Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee magaalada Qardho.(Dhagayso)

January 13, 2012 - Written by

Qardho:-Waxaa maanta oo jimco ah Masjidka Cumar Binu Khadaab ee magaalada Qardho khudbada Jimcaha ka akhriyey Ustaad Maxamuud Cali Aadan oo ah Bare wax ka dhiga Iskuulka Sh Cismaan Secondary School ahna arday wax ka barta Jaamacada Bariga Soomaaliya ustaad Maxamuud ayaa Khudbadiisa ugu magac daray فياي عقل ودين يكون القتل في هذ(المجتمع) diintee ama caqligee buu dilku noqon karaa Mujta macan Muslimka ah ustaad ka ayaa khudbadiisa ku soo arooriyey Aayado iyo Axaadiith saxiix ah oo xarimaya in qof Muslim ah lagu dilo xaq daro ay xaaraan tahay.

Hoos ka dhagayso khudbo jimcihii maanta ee Masjidka Cumar ee magaalada QardhoIbnu Khadhaab

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/KhudbadajimceQardho.mp3]

Ama Halkan

Khudbada ka dib ayaa waxaa tacliiq kooban ka bixiyey Shiikh Maxamuud Cali Gooni oo ka tirsan ducaada magaalada Qardho wuxuuna Shiikhu umada ku adkeeyey in aan la fududeysan dhiiga muslimka wuxuu sidoo kale sheegay in umadaan soomaaliyeed badankood yihiin kuwo wax dilay iyo kuwo hadda raba in ay wax dilaan oo doonaya iney wax ku dilaan qaab qabiil ama qaab siyaasadeed. Khudbadaan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xili ay firaqaadka ka dagaalama soomaaliya iyo Qabaa’ilka qaar ay  fududeystaan dilka Muslimiinta iyo cayda Culimada Salifiga.

Hoos ka Dhagayso Tacliiqa Khubada Jimcaha  SH Maxamuud Cali Gooni.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/tacliiqakhudbadaMaxamuud Cali gooni.mp3]

Ama Halkan

Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. allaah khayr iyo Janno ha idiinku abaal gudo.sida aad khayrka u soo nashirtaan.

  2. Allaha idin xifdiyo walaalaha reer halgan.net aad iyo aad ayaad umahadsantihiin mp3 isagoo ah soogasha walaalayaal Allaha kheyr idinku abaal marshee

  3. insha alaah bi idinilaahi kariim wll waad kumahadsantihiiin khayrka aad wadaan walaalayaal wxn idinka codsanaynaa hadaan nahay daalacdayaasha halgan.net inaad noo soo gelisaan muxaadaraadkii ka dhacady so

Leave a comment

*