Madaxweynaha Puntlland oo sheegay in howshii shidaal baarista ay ka bilaabtay Puntlland

January 13, 2012 - Written by

Bosaaso:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo waraysi gaar ah  saaka siiyey Idaacada BBC-da laanta  Afka Soomaaliga  ayaa waxaa uu ku sheegay in Puntlland laga bilaabay in la baaro shidaalka ku jira dooxada Dharoor ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa xusay in dowlladiisa ay sii amba qaaday hishiisyo ay dowlladii ka horaysay ee Madaxweynaha u ahaa Gen.Cadde Muuse Hersi ay la gashay shirkado ajnabi ah oo baaritaan ku sameeeyey degaanada Puntlland isagoo sheegay in dowlladiisu ay wax badan ay hishiisyadaas ay wax ka bedeleen howshuna ay hadda bilaabatay.

Madaxweynaha Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa u sheegay Idaacada BBC-da in riigii qodi lahaa ceelasha shidaalka la keenay Puntlland howshiina baaritaankuna uu bilaabay , Madaxweynaha ayaa rajo ka muujiyey in haddii shidaalku uu ka soo baxo Dooxada Dharoor loo gudbi doono ceelasha shidaal ee kale ee ku yaal Gobolka Nugaal arrinkaasna ay horumar u tahay Puntlland iyo Soomaaliyaba haddii howsha shidaalka lagu guulaysto.

Madaxweynaha Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa rajo ka muujiyey in haddii shidaal ka soo baxo degaanada Puntlland ay yaraan doonto shaqo la,aanta jirta ,madaxweynaha oo ka hadalay dhinaca amaanka ayaa xusay in amaanku uu wanaagsan yahay dad badan oo falal amaan daro iyo dilal geystayna ay ciidanka sirdoonka Puntlland ay qabteen dhawaan la soo taagi doono Maxkamada cadaalad ah.
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online