Ma gar bay idin la tahay? 1aad W/Q Murriyo Cali Max’ud

January 31, 2012 - Written by

Alle baa Mahad oo dhan iska leh Ugu horrayn waxaan idiin sheegayaa waxaan ahay qof soomaaliyeed oo ku nool gobolka bari, waxaan aalaaba akhriyaa qoraal lada la soo galiyo mareegaha ku abtirsada baraarugga islaamka soomaaliya, waxaan in badan is waydiiyay dadka mareegaha  qaarkood wax ku qoraa waa ilma ayo, yaa dhalay, xagee lagu dhalay?, dhalmada ula ma jeedo tii dhabta ahayd iyo haybtii abtirka aabayaal iyo awoowayaal, waxaaanse ula jeedaa goormay wadaad do noqdeen, madarasadee ayay ku abtirsadaan, yayse hadda u shaqeeyaan.?

Dhab ahaa intuba waa su’aalo u baahan in si fiican loo dhuuxo, aad iyo aadna loo lafo guro, loona helo jawaabo ku filan in la ogaado dunta iyo  macdanta dadkaas iyaga ah, waxay culimdu yiraahdaan لولا السند لقال من شاء ما شاء )(haddaan sanadku jirin qof walbaa wuxuu oran lahaa waxa uu doono, sanadkuna waa abtirka cidda hadalka oranaysa si loo kala hufo warka dadku ay sheega yaan oo midna u noqdo mid nabad galay oo caafimaad qaba midna mid balaysan oo xanuun ka muuqdo, waa wax ay aad u yaqaan aan Culimada xadiisku.

Waxaan is waydiiyaa dadkaani waa sumad laawayaal astaan ka dhigtay Abu-hebel  waa waxa luqada afka carbeed loo yaqaan (كنيه)oo ah in la yiraahdo hebel ama heblaayo aabihiis/aabeheed ama hooyadiis/hooyadeed, waa halka soomaalidu ka jeceshahay ina hebel ama ina hebel oo gabar ah, laakiin haddii kunyada aan soo sheegay oo ay carabi jeclayd Islaamkuna sunneeyay ma lagu kaaftoomi karaa haddaan la aqoon abuugaas ama umudaas haddii aan la helin aqoon dhamays tiran oo ah mid haybeed, mid dhaqan iyo akhlaaqeed iyo waliba mid caqiidaba, waxay ila tahay in qof walba oo aqoon leh mid diineed iyo mid kaleba in ay jawaabtu tahay maya laguma kaaf toomi karo.

Waxaa intaa ka sii daran waxay ka warramayaan taariikh waxayna ornayaan anigu goobjoog ma ahayne saas ayaa warku igu soo gaaray, haddaan khaldanahayna waa lay sixi karaa, hadalkaas waxaa yiraahda dad badan oo nooca aan ka warramaya ah waxaase la yiri mayd maxaa u dambeeyay saa la yeen kaas la sii sido bal oraahdaan ka eega awga isku naanaysay Abu-Ibraahim ee leh qormada uu ugu gar naqayo Culimo uu u kala bixiyay Culimada Al-shabaab iyo Culimada Al-ictisaam, oo waa yaabe haddii aanay hubin warka ay sheegayaan may soo hubsadaan illeyn Hubsiino hal baa la siistaaye,(كفى بالمرء إثما أن يقول بكل ما سمع)waa oraah laga soo guuriyay Nabigeenna Muxamad ah Salawaatullaahi wa salaamu calayhi, macnaheeduna yahay waxaa qofka dambi ugu filan inuu sheego wax walba oo uu maqlo, waxa aanse is leeyahay waxaanu waa baroortu orgiga ka wayn, una malayn maayo  xitaa haddii la saxo in qaarkood ay qaadanayaan.

