Ma gar bay idin la tahay? 1aad W/Q Murriyo Cali Max’ud

January 31, 2012 - Written by

Alle baa Mahad oo dhan iska leh Ugu horrayn waxaan idiin sheegayaa waxaan ahay qof soomaaliyeed oo ku nool gobolka bari, waxaan aalaaba akhriyaa qoraal lada la soo galiyo mareegaha ku abtirsada baraarugga islaamka soomaaliya, waxaan in badan is waydiiyay dadka mareegaha  qaarkood wax ku qoraa waa ilma ayo, yaa dhalay, xagee lagu dhalay?, dhalmada ula ma jeedo tii dhabta ahayd iyo haybtii abtirka aabayaal iyo awoowayaal, waxaaanse ula jeedaa goormay wadaad do noqdeen, madarasadee ayay ku abtirsadaan, yayse hadda u shaqeeyaan.?

Dhab ahaa intuba waa su’aalo u baahan in si fiican loo dhuuxo, aad iyo aadna loo lafo guro, loona helo jawaabo ku filan in la ogaado dunta iyo  macdanta dadkaas iyaga ah, waxay culimdu yiraahdaan لولا السند لقال من شاء ما شاء )(haddaan sanadku jirin qof walbaa wuxuu oran lahaa waxa uu doono, sanadkuna waa abtirka cidda hadalka oranaysa si loo kala hufo warka dadku ay sheega yaan oo midna u noqdo mid nabad galay oo caafimaad qaba midna mid balaysan oo xanuun ka muuqdo, waa wax ay aad u yaqaan aan Culimada xadiisku.

Waxaan is waydiiyaa dadkaani waa sumad laawayaal astaan ka dhigtay Abu-hebel  waa waxa luqada afka carbeed loo yaqaan (كنيه)oo ah in la yiraahdo hebel ama heblaayo aabihiis/aabeheed ama hooyadiis/hooyadeed, waa halka soomaalidu ka jeceshahay ina hebel ama ina hebel oo gabar ah, laakiin haddii kunyada aan soo sheegay oo ay carabi jeclayd Islaamkuna sunneeyay ma lagu kaaftoomi karaa haddaan la aqoon abuugaas ama umudaas haddii aan la helin aqoon dhamays tiran oo ah mid haybeed, mid dhaqan iyo akhlaaqeed iyo waliba mid caqiidaba, waxay ila tahay in qof walba oo aqoon leh mid diineed iyo mid kaleba in ay jawaabtu tahay maya laguma kaaf toomi karo.

Waxaa intaa ka sii daran waxay ka warramayaan taariikh waxayna ornayaan anigu goobjoog ma ahayne saas ayaa warku igu soo gaaray, haddaan khaldanahayna waa lay sixi karaa, hadalkaas waxaa yiraahda dad badan oo nooca aan ka warramaya ah waxaase la yiri mayd maxaa u dambeeyay saa la yeen kaas la sii sido bal oraahdaan ka eega awga isku naanaysay Abu-Ibraahim ee leh qormada uu ugu gar naqayo Culimo uu u kala bixiyay Culimada Al-shabaab iyo Culimada Al-ictisaam, oo waa yaabe haddii aanay hubin warka ay sheegayaan may soo hubsadaan illeyn Hubsiino hal baa la siistaaye,(كفى بالمرء إثما أن يقول بكل ما سمع)waa oraah laga soo guuriyay Nabigeenna Muxamad ah Salawaatullaahi wa salaamu calayhi, macnaheeduna yahay waxaa qofka dambi ugu filan inuu sheego wax walba oo uu maqlo, waxa aanse is leeyahay waxaanu waa baroortu orgiga ka wayn, una malayn maayo  xitaa haddii la saxo in qaarkood ay qaadanayaan.

Sidoo kale waxa ugu horreeya ee ay duminayaan waa Culimadii laga soo aflaxay ee dadka soomaalida ah baray Tawxiid ka, ku dhaqanka qur’aanka iyo sunnaha, xijaabka, akhlaaqda toosan iyo u hardanka in loo hardamo soo celinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka, gaar ahaan waxay aad ugu dadaalaan inay maryaha ka dhigaan madarasada Salafiga ah Culimadeeda, waa yaabe waxay wax walba ka dhalaalinayaan cayda culimada, waa yaab iyo amakaag markaad akhridid gaal fahmay dhagarta lagu hayo muslimiinta iyo Culimada ictisaam oo gaalada wali daba ordaya, waxa aan anigu u qaatay in ay tahay hawl ay ka wada shaqaynayaa qofaf, kooxo iyo dawlado, maxaa yeelay kuwaan aan ka hadlayo iyo Gaalada kuwooda sameeya ra’yiga waxay isku waafqsan yihiin in madarasada Salafiiga ah ama waxa ay ku naanayseen wahaabiisimka in ay isku si ula wada dagaalamaan, waa yaabe maxaa isku hawl ka dhigay ayagoo isu muujinaya inay dirirsanyihiin! bal adba, hadii aysan ahayn sidii ninkii habartu lagadey ee yiri anoo gunti xun, meeshoo sibsib ahayd iyo habartoo sinsaaryo taqaanay ayaa kulmaye habartu ima lagadeen, hadda gaaladii oo wahaabiisimka la dirirsan iyo abuuyada oo wahaabiisimka mujaahidiinta ka difaacaya ayaa kulmay malaha.

