Iska dil ! W/Q Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu xassaan)

January 11, 2012 - Written by

Ciyaaraha aan ugu jecleyn yaraantii waxaa ugu muhiimsanaa laynta mulacyada, jiirka shinbiraha iwm. sida badanna kooxda ahaan isku dhow ayaan ahaanjirnay oo leeb iyo qaanso ley ah, inta badanna waxaa hog gaamiye noqon jiray ninka ugu laayaansan ama ugu firfir cooni da badan.

Waxaa dhici jirtay in xooluhu naga lumaan sidaan mulac ama shinbir u eryaneyno, sida badanna howlahaas waan joojin jirnay markii gabbalku dhoco; maxaa yeelay waxaa adkaaneysa in la arko waxa la tooganayo ama in la helo leebkii la ganay, waxaase mararka qaar dhici jirtay inaan fiidka hore ku guurno meelaha ay habeenkii shinbirtu u hoyato, waxaana dhici jirtay in la toogto shinbirta buulka ku jirta, in lala helo way dhacdaa in lala waayo oo leebkii lagu riday lumana waa laga yaabaa.

Ciyaar xiiso leh ayay noo aheyd laynta nafleydaas aan waxba galabsanin, waxaana jeclaan jirnay inaan wixii dhaqaaqaba tooganno, sida: masaska, hangaralaha, caasha garaddaxda,calikacsadaha, malowga iyo noocyo kale oo noo ahaa il iyo aragti. Laynta xayawaanadaas ujeeddo aan ciyaar aheyn kama aanaan laheyn marka lag reebo shinbirta oo aan u dili jirnay si aan baarrimeheeda leebta ugu baalanno, mana jirin cid naga weyneyd oo laynta noolayaashaas naga dhaadhicisay, waxaanse qaddarayaa in dadka naga waaweynaa laftoodu ay ciyaarta noocaas ah soo mareen.

Halkaan ka Akhri maqaalkii Iska dil ee Sh Xassan Maxamed

W/Q  Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu xassaan)

 

 

 

10 Comments so far

Leave a comment

  1. ASWW, Ani waxaan xasuustaa hadii mulaca barbar cowro kor soo marto waxaan lasheegi jiray “Roob masoo da’ayo” Khuraafaadkii kii bay ka mid ahayd., Hada ALShabaab haday ruux dilaan daqsina ugama duwana; barcowro xataa dhihi mayaan,. Ilaahow xaqa nagu suq

  2. Ilaaahay ajar iyo xasanaad haka siiyo wixiii uu asiibay wixii uu qaldayna alaha ka cafiyo ilaahay muslimka ka xafido kuwa sharta watana hanaga qabto

  3. ACWW, jazaahulaahi khayran walaalka maqaalkaan qiimaha badan qorey, weliba dhaqan iyo adaab islaanimo ama Soomaalinimo ku qorey. Waxaan Allaah ka rajaynaynaa inay akhristaan nimanka uu sida gaarka ah ula hadlaayo, fahmaan, kun caqliqaataan, ilaahna u toobadkeenaan, ummadduna dhibtooda ka raysato. Aamiin. WSC

  4. Sheekha maqaalkan qoray Alle haka abaal mariyo abaal-marin wanaagsan. Waa nin wax garad ah.

    Laakiin, nasiib darro, isla website-kan dadka wax ku soo qora qaarkood, ama weriye ha ahaadeen ama faallooyin hasoo qoreene, waxaa iska cad iney weli u jiibinayaan alshabaab.

    Waxaan isweydiiyaa: ilaa goorma ayaa dadka lagu qaldi karaa astaan ama magac-diimeed oo aan laga run sheegayn?

    Alshabaab oo intii mudda ahba waxyeello ku haysay ummadda soomaaliyeed, aan u naxayn maatada, ugaarsaneysa oo dileysana hal-doorka ummadda….. miyaa weli loo soo qorayaa: xarakatul-shabaab almujaahidiin, iyadoo la buunbuuninayo laguna ammaanayo dagaalka ay wadaan?!

  5. s/c aad buu u mahadsan yahay sh abuu xassaan run ahaan tii waan u bogay maqaalkiisa wax aan yaraantii soo dhaafayna caawa dib buu ii milicsiiyay laakiin sheekh xasanaw xiligaas aad mulaca dilayseen waxaa hub idiin ahaa qanso iyo leeb lakiin hadaad qoriga baasku ka dhaco ku hubaysan lahaydeen sida loo ridana la idin bari lahaa mulac iyo shinbirtoona la ma aydan aadeen ee wax uu qaban karo ayaad la raadsan lahaydeen kkkkkkkkkkkkkk marka niman ku waa waa ciyaalkaad ogaydeen oo hubka bartay ka dibna ka tadawuray waxaad dili jirteen waxaadse ku kala duwanaydeen marka la idin waydiiyo maxaad u dilaysaan waan ku yaraanaynaa bay jawaabtu ahayd lakiin waan ku jihaadi iyo waa cadaw allaah meesha ma oolin qorshe laga wataba arintani waa ina xushan tahay ilaahay hanaga saata bixiyo sheekadii ahayd diin baan u dilaynaa waxay ila tahay in ay iska soo afjarantay sabab too ah kuwii diinta waday baan u jeednaa sida loo laayey arintanina ogaada waa bilawgii jabitaankooda iyo in dadku ka aamin baxeen masaakiintana waxa loo sheegayay ay beenawday
    mahadsanidiin