Sidoo kale waxa ugu horreeya ee ay duminayaan waa Culimadii laga soo aflaxay ee dadka soomaalida ah baray Tawxiid ka, ku dhaqanka qur’aanka iyo sunnaha, xijaabka, akhlaaqda toosan iyo u hardanka in loo hardamo soo celinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka, gaar ahaan waxay aad ugu dadaalaan inay maryaha ka dhigaan madarasada Salafiga ah Culimadeeda, waa yaabe waxay wax walba ka dhalaalinayaan cayda culimada, waa yaab iyo amakaag markaad akhridid gaal fahmay dhagarta lagu hayo muslimiinta iyo Culimada ictisaam oo gaalada wali daba ordaya, waxa aan anigu u qaatay in ay tahay hawl ay ka wada shaqaynayaa qofaf, kooxo iyo dawlado, maxaa yeelay kuwaan aan ka hadlayo iyo Gaalada kuwooda sameeya ra’yiga waxay isku waafqsan yihiin in madarasada Salafiiga ah ama waxa ay ku naanayseen wahaabiisimka in ay isku si ula wada dagaalamaan, waa yaabe maxaa isku hawl ka dhigay ayagoo isu muujinaya inay dirirsanyihiin! bal adba, hadii aysan ahayn sidii ninkii habartu lagadey ee yiri anoo gunti xun, meeshoo sibsib ahayd iyo habartoo sinsaaryo taqaanay ayaa kulmaye habartu ima lagadeen, hadda gaaladii oo wahaabiisimka la dirirsan iyo abuuyada oo wahaabiisimka mujaahidiinta ka difaacaya ayaa kulmay malaha.

Intaba waxaa igala yaab badan Abuuyadu iygoo Halkable miiran ah ayay suugaan isla soo mutuxaan ay gabay u wada baxsheen bal dhagayso mid yiri saar baan tirinayaa laakiin bayd toosani uusan ku jirin marka laga reebo baydka rakaadda ah ama dhextaalka ee ah ma maqasheen maalmahaan, ma aragtay Abuu-Faadumo oo isna yiri tixbaan tirinayaa mise waa mid jaban iyo mid jiis ah, laakiin Cubtan ayaa intay samada ka keentay laf dhabar, biixi iyo adin is dhaaf ah jabisay, waxaa laga yaabaa in lays waydiiyo maxaa loola  jeeddaa Halkable, Halkable waa eray soomaali guun ah ka haray oo ah kan aan maanso ruugga ahayn laakiin is ka dhiga maansayahan birta calashaday.

Illeen af laba daan lihi hadal kama daalo, waxaa saacad walba la soo qoryaa ama giraan lagu soo qabanayaa hadal aan nuxur lahayn oo iga gee ah, laakiin loo ekaysiinayo loo qaateen inta loo sameeyo cinwaan dhiigu ka da’yo, waxaa lagu soo cayiliyaa war aan la hubin mid been ah oo iska cad haddii aynaan is yeelyeelayn waa wax qof walba oo caqli in yar ka lihi uu garan karo laakiin waxaad mooddaa in aynu noqonay dhagaystayaal iyo waliba akhristyaal diimoon oo ah mooganayaal aan dareen iyo dadnimo lagu ogayn, waayo Abuuyada aan la hayb aqoon iyo Culimada waawayn ee aynu cilmiga ka baranay ee hebellada  aad wada taqaanaan ah ayaynu u nahay dhexdhexaad amaba Abuuyada aynaan aqoon tolow ma caddaan baa mise waa madow ayaynuba la safanahay.

Garta abuuyadu fureen

Gorfaynaayaan ilmuhu

Gabgabt iyo orodka iyo

Hadba geed fuulka iyo

Garnaqsiga kali ahaan

Go’aankay gaarayaan

Gargayrtay caayayaan

Ma gar bay idin la tahay?

Anaa gaylamahayoo

Diintana gargaarayoo

Gaalada hor jooga oo

Gaashaan aan jabin marnaba

Waxaan ahay geesi wayn

Muslinkii i gees marana

Inaan gawracahayoo

Unuunkana aan ka goyn

Masjidkaba haba galee

Akhyaareey waa gamuur

Ogow mana aan gald’in

Ma gar bay idin la tahay?

Culimadii waa gaftoo

Dhulkay wada  gooshayaan

Qamiisyay gashan yihiin

Mana gaagaab sadaan

Gaaladay jecelyihiin

Anagana gaaladaa

Garaamahayaga qabtoo

Gurboodkana noo hayoo

Guryo wacan noo dhigoo

Gacal bay noo yihiin

Mana aanaan gafine

Gar baanu ku taaganahay

Ma gar bay idin la tahay?

La soco qormada xigta.

W/Q Murriyo Cali Max’ud

Boosaaso Somaaliya

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online