Ilaahay ducadii muslimiinta waa aqbalay, gacanku dhiigalayaashiina dulmigoodii waa muujiyey

January 1, 2012 - Written by

Tobankii bisha muxaram ee sanadkan 1433, kuna beegnayda 05/12/2011, waxa ay ahayd maalin xanuun badan oo dhegaha soomaaliyeed mar keliya uu ku soo hoobtay war naxdin leh, oo dhiig ka da’ayo kaas oo sheegayey: in si waxa shnimo ah saaka loogu dilay magaalada boosaaso Sh.Dr.Axmed Xaaji Cabdi raxamaan isagoo salaadiis subax soo tukaday tobankii maalinta caashuurana sooman!!.

* Dad guryii ka yimi baa war baas noola soo galaye. *

Geeridii xirsay sheegayaan gacal ha waayeene *

Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge *

Abidkiiba rag waa go’i jiree tani se waa gaare *

Gabal baa u dumay reerihii gelinka booc yiile.

Dhacdadani inkastoo ay naxdintaas lahayd haddana naxdin kasta waxaad ku sabreysaa markaad xasuusto tii Cumar bin khadaab geliway day ee uu yidhi nebi muxamed (RNKA) ma dhiman ilaa uu Abuubakar Assidiiq ku akhriyey aayadii ku jirtay AAla Cimraan ,una caqli celiyey dhamaan saxaabadi.i

Sheekh Axmed – Alaah ha u naxariistee- ma ahayn shakhsi caadi ah oo si fudud dilkiisa loo ilaabi karo, sheekh axmed waxa dilkiisa ka xumaaday dhamaan bulsho waynta soomaaliyeed mid yaqaanay iyo mid imika maqlayba, waxaa kale oo aad uu u raadeeyey dadkii muslimiinta ahaa ee ay is yaqaaneen ee aan somalida ahayn.

Dilka sheekhu waxa uu furay su’aalo badan oo la iska waydiiyey sida: cidda sheekha dilkiisa ka danbeysa ? sababta loo dilay ?  qorshaha lagu dilay iyo ujeedooyinka ka danbeeya ee la maagan yahay ?.

Dadka muslimiintu meelkasta oo ay joogaan waxa ay ku ducaynayeen laba arimood oo kala ah:

1) In ilaahay sheekha u naxariisto darajaadka sare ee janadana gaadhsiiyo.

2) In ilaahay cidda gaysatay danbegaa bahalnimada ah ee diin la’aanta ah, kashifo oo ceebtooda banaanka soo dhigo.

Ilaahay – fadligiisa iyo karamkiisa ducada wanaagsan ma celiyee – ducadaas waa aqbalay, gaar ahaan teedii labaad oo ah in ilaahay cidda dilkaas gaysatay kashifo, in uu ta labaad aqbalana waa uga rajo badanahay tan aqbalaadeedii muuqato.

Waxa beesha sheekhu ka soo jeedaa ay si waafi ah oo faahfaahsan u cadeeyeen shalay oo bishu ahayd 6 safar 1433, kuna beegan 30/12/2011 in dilka sheekh Dr Axmed Cabdiraxmaan ay xarakada al shabaab ka danbeysay, sidoo kale maamulka puntland ayaa sheegay inay caddey mo sugan oo biyo kama dhibcaan ah oo qiraal iyo markhaati kac ah, soo bandhigi doonaan.

Waxa markaas iswaydiin mudan, shabaab inay dileen sheekha waa ku cadaatay, inay xaq ku taagan yihiinna waa isu haysteen, ducada muslimiinta ee ah in ilaahay calaamad ka muujiyo oo kashifo kuwa sheekha xaq-darada ku dilayna inaan la aqbalayn oo duco baadil ah ay tahayn bay u aaminsanaayeen, ma garowsan doonaan in sheekha ay dulmi ku dileen ?, magarowsan doonaan inaanay is waafaqayn inay xaq sheegtaan, hadana habaarka muslimiintu ku dhaco, oo ilaahay uga hiiliyo kuway dilkooda janada ku doonayeen ?!!

Anigoo ka hadlaaya aqoonta gaar ahaaneed ee aan u lahaa Dr. Axmed (Alaah ha u naxariistee) : Sheekhu waxa uu ahaa nin ilaahay ku kulmi yey aqoon diineed oo xeel dheer waayo aragnimo, dhaqan wanaag iyo akhlaaq, waxaa uu ahaa nin dabeecad macaan oo aanay cidna is qaban umadduna wada jeceshahay, waxa uu ahaa nin dhoola cadeyn badan oo hadal macaan, xikmad badan oo aanad dhegaysigiisa ka daaleyn.

Hadalkiisa wax sheegna mid markastaba miisaaman oo aqoon, u caqli celin iyo wanaagdoon ku salaysan buu ahaa, Shabaab dadka ku kul kulul ee khaladaadkooda sida qayaxan ugu sheega muu ahayn, waxa la filayey in shabaab haday culimo laynayso – kuwo hore oo badanba waa lagu tuhusanayaaye, – inay isaga ugu danbeysiiso, oo uu noqon karo cidda ugu danbeysa ee ay ku dhiiran karaan, marka la eego hab-dhaqankiisa, miisaankiisa shakhsiyadeed ama bulsho, aqoontiisa, nasteexadiisa dhibirsan ee uu iyaga ugu nasteexaynayey si ay gefafka iyo khaladaadka diinta dib uga laabtaan, waxase muuqata inay qaateen mabda’a odhanaya “cidda ugu sokaysa, ugu qiimaha badan, loogu jecel yahay ka bilow si cid kastoo kaleba ugu quus qaadato”.

Waxa weli taagan su’aasha ah horta culimada uu sheekh Axmed ka mid ahaa loo beegsanayaa ?, jawaabta su’aashan dadka intooda badani ma fahamsanna, waan arin ka mid ah agendaha wayse cadaan doontaa inshalaah.Waxa kale oo dad badani garan la’ yihiin waxa ay shabaab intay sheekha dileen, hadana u dafireen dilkiisa, weliba shahiid ugu tilmaameen!!!.

Waxase isku dultaag mudan, laba arimood:

1- Shabaab waxa ay ku dhaqmaan mabda;a loo yaqaano Atuqya, oo ay shiicadu ku caan baxday kaasoo macnihiisu yahay, been ku raad gado ama isku badbaadi, iyadoon wax dawaabid ah oo sharci loo eegin arintaas.

2- Shabaab waxa ay isticmaalaan siyaasadda suuqa, oo hadba radul ficilka shacabka ka imaan kara ayey qiimeeyaan, kuna dhisaan mabda’ooda Attuqya, iyagoo haday arkaan in ficilkooda lala waafaqi karana sheegta, haday arkaan in ay wax ku waayayaana ka aamusa- sida kan sheekh axmed oo kale amaba qaraxyadii Hargeisa ee Octobar 2008 kii – ama dafira sidii qaraxii Hotel Shaamow ee Dec.2009, amaba isku daya inay dadka marin habaabiyaan sidii dilkii ardayda Turkiga waxbarashada u aadayey ee la qarxiyey Oct, 2011, ka dibna la yidhi waxa loo dirayey tabobar basaasnimo!.

Ugu danbeyn waxa aan Illahay ka baryaa inuu xaqqa na tuso raacistiisana na waafajiyo, sheekhii u naxariisto, ehelkiisii iyo guud ahaan ummadanna samir iyo iimaanka siiyo, sharwadayaasha dilayna dhagartooda ku celiyo.

Aragtid Maqaalka ku qoran waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

W/Q: Abdulqani H. Mohamed
Cabdiqani2@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online