Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Taleex(Dhagayso)

January 15, 2012 - Written by

Taleex:-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Issimada ugu waaweyn ee Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn iyo Garaadadda kale ayaa waxaa ay shir jaraa’id ku qabteen xaruntaa Madaxtooyada ee magaalada Taleex, Madax dhaqameedka SSC ayaa si caro leh uga hadlay weerar kii saaka ka dhacay magaalada Buuhoodle, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa ku baaqay dagaal ka dhan Ciidanka S/lland oo weerarka ku ah degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa xusay in beeshiisu ay xaq u leedahay  in ay aayahooda ay ka tashtaan arrinkaas oo ay beel walba oo Soomaaliyeed ay xaq u leedahay waxay ay dan u aragto, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa waxaa ka muuqday caro aad u badan isagoo ku cel ceilyey dagaal lala galo ciidanka S/lland.

Colaada ka soo cusboonaatay Gobolka Cayn ayaa waxaa laga baqayaa in ay ku soo fido Gobolka Sool iyadoo dagaalkan laga cabsi qabo in uu galaafto naf badan iyo in dad badan ay qaxaan  arrintaas oo ah mid dhibaato badan ka abuuri doonta beelaha Soomaaliyeed ee ood wadaaga ah.

Culimo’udiinka iyo waxgaradka ku nool S/lland iyo Gobolka Sool ayaa waxaa laga doonayaa in ay dadaal u galaan in ay baajiyaan dagaal qabiil oo dad badan ay ku dhintaan oo ka dhaca Gobolka Cayn  iyo Gobollada ku xeeran oo ay dhici karto in ay ku fidaan dagaaladu.

Hoos ka Dhagayso shirkii Jaraa.id  ee uu Taleex ku qabtay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

[Audio:http://taleex.net/wp-content/uploads/2012/01/garaad-saleebaan-on-buuhoodle.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online