Duqeyn ay ku dhinteen culimo oo xalay ka dhacday degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

January 8, 2012 - Written by

Muqdisho:-Duqeyn ay ku dhinteen culimo ayaa  xalay ka dhacday degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.Madaafiic waaweyn ayaa waxa ay ku dhacday masaajidka hidaaya ee Culimada Tabliiqu diinta ka fidiyaan  ee xaafadda Waxar-cadde ee degmada Heliwaa magaalada Muqdisho.

Duqeynta oo aheyd mid xooggan ayaa waxa sababtay dhimashada ilaa laba Sheikh oo ka mid ahaa culimada Tabliiqa, weliba kuwooda shuurada, waxaana mid ka mid ah Culimada allaha u naxariistee lagu magacaabi jiray Sheikh C/raxmaan Tabaruc.

Sidoo kale duqeynta oo meelo kale ku dhacday ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac kale, iyadoona isla masaajidka ay ku dhaawacmeen ilaa 5 qof oo kale, iyadoo marka madaafiicdaas ay  dhaceysay uu dagaal goos goos ah soconayey, kaasoo u dhexeeyey ciidamada huwanta ah iyo kuwa xarakada Al-Shabaab.

Dowladda KMG ah iyo saraakiisha  AMISOM ayaan weli ka hadlin amuurtan oo loo tiirinayo ciidankooda, iyadoona arin aad looga xumaado ay tahay duqeymaha aan loo meel dayin ee lala beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin shacabka aan waxba galabsan.

Masaajidkan ayaa horey waxaa uga dhacay xasuuq loo geystay culimo tabliiq ah, waagii ay Itoobiyaanku Muqdisho ku sugnaayeen, waxaama xasuuqaas geystay ciidankii dowladda Itoobiya ee la socday ciidamada DFKM

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Ilaahow muslimiinta u gargaar

Leave a comment

*