  6. asalamu calaykum

    sheekha aad ayuu u mahadsanyahay khayr badanna allaha uga jazeeyo run ahaantiin sheekh abuu xasaan waa nin aqoonyahan ah caaqilna ah maashaa allaah ilaahow inoo xafid oo ka ilaali fitna adduunyo iyo shar bani aadan intaba , waxaana leeeyahay sheikh xasanow mawaadiicda noocan ah ee bulshada loogaga digayo sharta iyo dhagarta nimankaas al shabaab ha ka daalina raggiina ilaahay u fdudeeyey inay wax quraan, ilaahay cazza wajalla waxaan ka baryaynaa inuu quluubtiinna, carrabkiinna iyo xujooyinkiinaba sugo aamiin.

    adinkoo raalli iga ah qisa yar oo dhacday hadaan idiin sheego, waa sidan

    mawsimkii xajjka ee labaad sanadkii 1431 hjriga anagoo joogna xaramka makkah ayaa waxaa lanoo soo sheegay in al shabaab ay ku dileen nin magaalada mandhera ee ku taal xad beenaadka gobolka gedo la wadaago kenya, ninkaasu masjid uu ku tukan jiray ayuu u socday oo waxaa joogay waqtigii maqribka, salaaddii markii la tukaday ka dib ayaa ninkii meesha laga qaaday isagoo xinjirihii diigga iyo dhulki is qabsadeen, ninkii subaxnimadii ayaa la aasay, waxaa duugtii ka dib qabriga dushiisa dadkii kula hadlay nin ka mid ahaa culimada masjidka ninka la dilay ku tukan jiray ninka la dilayna aqon wanaagsan u lahaa, sheekhii wuxuu yiri:

    Xandulle (waa ninka shabaab dileen) waxaa la dilay isagoo usoo socda masjidkii uu ku tukan jiray, ragga dilay ilaahay agtiisa ayay la iman doonaan sababta ay ky dileen, anigase aqoontii aan u lahaa darteed waxaan qirayaa, saaka salaadii subax booskii uu masjidka kaga tukan jiray inuu banaanaa(Ila ninkii ku tukan jiray booska waa la dilaye), wiilkiisii curad ee uu masjidka salaadda subax keeni jirayna saaka lama keenin(Illaa aabihii keeni jirayba waa la dilaye}, markii salaadda la tukado oo la tasbiixsado ka dibna subacii ay subcim jireen isaga iyo wiilkiisa saaka waa baaqday.

    sheekhii wuxuu yiri anagu intaas ayaan ilaahay agtiisa qiraynaa, kuwii dhiigiisa daadiyeyse iyakaa ilaaha weyn oo waaxidka la hor tagi doona waxay ku dileen ninkaas.

    walaalayaalow shabaab dadka ay dilaan waa dad noocaas ah ama ka sii wanaagsan, ilmihii waa agoon, islaamihii waa araamil, dhibaato iyo murugo midba mida kale ka darantahay, ayay dadkii badeen diini kaa reebi mayso, aqli kaa celin maayo, cid la garanayo oo meel loo raaco leh ma ahan, wax kale oo noo furan ma garanaysaan?

  7. shabaabku waa dambiilayal , in maxkamad lasoo taago mooyee xal kale ma jiro .

    sheekh xasana jazaaka ALLAAHU khayran.

  8. assalamu calaykum

    mulaca sababta loo dili jiray waxay ahayd

    khuraafo shaac baxday ayaa jirtay oo odhanaysa mulacu waa (Naara afuuf), waxaana garanayn inay odhan jireen mulacu wuxuu ku afuufay nabi ibraahim naartii lagu tuuray, iyo anuu afuufo naaro kale .

  9. Asc
    Wuu iga qosliyey walaalku, waxaan soo xasuustay yaraantaydii, alla maxaan xayawaan laynay. Waxaan la yaabaa marka halkan aan joogno dabagaale ii soo dhawaado markaasaan cunto yar u tuuraa. Dhulkii dabagaale markuu 10 mile kaa arko ayuu baxsan.

    Sidaas oy tahay, aduunka dadka ugu hormarsan waa kuwa ugu dagaalka badan, bal hadda eega Ameerika waa 200 sano oo keliya ayay jirtaa inta dagaal ay galeen ka badan 300. waxayna weerareen in ka badan 100 dal. Bal eega china iyo inta dagaal ee dhexmartay, europe ka daran, nin aan dagaalamin aduun waxba kama aha, waxba yaan beenta reer galbeedka ee nabad iyo xoriyad ku celcelin ha dhegaysan, camalkooda u fiirso.

    Bal hada eega sida ay u dileen saynsiyahnadii iiraan.Bal eega islaamka inta ay dagaalamayeen ayay sharaf lahaayeen, nebiguna wuxuu seef ayaa la igu daray ilaa yowmul qiyaamaa. Dabcan waxay ku xidhantahay mabda,a loo dagaalamaay, waa inuu qabiil ka waynyahay.

    Mida kale cid wax iska dishaa sabab la’aan ma jirto taa hala ogaado, ninkastaba hadaf uu leeyahay ayaa u cad inta uu ka gaadhaayo

  10. ilaahay ha idin barakeeyo dhamaan culimada ictisaam oo idil allaahna ha idinka ilaaliyo sharka dhiigyacabka godane iyo kawaanlaydiisa, runtii danbiga ugu wayn ee culimadiina u haystaa waa inaydaan qoladana sidan cad ee hadda u cadayseen aydaan waligiin u cadaynin, dad badana iyagaaba ku siri jiray isku mid baanu nahayoo waa culimadayadii, laakiin wax walbaa wakhti buu leeyahaye wakhtigii shabaab waa dhamaaday nin danbo la siraana ma jiro kuwa ku dhex bahaloobaynaya dawadoodu waa dil iyo in maxakamad la soo taago

Leave a comment

*