Macalin Daahir Allaha u naxariisto Eheladiisiina sabar Allaha ka siiyo Sh Maxamed Idirs

January 26, 2012 - Written by

Naf walbaa geeri waa dhadhamineysaa, Ilaahay xaggiisa ayaana loo wada noqonoyaa. Innaa Lilaah wa inna Ileyhi Raajicuun Macalin Daahir Aweys Ilaahay naxariistii Janno ha geeyo, daraja sarena Allaha siiyo, Eheladiisii iyo Qaraabadiina samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. macalin Daahir wuxuu ahaa nin Ilaahay cimrigiisa barakeeyey, qoys wanaagsan ayuu Ilaahay asaas uga dhigay, durriyad badan oo wanaag iyo diin ku tilmaamanna Ilaahay wuu ka beeray. Waxaan is leeyahay barakada Qur’aanka Kariimka ee uu ku dadaalay ayaa Ilaahay wax badan ku siiyey. qur’aankana wax badan oo wanaagsan ayaa Ilaahay ku bixiyaa.. Qawmna Ilaahay kor ayuu ugu qaadaa, kuwana hoos ayaa loogu dhigaa. Waxaan rajaynayaa Macalin Daahir Allaha u naxariistee inuu Ilaahay ka dhigo kuwa Qur’aanka kor Ilaahay ugu qaaday..

Waxaan uga tacsiyaynayaa dhammaan reer Macalin Daahir oo uu ugu Horreeyo Sh. xasan Daahir Aweys, iyo Dr Axmad Daahir Aweys, iyo dhamaan ehelada iyo durriyadda Macalin Daahir..

Waan jeclaa markii aan Muqdisho tagaba inaan Macalinka soo booqdo, intii uu dhaqdhaqaaqa lahaa, ama uu Masaajidka tegi karey sanadihii lasoo dhaafay, isagoo aad u culus, ayuu jeclaa Masjidka inuu tago, mar aan Masaajidka labada dabaq ee dhinaca Huriwaa u dhow habeen muxaadaro ka akhriyey sheekh xasanna wuu joogaye, ayaan soo qaadnay dibadda inaan ka imi oo Sh. Maxamed Rashaad Allaha u naxariistee aanu meel wada joogney, markaasuu iiga sheekeeyey Macalinku inuu soo koriyey Sh. Maxamed Rashaad, markii uu agoonoobey, adeerna uu u ahaa, iyo inuu Qur’aanka baray.

Macalin Daahir nin Qur’aanka jecel inuu ahaa waxaad ku garan kartaa, durriyadiisa sida uu Qur’aanka Kariimka ugula Dadaaley, dhamaantoodna ay u yihiin dad Qur’aanka haya, Ilaahayna cimri siiyey ilaa uu ka arko ilaa 4 fac oo isaga iyo durriyadiisi iyo kuwey dhaleen iyo kuwey sii dhaleen. Wuxuuna aad u jeclaa dardaarankii Nebiga Caleyhi Salaatu Wasalaam ee ahaa in Durriyadda la badiyo inuu fuliyo dadkana ku dhiiri geliyo. Mar uu Macalinku soo xajiyey oo. Makka nala joogey ayaan xusuustaa inuu gabadh Sh. xasan Daahir Dhalay nin dhalin yara ah oo jaamacadda dhiganayey ku meheriyey, oo ku yiri: gabadhaa ini adeertaa ah guurso.

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu Macalin Daahir aweys janaatul firdows geeyo, eheladana samir iyo ajar ilaahay siiyo. Aamiin.

ShMaxamed Idris Axmad
Halgan.net,Nairobi

 

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc, inaalilahi wa ina ilayhi rajicuun macalinka ilaahay ha u naxariisto duriyadisa iyo qaraabadiisna ajar iyo xasanaad allaha ka siiyo,sh, Dr axmed dahir iyo sheekh xasanna tacsi gaar ahban u dirayaaa.waalabo nin oo runtii qiimo leh , sheekh maxamed Idrisna wan leyahay Jazaallahu khyran .

  2. Ilaahay Mucalimka ha u naxariisto samir iy iimaana haka siiyo ehelkiisa oo dhan iyo muslimiinta guud ahaan. Waxaan anigu si fiican u aqaanay Cubaydullaahi Daahir Aweys, marka warna kama hayo haduu nool yahay waan uga tacsiyaynayaa geerida ku timid aabihiis Mucalim Daahir.

  3. انالله واناالبه راجعون اللهم أدخله الجنةوتجاوزعنه والهم اهله الصبروالسلوان

  4. Asalamu alaykum… Marka hore Inaa lilaahi wa’inaa ilaahi Raajicuun… Geerida ku timid Awoowgeen ama adeerkeen ama Abtigeen Macalin Daahir aways, allaha u naxariisto Samir iyo iimaanna allaha ka siiyo.. eheladii iyo ardaydii uu wax soo baray… Tan labaad waxaan u mahad celinayaa Sh. Maxamed Idiriis oo tacsi diray ku wajahan Marxuum-ka iyo Ehelka uu ka dhintay… waana Tusaale fiican in ay walaaladu isku tacsiyeeyaan iyadoo kala duwanaansho uu jiro la xiriira xagga … dhaq-dhaqaaqa dacwiga iyo halganka ay wadaan… dadka qaar iyo sida ay culimadu ugu kala duwan yihiin arrinkaas… Waa muhiim markii ay Musiibo timaado in laysu tacsiyeeyo… geeridana lays xasuusiyo.. waliba in taleefanka lagu wada xiriiro ayaa wanaagsan oo lays bariidiyo oo dadka saaxadda dacwada wada saaran ay is xiriirshaan iskuna cudur daaraan… Ee ma aha in hadii lakala aragti duwanaado ay macnaheedu noqoto nagu kala ka xeeya…. ama yaanan iska nixin…. dhamaan walaalada soomaalida sidaas ayaan oogu nasteexayn lahaa…..JZK khayran dhamaantiin

Leave a comment

*