Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray ceelkii ugu horeeyay ee laga soo saarayo shidaalka Puntland(Daawo)

January 16, 2012 - Written by

Dharoor:-Madaxwaynaha Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta xariga ka jaray ceelkii ugu horeeyay ee laga soo saarayo shidaalka Puntland kaas oo loogu magac daray (Shabeelle 1) waxaana laga qodayaa ee dooxada Dharoor ee gobalka Bari.

Munaasbad balaaran oo lagu qabtay Dooxada Dharoor ayaa waxaa ka qaybgalay wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha Puntland  C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole   ,wasiiro ka tirsan dowladda Puntland,saraakiil iyo  iyo madax ka tirsan shirkadda African Oil.

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo khudbad ka jeediyey xaflada  xarig looga jarayey ceelkii ugu horeeyay ee laga baarayo shidaalka Puntland (Shabeelle 1)  ee Dooxada Dharoor ayaa waxaa uu sheegay,shidaalka laga soo saarayo deegaanada Puntland inuu horumar iyo muhiimad gaar ahaaneed u yahay shacabka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya
oo dhan.

Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan marna ka go,aynin Soomaaliya hadii Shidaal la helana ay wax ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa hadaladiisa   “dooni mayno inaan Soomaliya ka go’no, shidaalkana waxaa wax ku yeelan doono guud ahaanba dadka Soomaaliyeed.

Madax ka tirsan shirkadda African Oil ee la filayo inay soo saarto shidaalka,ayaa sheegay inay ku soo saari doonaan shidaalka mudo 3 bilood ama 90 cisho gudahood waa sida uu hadalka u dhigaye wuxuuna rajo ka muujiyey in la soo saaro shidaal Dooxada Dharoor.

[nggallery id=81]

Xaflada  xariga looga jarayay ceelka shidaalka Puntland ee Shabeelle 1 ee Dooxada Dharoor ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi.waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in saaka la bilaabo in shidaal laga baaro deegaanada Puntland.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faoole
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/faroole2012.mp3]

Waxaa sidoo kale khudbad kooban ka jeediyey Garaad Cabdulaahi Cali Ciid wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka qeyb galo xaflada lagu qodayo Shidaalka wuxuuna balan qaaday in isimada ay la shaqeyn doonaan maamulka Puntland loona baahan yahay in lagu dadaalo nabada iyo midnimada.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii  Garaad Cabdulaahi Cali Ciid
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/garaad.mp3]

Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasabada lagu furayey ceel shidaal oo laga qorayey deegaanka Dharoor Suldaan Cabdi salaam oo ka mid ah isimida Puntland wuxuuna ku baaqay dowlada Puntland in ay sameyso kaabayaal dhaqaale wuxuuna balan qaaday in ay dowlada la shaqeyn doonaan wuxuuna ku soo khatimay duco.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Suldaan C/salaan
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/sudaancsalaam.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online