Maamul goboleedka cusub ee Khaatumo oo madaxdiisa lagu dhawaaqay maanta

January 19, 2012 - Written by

Taleex:-Magaalada Taleex oo uu ka soconayo shirka beesha Dhulbahante ee Khaatumo2, isla markaasna horey loogu dhawaaqay magaca ay yeelaneyso dowlad goboleedka cusub, ayaa maantana waxaa looga dhawaaqay xubnaha maamulaya golayaasha dowladda ee maamulka Khaatumo State Of  Somalia, waxaana kala yihiin.

Golaha madaxtooyada

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash): Madaxweyne

Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel): Madaxweyne ku xigeen

Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe): Madaxweyne ku xigeen

Golahan ayaa xubnaha hogaaminaya midkiiba waxa uu xilka haynayaa 6 bilood, iyadoona muddada ugu horeysa uu hoggaamin doono Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)

Golaha Wasiirada

1-Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Dabay)-  Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Caalimiga iyo Jaaliyadaha

2.-Maxamed Ducaale Cabdi- Wasiirka Amniga Qaranka

3- Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda

4-Cabdikariim Faarax Dhaaye- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga

5-Maxamuud Diiriye Cabdi Joof- Wasiirka Wasaaraada Adeega Arrimaha Bulshada

6-Yasiin Axmed Sulub- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha

Shirkan ayaa waxa uu magaalada Taleex ka soconayey tan iyo bilowgii bishaan, iyadoona Jaaliyadaha beesha ee ku nool dibadaha iyo beelo kaleba ay taageero baaxad leh u muujiyeen shirkan iyo go’aanada ka soo baxay

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online