Intaba waxaa igala yaab badan Abuuyadu iygoo Halkable miiran ah ayay suugaan isla soo mutuxaan ay gabay u wada baxsheen bal dhagayso mid yiri saar baan tirinayaa laakiin bayd toosani uusan ku jirin marka laga reebo baydka rakaadda ah ama dhextaalka ee ah ma maqasheen maalmahaan, ma aragtay Abuu-Faadumo oo isna yiri tixbaan tirinayaa mise waa mid jaban iyo mid jiis ah, laakiin Cubtan ayaa intay samada ka keentay laf dhabar, biixi iyo adin is dhaaf ah jabisay, waxaa laga yaabaa in lays waydiiyo maxaa loola  jeeddaa Halkable, Halkable waa eray soomaali guun ah ka haray oo ah kan aan maanso ruugga ahayn laakiin is ka dhiga maansayahan birta calashaday.

Illeen af laba daan lihi hadal kama daalo, waxaa saacad walba la soo qoryaa ama giraan lagu soo qabanayaa hadal aan nuxur lahayn oo iga gee ah, laakiin loo ekaysiinayo loo qaateen inta loo sameeyo cinwaan dhiigu ka da’yo, waxaa lagu soo cayiliyaa war aan la hubin mid been ah oo iska cad haddii aynaan is yeelyeelayn waa wax qof walba oo caqli in yar ka lihi uu garan karo laakiin waxaad mooddaa in aynu noqonay dhagaystayaal iyo waliba akhristyaal diimoon oo ah mooganayaal aan dareen iyo dadnimo lagu ogayn, waayo Abuuyada aan la hayb aqoon iyo Culimada waawayn ee aynu cilmiga ka baranay ee hebellada  aad wada taqaanaan ah ayaynu u nahay dhexdhexaad amaba Abuuyada aynaan aqoon tolow ma caddaan baa mise waa madow ayaynuba la safanahay.

Garta abuuyadu fureen

Gorfaynaayaan ilmuhu

Gabgabt iyo orodka iyo

Hadba geed fuulka iyo

Garnaqsiga kali ahaan

Go’aankay gaarayaan

Gargayrtay caayayaan

Ma gar bay idin la tahay?

Anaa gaylamahayoo

Diintana gargaarayoo

Gaalada hor jooga oo

Gaashaan aan jabin marnaba

Waxaan ahay geesi wayn

Muslinkii i gees marana

Inaan gawracahayoo

Unuunkana aan ka goyn

Masjidkaba haba galee

Akhyaareey waa gamuur

Ogow mana aan gald’in

Ma gar bay idin la tahay?

Culimadii waa gaftoo

Dhulkay wada  gooshayaan

Qamiisyay gashan yihiin

Mana gaagaab sadaan

Gaaladay jecelyihiin

Anagana gaaladaa

Garaamahayaga qabtoo

Gurboodkana noo hayoo

Guryo wacan noo dhigoo

Gacal bay noo yihiin

Mana aanaan gafine

Gar baanu ku taaganahay

Ma gar bay idin la tahay?

La soco qormada xigta.

W/Q Murriyo Cali Max’ud

Boosaaso Somaaliya

11 Comments so far

Leave a comment

  1. Asallaamu Calaykum

    Walshay afkaaga kaluun lagu qabay waayo meesha aad qoraalka ka soo qortay kaluunka ayaa noo caano geel ah, walshaay mar labaad iyo mar sadexaad Allaah haku barkeeyo hana ku dhoowro kunyadii abu qaasim ayeey dadku qalad ka fahmeen ayaan aqbaa sida aad qabto, Aloow soo hadee Muslimiinta inta sinbiriiraxatay inta kalena ka yeel kuwo nicamkaaga ku shugriya.

  2. a.s.c.walaal kheyarbadan allah ku siiyo,nimaankaan waa sida ay walaalah sheegeen waa daciif, warkooda,waa ragii nabiga sheegey salawaatullahay wasalaamu calayhi haduu lakulmo in uu leyan lahaa,awkam qaal,waxaan markasta ay dhabar jabiyaan muslimiinta,maanta waxaa muuqda in dad soomaalida aysan maqli karin in layiraahado waxaa la iduku xukumidiin,yaa heerkaas garsiiyey,waxaan markasta isweydiiyaa yey wadanka ka difaacayaan iyagaaba meelkasta ololiyey,waa shaqaale ushakheeya israa iil,ragaan isqarinaayo waa mukhaabaraad u.s.a.

  3. assalaamu caleykum

    Abtirsigooda waa la yaqaan walaaley. waxey ku abtirsadaan Cimraan ibn xadhaan afkaartiisa. Marka, suugaanta xataa heerkiisa hadey ka gaaraan, foolxumadooda waxba kama badaleyso.

