Ergadii shirka Khaatumo II oo isku raacay in maamul gobolleed loo dhiso Sool, Sanaag & Cayn.(Video)

January 10, 2012 - Written by

Taleex:-Waxaa maanta markii ugu horaysay si rasmi ah uu u shaaciyey madaxa saxaafada ergooyinka Shira Khaatumo II in ergadii shirk uga socday magaalada Taariikhiga ah ee Taleex  ay go,aansatay maanta iskuna raacday in maamul gobolleed loo sameeyey Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn ka dib markii ay dhowr maalmood ay ka doodayaan arrinkaas.

Go,aamada ay isla gaareen ergada shirka ka qayb galaysa ayaa waxaa maalinta beri ah la hordhigi doonaa oo ka doodi doona Garaadada iyo cuqaasha , waxgaradka beesha dhulbahante,gudoomiye ku xigeenka guddiga dhaqaalaha shirka Khaatumo II Saleebaan X. Cali Samatar Wejixaad oo la hadlay saxaada ayaa u sheegay in howshu ka soo gudbtay ergada lana sugayo go,aamada ay Isimadu ka qaataan arrinka.

Maalinta beri ah ayaa la dhowrayaa in ay Garaadda beeshu ay ka doodaan go,aamada ay ergooyinku ay soo bandhigeen maanta iyadoo la filay in maalmaha soo socda loo gudbo wajigii ugu danbeeyey oo ah in maamul gobolleed ka madax banaan S/lland iyo Puntlland lagu dhawaaqo arrinkaan oo dad badan oo xog ka hayey qaabka uu u socday shirku ay filayeen.

Dowlada Puntland ayaa ilaa intii shirka bilaawday aan ka hadal shirka, halka maamulka Soomaaliland uu sheegay in uu saluugsan yahaya shirka uuna aqbali doonin in arrimo siyaasad oo lid ku ah S/lland iyo gooni isku taageeda uu  ka soo baxaan shirka.

Hoos ka Daawo Video warsaxaafadeedka.

Source Videa-ga Lasanod Online.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online