Kulan looga hadlayey amaanka gobalka Bari oo lagu qabtay Boosaaso(Warbixin)

January 8, 2012 - Written by

Boosaaso:-Kulan looga hadlayey amaanka gobalka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu ka dhacay saaka hoolka shirarka ee xarunta maamulka degmada Boosaaso waxaana kulanka ka soo qeyb galay Isimo ,Nabadoono culuma,udiin iyo wasiiro ka tirsan maamulka Puntland.Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan iyo ku-xigeenadiisa, Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdallah Xasan, iyo xubnaha joogtada ah ee golaha degaanka ayaa dhamaantood goobjoog ka ahaa kulanka waxaana looga wada hadlay sida looga hortagi lahaa kuwa ka wada magaalada Boosaaso dilalka qorsheysan.

Kulanka ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay Culimaa’uddiin si weyn looga qadariyo Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax, Sheekh Daahir Aw-Cabdi, Sheekh Axmed Cabdisamed Cabdulle, iyo Sheekh Axmed-Daahir Xasan .

Culumada ayaa si adag uga hadlay amaanka iyo waxqabad la,aanta maamulka waxayna ugu baaqeen Maamulka haddii aysan umada amnigooda wax ka qaban karin ay ka horwareegaan umadana waxay ugu baaqeen shacabka in ay hubkooda qaataan oo iska celiyaan kooxaha amniyaadka  ee  Al-Shabaab ka tirsan oo dilalka ka wada deegaanada Puntland.

Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdallah Xasan ayaa sheegay in inta karaankooda ah ay isku dayi doonaan in ay sugaan amaanka magaalada Boosaaso wuxuuna sheegay in la qabtay inta badan kuwii amaan xumida ka waday magaalada kuwa kalana lagu daba jiro.

Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax ayaa ka hadlay kulanka waxaana uu ugu baaqay Reer Boosaaso in ay amaankooda ku faro adeygaan iskana celiyaan Al-Shabaab wuxuu kale oo Sheekha ugu baaqay waalidiinta in ay caruurtooda ay tarbiyo wanaagsan tarbiyeeyaan kana fogaadaan afkaarka qaloocan .

Sheekh Daahir Aw-Cabdi ayaa isna ka hadlay kulanka ayaa waxaana uu ugu baaqay bulshada reer Boosaaso in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa baneystay dhiiga muslinka  wuxuuna xasuusiyey in amaanka ay heystaan uusan sii jiri doonin hadaysan ku faro adeygin.

Waxaa kale o kulanka ka hadlay Sheekh Ahmed Daahir Xasan wuxuuna sheegay in kooxaha ka wada magaalada Boosaaso dilalka iyo qaraxyada ay doonayaan in dalka Burburo dadkuna uu qaxo waxaa kale oo eedeyn dusha uga tuuray hogaanka Al-Shabaab Ahmed Godane iyo kooxaha ka amar qaata ee Amniyaadka kuwaas oo dad badan ku laayey magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Qeylo dhaanta Culumada Puntland ayaa bilaabatay ka dib markii ay culumada ay heleen xog hoose oo ku aadan cida dishay Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan iyo qorshooyin kale oo la rabo in lagu laayo culumada iyo waxgarad kale .Dhalinyarada saxwada iyo ducaada Boosaaso ayaa xalay bilaabay in  ay ilaalo u sameeyaan culumada iyo dhamaan masaajida Boosaaso waxaana lagu arkay magaalada Boosaaso dhaliyaro wadaado ah oo  hubeysan oo ilaalo ka haya culumada.

M_M Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Maashaa allaah ,allaah ha xafido culimada iyo dhalinyarada dadaalaysa
    nacam saas ayaa laydin ka rabaa inaad dadaashaan oo noo ilaalisaan isheena, waayo culimadu waa isheenii, anaguna ducadaan idinku kaalmaynaynaa. Wa billaahi tawfiiq

  2. Asalamu Calaykum
    maamulka puntland iyo culimadu waa inay si wada jir ah ammaanka deegaanka u sugaan, meeshaas tasaahul badan ayaa ka jira, waa in dadka shacabka ah loo diyaariyaa laguna wacyi galiyaa inay ammaanka dhinacooda ka ilaaliyaan, al-shabaab ishaacaadkii iyo borobogaandadii ay sameeyeen wax badan oo ka mid ah waxay ka fushadeen reer puntland oo waxay dadkii ka dhaadhiciyeen in maamulka faroole uu yahay maamul ridda ah, sida dhabta ahna al-shabaab iyo maamulka faroole waxaa dadka iyo diinta u fiican maamulka faroole, maxaa yeelay ugu yaraan iyagu ilaahay iyo rasuulkiisa kuma been abuuranayaan, haday dambi gelayaanna iskood ayay u galaane diinta ma hafraan, culimada iyo ducaadda waxaan kula talin lahaa inay qaybta ugu weyn sugida mniga ka qaataan umadana naftooda iyo diintooda loo ilaaliyo, al shabaabna laga suuliyo deegaanka, shacabka in lagu tarbiyeeyo iany soo sheegaan cid kasta oo ay ka shakiyaan, xaafad xaafad ha la isugu leexiyo magaalooyinka xaafad walbana dad guddi ah oo si hoose ula socda in loo sameeyo, iyadoo aan dadka lagu xad gudbaynna cidii laga shakiyo baaritaan lagu sameeyo.

Leave a comment

*