Madaxweyna DFKM Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho

January 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-MadaxweynaDFKM Shariif Sh. Axmed ayaa goor dhowayd ku qabtay xarunta Madax tooyada shir jaraa’id oo uu uga hadlay arrimo tiro badan kuwaas oo ay ugu horeeyaan dagaalada ka dhacay magaalada B/weyne iyo go,aankii qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka DFKM ay  xilka uga qaadeen  Shariif Xasan Shiikh Aaden.

Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sh Ahmed ayaa soo dhoweeyey  qabsashadii magaalada B/weyne isaga oo ku tilmaamay guul u soo hoyatay DFKM. Madaxweynaha DFKM ayaa ka hadlay Khilaafka  Baarlamaanka iyo go’aankii ay gaareen qaar ka mid xildhibaanada  iyaga oo xilka ka xayuubiyey Guiddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aaden.Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan  go’aankii xilka looga qaaday gudoomiyaha wuxuuna ku sheegay mid sharci daro ah.

Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Sh Axmed ayaa yiri “Arrinta Baarlamaanka aniga waxaan u sheegay Xildhiabanadii waday in ay u gudbiyaan maxkamadda sare si ay go’aan uga gaarto, hase yeeshee way diideen  kale waxaan ognahay in dad aan ka tirsanayn mudanayaasha Baarlamanaka ay maalintaasi hoolka tageen ayna codeeyeen, sidaasi darteed go’aankaasi waxba kama jiraan”

Madaxweynaha DFKM ayaa cod Dheer ku sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka DFKM uu yahay Shariif Xasan Sheekh Aden go,aankii xildhibaanada qaarkoodna uu yahay mid sharci daro ah.

Warar hoose oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in madaxada DFKM ay qorsheynayso in ay kala diraan dhamaan golaha baarlamaanka DFKM si loo ansixiyo go,aamadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ee lagu qabatay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online