Kulan looga hadlayey amaanka gobalka Bari oo lagu qabtay Boosaaso(Warbixin)

January 8, 2012 - Written by

Boosaaso:-Kulan looga hadlayey amaanka gobalka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu ka dhacay saaka hoolka shirarka ee xarunta maamulka degmada Boosaaso waxaana kulanka ka soo qeyb galay Isimo ,Nabadoono culuma,udiin iyo wasiiro ka tirsan maamulka Puntland.Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan iyo ku-xigeenadiisa, Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdallah Xasan, iyo xubnaha joogtada ah ee golaha degaanka ayaa dhamaantood goobjoog ka ahaa kulanka waxaana looga wada hadlay sida looga hortagi lahaa kuwa ka wada magaalada Boosaaso dilalka qorsheysan.

Kulanka ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay Culimaa’uddiin si weyn looga qadariyo Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax, Sheekh Daahir Aw-Cabdi, Sheekh Axmed Cabdisamed Cabdulle, iyo Sheekh Axmed-Daahir Xasan .

Culumada ayaa si adag uga hadlay amaanka iyo waxqabad la,aanta maamulka waxayna ugu baaqeen Maamulka haddii aysan umada amnigooda wax ka qaban karin ay ka horwareegaan umadana waxay ugu baaqeen shacabka in ay hubkooda qaataan oo iska celiyaan kooxaha amniyaadka  ee  Al-Shabaab ka tirsan oo dilalka ka wada deegaanada Puntland.

Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdallah Xasan ayaa sheegay in inta karaankooda ah ay isku dayi doonaan in ay sugaan amaanka magaalada Boosaaso wuxuuna sheegay in la qabtay inta badan kuwii amaan xumida ka waday magaalada kuwa kalana lagu daba jiro.

Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax ayaa ka hadlay kulanka waxaana uu ugu baaqay Reer Boosaaso in ay amaankooda ku faro adeygaan iskana celiyaan Al-Shabaab wuxuu kale oo Sheekha ugu baaqay waalidiinta in ay caruurtooda ay tarbiyo wanaagsan tarbiyeeyaan kana fogaadaan afkaarka qaloocan .

Sheekh Daahir Aw-Cabdi ayaa isna ka hadlay kulanka ayaa waxaana uu ugu baaqay bulshada reer Boosaaso in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa baneystay dhiiga muslinka  wuxuuna xasuusiyey in amaanka ay heystaan uusan sii jiri doonin hadaysan ku faro adeygin.

Waxaa kale o kulanka ka hadlay Sheekh Ahmed Daahir Xasan wuxuuna sheegay in kooxaha ka wada magaalada Boosaaso dilalka iyo qaraxyada ay doonayaan in dalka Burburo dadkuna uu qaxo waxaa kale oo eedeyn dusha uga tuuray hogaanka Al-Shabaab Ahmed Godane iyo kooxaha ka amar qaata ee Amniyaadka kuwaas oo dad badan ku laayey magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Qeylo dhaanta Culumada Puntland ayaa bilaabatay ka dib markii ay culumada ay heleen xog hoose oo ku aadan cida dishay Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan iyo qorshooyin kale oo la rabo in lagu laayo culumada iyo waxgarad kale .Dhalinyarada saxwada iyo ducaada Boosaaso ayaa xalay bilaabay in  ay ilaalo u sameeyaan culumada iyo dhamaan masaajida Boosaaso waxaana lagu arkay magaalada Boosaaso dhaliyaro wadaado ah oo  hubeysan oo ilaalo ka haya culumada.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online