Golaha Wasiirada DFKM oo shir ku yeeshay magaalda Muqdisho

January 19, 2012 - Written by

Muqdisho, 19 January 2012 Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin safarkii Ra’iisul Wasaaraha ku tegey Kenya iyo Djibouti, arrimaha amniga, Gargaarka Bani’aadanimo, canshuuraha berriga iyo warbixin wasiirka Haweenka iyo 3 wasiir ku xigeen oo ka qeybgalay shir ka dhacay Tunis.

Ugu horreyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu Nairobi uga qeybgalay 09kii Janaayo shirka isku xirka iyo la soco shada Roadmapka. Shirkan ayey beesha caalamku ku ammaaneen Dowladda Soomaaliya horumarka ballaaran ee laga sameeyey Roadmapka sida dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, isku xirka maamulada iyo dowladda dhexe, dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu ka warbixiyey booqashadii rasmiga aheyd ee uu ku tegey Djibouti oo uu sheegay in Madaxda Djibouti ay si heer sare ah u soo dhoweeyeen, isla markaana uu la kulmay Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelleh, Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte iyo qaar ka mid ah wasiirada Djibouti. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Dowlada Djibouti ay rajo badan ka muujiyeen horumarka ballaaran ee Dowladdu ku tallaabsatay ee dhan walba sida abaaraha, amniga, iyo dhaqangelinta roadmapka.

Wasiirada Amniga ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyey dhanka amniga oo howlgalo ay ciidamada amnigu sameeyeen lagu guuleystay oo 12 qof lagu soo qabtay iyo 18 qori. Golahu waxey ku ammaaneen hay’adaha amniga dadaalkooda waxeyna isku raaceen in degmooyinka ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii amniga loo sugi lahaa isla markaana loo soo celin lahaa kala danbeyntii iyo sharaftii shacabka Soomaaliyeed. Goluhu waxey ku ammaaneen shacabka sida ay ula shaqeeyeen hay’adaha amniga, kana codsadeen in shacabka iyo hay’adaha amniga ay sii xoojiyaan wadashaqeyntooda.

Guddiga Wasiirada Abaaraha ayaa warbixin siiyey golaha ee ku wajahan sida ay u socdaan howlaha gar-gaarka bani’aada nimo waxeyna sheegeen in qorshihii Dowladda ee dib-u-dejinta barakacayaasha uu bilowday oo dhowaan la qorshey nayo in illaa 10 kun oo qoys loo sameyn doono dib-u-dejin dhameystiran.

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaadiidka ayaa ka warbixiyey howlo lagu hirgalinayo canshuuraha gaadiidka, waxeyna sheegeen in qorshahaas uu si wanaagsan u socdo. Golahu waxey ugu baaqeen gaadiidleyda inay iska bixiyaan canshuur aha ku waajibay oo 1da Febraayo gaadiidka aan bixinin canshuurtii ku waajibtay la saari doono ganaax. Wasaarada Maaliyada ayaa waxey ka warbixisay muhiimada canshuuraha si loo fuliyo adeegyada bulshada oo ay ka mid yihiin amniga, waxbarashada, caafimaadka iwm, waxeyna ka codsadeen in ganacsatada ay kala shaqeeyaan wasaaradda maali yadda howlaha canshuur ururinta.

Ugu danbeyntii Wasiiradda Haweenka ayaa waxey ka warbixisey shir ay ka qeybgashay oo looga hadlayey gudniinka fir-fircoon oo ka dhacay magaalada Garowe oo ay sheegtay in shirku uu ku dhamaaday guul iyo is-fagarad isla markaana ay kala tashan doonto wasaarada caafimaadka iyo garsoorka dhaqangelinta barnaamijkan. Sidoo kale golaha waxa warbixin siiyey wasiir ku xigeenada Biyaha, Tamarta, iyo Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha oo safar shaqo ku tegey magaalada Tunis, kulamana la yeeshay Bankiga Horumarinta Afrika oo ay sheegeen in Bankigu uu diyaar u yahay inuu maalgeshi ku sameeyo Soomaaliya. Waxey kaloo sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali uu u saxiixay Bankga Horumarinta Afrika 3 million oo mashaariic biyo gelin ah loogu sameynayo Somaliland.

– DHAMAAD –

Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online