Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Taleex(Dhagayso)

January 15, 2012 - Written by

Taleex:-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Issimada ugu waaweyn ee Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn iyo Garaadadda kale ayaa waxaa ay shir jaraa’id ku qabteen xaruntaa Madaxtooyada ee magaalada Taleex, Madax dhaqameedka SSC ayaa si caro leh uga hadlay weerar kii saaka ka dhacay magaalada Buuhoodle, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa ku baaqay dagaal ka dhan Ciidanka S/lland oo weerarka ku ah degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa xusay in beeshiisu ay xaq u leedahay  in ay aayahooda ay ka tashtaan arrinkaas oo ay beel walba oo Soomaaliyeed ay xaq u leedahay waxay ay dan u aragto, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa waxaa ka muuqday caro aad u badan isagoo ku cel ceilyey dagaal lala galo ciidanka S/lland.

Colaada ka soo cusboonaatay Gobolka Cayn ayaa waxaa laga baqayaa in ay ku soo fido Gobolka Sool iyadoo dagaalkan laga cabsi qabo in uu galaafto naf badan iyo in dad badan ay qaxaan  arrintaas oo ah mid dhibaato badan ka abuuri doonta beelaha Soomaaliyeed ee ood wadaaga ah.

Culimo’udiinka iyo waxgaradka ku nool S/lland iyo Gobolka Sool ayaa waxaa laga doonayaa in ay dadaal u galaan in ay baajiyaan dagaal qabiil oo dad badan ay ku dhintaan oo ka dhaca Gobolka Cayn  iyo Gobollada ku xeeran oo ay dhici karto in ay ku fidaan dagaaladu.

Hoos ka Dhagayso shirkii Jaraa.id  ee uu Taleex ku qabtay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

[Audio:http://taleex.net/wp-content/uploads/2012/01/garaad-saleebaan-on-buuhoodle.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asc

    culimada maaha inay u fatwoodaan qabaailka, oo ay isku diraan. Ee waa inay xaqa dadka u hor boodaan oo dadka ugu yeedhaan xaqa. Kana digaan dhiiga muslimka ah ee sida raqiiska ah loo daadinaay qabiil daraadii.

Leave a comment

*