Ergadii shirka Khaatumo II oo isku raacay in maamul gobolleed loo dhiso Sool, Sanaag & Cayn.(Video)

January 10, 2012 - Written by

Taleex:-Waxaa maanta markii ugu horaysay si rasmi ah uu u shaaciyey madaxa saxaafada ergooyinka Shira Khaatumo II in ergadii shirk uga socday magaalada Taariikhiga ah ee Taleex  ay go,aansatay maanta iskuna raacday in maamul gobolleed loo sameeyey Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn ka dib markii ay dhowr maalmood ay ka doodayaan arrinkaas.

Go,aamada ay isla gaareen ergada shirka ka qayb galaysa ayaa waxaa maalinta beri ah la hordhigi doonaa oo ka doodi doona Garaadada iyo cuqaasha , waxgaradka beesha dhulbahante,gudoomiye ku xigeenka guddiga dhaqaalaha shirka Khaatumo II Saleebaan X. Cali Samatar Wejixaad oo la hadlay saxaada ayaa u sheegay in howshu ka soo gudbtay ergada lana sugayo go,aamada ay Isimadu ka qaataan arrinka.

Maalinta beri ah ayaa la dhowrayaa in ay Garaadda beeshu ay ka doodaan go,aamada ay ergooyinku ay soo bandhigeen maanta iyadoo la filay in maalmaha soo socda loo gudbo wajigii ugu danbeeyey oo ah in maamul gobolleed ka madax banaan S/lland iyo Puntlland lagu dhawaaqo arrinkaan oo dad badan oo xog ka hayey qaabka uu u socday shirku ay filayeen.

Dowlada Puntland ayaa ilaa intii shirka bilaawday aan ka hadal shirka, halka maamulka Soomaaliland uu sheegay in uu saluugsan yahaya shirka uuna aqbali doonin in arrimo siyaasad oo lid ku ah S/lland iyo gooni isku taageeda uu  ka soo baxaan shirka.

Hoos ka Daawo Video warsaxaafadeedka.

Source Videa-ga Lasanod Online.

M_M_Deeq
Halgan.net

10 Comments so far

Leave a comment

  1. guul ssc iyo somaliweyn all waxaan ku rajaynaya guul darta iyo puntlandba iyo wixii somalinimo jecel guul guul ayaan lenahay

  2. Waa guul u soo hoyotay maanta shacabka ssc walalayaal halkaa kasii wada waad gaaraysaan halkaad higsanaysaan iinsha allah dhamaan shacabka soomaliyeed waa idin garabtaaganyahay guulaysta
    viva ssc

  3. asc wr wb

    Ma jirto wax u diiday in dad ay ka tashadaan danohooda gaarka ah islamkana kuma sugna bal wa dembi ina dad kumanaan ah lagu sheego diin la’aan iyo cilmaniyad bal waxaa taas keenaya oo keliya cilmi la’aan iyo ad adayg wada socda labadaas markay is raacaanna halaag ayaa laga dhaxlaa ee hala tartibsado oo waxan la cilmi loo lahayn halaga gaabsado.wsc wr.

  4. ASC
    waxaan halakan uga naseexaynayaa dadka kaqayb galay shirka taleex waxay somalailan kabilaabayaan fitno markaa waxaan odhan lahaa
    kawaan tooba waayo bulshada meshaa dagani way kawaan toobeen dagaal maamulkan lagu dhawaaqayna wuxuu abuurayaa fitno markaa shacbiga inay cidi kudanaysato maahee kadaaya fadlan mardanbaad qooma mayn doontaane.

  5. Sideebaa nin diin sheeganayaa ugu farxaa maamul cilmaaninimo iyo qabyaalad ku dhisan. Waa aakhirusamaan.

  6. ASC,
    Masha Allah, Waad mahadsan tihiin sidii aad ugu dadaasheen in aan Somalia laka goyn, waana og nahay dadaalkaas aad soo martaeen.

    Haddana waxaad ku dartaan Insha Allah in aad Somali oo dhan marti qaadaan intii gaalo iyo ajenebi ujeedo lahi marti qaadayaan si Somali u hesho Dawlada Islam ku dhisan.

    Guul Reer SSC, Guul Somaliwayn.

  7. scw ma xalbaa in maamul goboleedyo loo kala go’o oo ay sii bataan maamul goboleedyada?

  8. scw walaalha ssc waxaan urajaynayaa guul maamulka shareeecada islaam haku maamulaan alaah ayaa garabkooda ha galo scw

  9. Manshaallah Allah ha idinku guuleeyo umada soomaaliyeedna Allah ha uga dhigo mid ay wax uga Datatilsynet in ay muhiim tahay nabad dadku sameestaan oo waliba ay soomaalinimadeedii iyo dhaqankeedii iyo cuqaasheedii tixgaliso sida Bredahl soomaaliyeed Allah khair baanu kuu weydiinaynaa beeshaas amuurahooda katashanayso walaalshay dariskana waxaan rajeenayaa in ay nabad, islaamnimo, soomaalino ku WADA noolaadaan waxaana i rajeenayaa meel histori ka qormo mar nabad Allah ha ka dhigo inshallah :::::)

  10. asc wa guuuuuuuuuuuuuuuul ssc manshalah wa ku faraxsanahay wa ilahay mahadis nabad ban idin rijeynaya ssc guul ban idin rijeynaya cadawga ilahay idin ka qabto amiin

Leave a comment

*