kenya ayaa ku fashilay dagaalkii lugta ee gobalada J/hoose iyo Gedo markii ay jabweyn kala kulmaan ciidamada Al-shabaab ayaa waxay geystaan duqeyn aargoosi ah oo ay shacabka ku xasuuqaan.

A/Cawaale
Halgan.net

6 Comments so far

Leave a comment

  1. Innaa lillaahi wainnaa ileeyhi raajicuun , waxaan ugu tacsiyeeynayaa walaalkeen imtixaanka asiibay , walaal sabir oo iimaankaaga adkee , allaah ayaa shaliba kusii caruurta maantana asigaa kugu imtixaanay , badalkooda oo kheyr qabana allaha kusiiyo , Cadawga caruurteena baa biinayana waxaan leeyahay ogaada dhiiga caruurteena Xisaab baa kadambeeyn maalintaay noqotaba dulli adinkuu idiin dambeeyn insha allaah

  2. ان لله مااعطى وله مااخذ وكل شيء عنده اجل مسما

  3. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun
    ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo walaalkaas shuhadadana ilaahay ha u naxariisto, hana loo duceeyo in ilaahay musiibadaas badal khayr badan ugu badalo

  4. waxaan aad utacsiyanayaa walaalk reekii sii la baa bi iyaay , tanlabaad kayna oo hurdo ka soo kacday ayaa anfaririkii al shabaab ku slashay kadibna cashirbaa loo dhigay , cahdadii ayay shacabka kula duldhacaday.. soo maalaay baraarug hurdada katoos kor ufikira .al shabaabey dadka latasho culimadan hakudagdagina

  5. Halgan.net sidaas ayaan idinku jeclahay. Haku dayinana kuwa iyagu kaligood Islaamka isku haysta. Sooqora waxa cadowgu dadka Muslimiinta ah u gaysto iyo waxkastoo ka dhan ah Diinteena sharaftaleh.

  6. Asc

    Ilaahay ha u naxariisto damaan dadka shicbka ah ee ku shahiiday goobtaas.
    Sabr iyo imaan Allah haka siiyo sheekha iyo dhamaan ehelkood.

Leave a comment

*