  4. Walaal khayr ilaahay ha ku siiyo. Aad baad ugu qancan nimankaas ardaasha sida aad u gashay.

  5. maya muriyow gar ma ahan oo gar ma ahan oo waa gef weyn, khayrna allaha ku siiyo, guul daroolayaalka webebkaas wax ku qora ee abuuyada miiran ah ilama aha inay caqligaas weyninka badan ee muriyo xitaa ay fahmi karaan iskaba daa inay wax ku qaataan, oo waahtoobaane, maxaa yeelay ama waaba shaqaale gaalada u shaqeeyo-waana sida dad badan qabaane- ama waa il fuur meeluu ka soo orday iyo meeluu ku abtirsado midna aan la aqoon oo wada majhuul ah, cilmul xadiiska markaan u noqonno sida muriyoba sheegtay-khayr allaha siiyee- ninka daciifka ah waxaa lagu yaqaan inuu qariyo magaca sheekhiisu ku caanka yahay oo hadduu sheekhiisu magaciisa dhabta ah ku caan yahay kuunyadiisa ayay ugu yeeraan, haduu kuunyada caan ku yahayna magaciisa ayay ugu yeeraan waana ninka muxadisiintu u yaqaanaan MUDALLIS,sababta ay magaca shuyuukhdooda u qarinayaana waxaa weeye sheekha oo daciif ah oo hadii magacisii lagu yaqiin ay ku sheegaan muxadisiintu ay hore ka fahmayaan ka dibna xadiiskiisii la daciifinayo, qolayah abuuyada ahu iskaba daa magaca shuyuukhdoodii oo aanba la aqoone koodii ayayba qarinayaan, qofka is hubo waa qofka waxa uu qabo golaha la yimaada ka dibna u diyaar ah inuu ka garnaqsado wixii ku soo noqda, laakiin qof is qarinaya oo magaciisu abuu ama aumu yahay oo inta meel mugdi ah wax ku qoray iska dheh wixiisu yihiin warkiisu waa DACIIF wax ka soo qaadna ma leh

  6. Mashaa Allaah!!

    Afkaaga Caano Mac & Malabba Lagu Qabay.
    Raggu waa inay dumarka dib u eegaan, islamarkaana garawsadaanna in xigmaddu baryahaan xagooda xigto,inkastoo lala wadaago.Kaftan.

    Noolaada Mushtamaca barkiisow,barka kalena idinkaa dhalay. Alloow! noo barakee gabdhaheena & raggeenaba. Aamiin.

  7. maa shaa alaah muriyo cali maxamuud waad la heshay abuuyaal iyo jini aan la aqoonin, waxan kale kaaga tahniyadeenayaa hadalkaaga halbeega aadka u qurxoon oo murtida aqliga badan wadata walaal waad mahadsan tahay jazaaka laah qeyr

  8. Jazaakillaah walaashay, halkii loo baahnaa ayaad ka hadashay, waana wax loo baahan yahay in loo dad badsado abuuyadaan. Ilaahay hanoo badiyo gabdhaha sida Murriya iyo Cubtan oo kale ah, dhammaana Allaah ha xifdiyo gabdheheena Muslimaatka ah. Ilaahay sidoo kale hanoo xifdiyo Culumadeena rabbaaniyiinta ah oo waligood shaqadoodu ahayd inay ka shaqeeyaan hagaajinta hab dhaqanka mujtameena si loo helo mujtamac mithaali ah. Ilaahow naga qabo kuwa dhibka ku haya diintaada iyo dadkeeda ama Muslim khaldan ha noqdaan ama gaal cadaystay ha noqdaane, Allaahuma aamiin.

  9. maya maya muriyo garmaaha iyo cadaalad ALLE na ajar iyo xasanaad hakaasiiyo difaaca aad culimada difaacaysid halkaana ka sii wad.

  10. Asc, muriyo jazaka allahu khayran wa axsana ilayki.qof sugaanyahand ah baad tahay masha allah. Nimankan dacwada inay dhabar jaabkuyihiin waxa dalil kuugu filan, kooxixii ahlu bidaca ahaa oo somaliya kasii baaba,ayay hada xoogbaysoo yeelanayaa waxana saba u ah Shababka oo dacwadii salafka sheeganayaa baa ahlu ahwaa iska noqodat.

  11. asc manshallaah khayar badan alaha ku siyoo walaasheen muriyo walahay runtaan shegatay culimadenii waa lo tashaday gabar iyo gerar iyo buranburba waa inaan ku difaacnaa gabayga ah mamaqasheen maalmahaana aad baan uag xumanay walahay culimada lo so tiriyayna m aisataahilaan waxaas iyo wax lamida ilahay hana sugo culimadana hanoo xifdiyo dadak difacayana khayar alaha siyo waayo hadaan qoraal iyo sugaan lagu difacin caama badan o websidhyada akhrisataa kulumaysa, walalaha halagan iyagan khayr badanalaha siyo khayarka ay so gudbinayan wasalaamu calaykum

Leave a comment

*