Jaamacada Bariga Afrika oo furtay Machad loogu magac daray Marxuun Sh.Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan

January 20, 2012 - Written by

Garoowe:-Xaflada si weyn loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaana ka soo qeyb galay Masuuliin ka tirsan dowllada Puntland , Isimo waxgarad iyo culuma udiin xaflada ayaa waxaa soo agaasimay Jaamacada Bariga Afrika qaybteed magaalada Garoowe .

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Madaxa  jaamacada Bariga Africa faraceeda Garoowe ayaa sheegay in xaflada loo qabtay si Machad ay furtay Jaamacada Bariga Afrika loogu magacaabo allaha u naxriistee Sh.Dr Ahmed Xaji C/raxmaan oo ay dileen kooxda amniyaadka ee ururka Al-shabaab sida ay cadeeyeen beesha Shiikhu uu ka dhashay iyo culimada ku nool degaamada Puntlland.

Agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada waxbarashad ee Puntland C/laahi Cali Jaamaca {Dhubad} ayaa waxaa uu ka hadlay xaflada waxaana uu aad ugu mahad celiyey madaxada Jaamacada bariga Afrika waxaana uu sheegay  in machadkaani uu ku soo beegmay xilli wanaagsan.

Wasiiru dowlaha maamul wanaaga ee Puntland Maxamed Faraax Ciise {Gaashaan} ayaa xariga ka jaray Machadka Cusub ee loogu magac daray Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in machadka uu horey u sii wado aqoontii iyo waxbarashadii uu ka dhintay Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan raximahulaah.Jaamacada bariga Afrika ayaa waxay faracyo badan ku leedahay inta badan deegaanada Puntland waxaana jaamacadaas dhidibada loo aasay 1999kii .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online