Madaxweynaha S/lland Axmed Siilaayo oo weeraray Shirka Taleex.(Dhagayso)

January 14, 2012 - Written by

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta markii ugu horeysey waxaa uu ka hadlay shir ay beesh degta Sool Sanaag iyo Cayn ay ku qabsatay magaalada Taariikhiga ah ee Taleex Madaxweynha S/lland ayaa ku tilmaamay raggii abaabulay shirka ka socda Taleex kuwo fidna walayaal ah isagaa xusay in muhimadii shirka taleex oo ay beel ka tirsan S/lland  ay aayaheed uga tashanaysay waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne S/lland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa khudbada dhianacyo badan taabanaysa maanta ka horjeediyey labadda gole baar lamaan ,iyo Golaha guurtida waxaan uu xusay in dowlladiisu  wax badan oo dhnac horumarka ah ay qabatay sanadkii la soo dhaafay walow dhaqaaluhu uu ahaa mid aan fiicnayn, Madaxweynaha S/lland ayaa sheegay in dowlladiisu ay xiriir dhinac siyaasada oo dibada ah ay ku talaabsadtay waxaan ay kulamo kale duwan la yeesheen xubno ka titsan dowlladaha dariska iyo beesha caalamka.

Madaxweyne S/lland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in dowlladiisu ay sanadkaa ay mashaariic ka hergelin dioonto Sanaag bari
iyo in ay awood badan ay saari doonto dhinac amniga iyo ka hortaga kooxaha doonaya in amniga S/lland ay khalkhal geliyaan , Madaxwey naha S/lland ayaa baaq u jeediyey Madax dhaqameedka Gobollada Sool , Sanaag iyo Cayn waxaan uu ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan kuwa doonaya in ay kala gooyaan Dowllada S/lland oo la wareegay fidnada.

Madaxweyne S/lland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa culimada mar uu la hadlayey waxaa uu yiri waxaan nahay dad muslin ah culimadu waxaa  laga rabaa in ubadka soo koraya ay wax u sheegaan oo ka ilaaliyaan kooxa fidinaya afkaarta xagjirnimada ah.

Hoos ka Dhagayso khudbada Madaxweynaha S/land Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Halkaan ka Dhagáyso

[audio:http://mxcdn.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/01/Madaxweyne-Siilaanyo.mp3] [codka HorseedMedia]

Dhinaca kale Ra.iisul wasaarihii hore ee DFKM Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa waxaa waraysi uu siiyey idaacada VOA waxaa uu wax laga xumaado uu ku tilmaamay  hadalkii eedaynta ahaa Madaxweynaha S/lland Axmed Maxamned Siilaanyo u soo jeediyey shirkii Khaatumo 2 ee ka socda magaalada Taleex. Prof Galeydh ayaa ku nuuxnuuxsaday in degaanad Sool ,Sanaag iyo Cayn aayaheeda ay leeyihiin dadka dhul kaas degan macquulna aysan ahayn in la qasbo loona baahan yahay in nabada lagu wada noolaado.

Hoos ka Dhagayso Waraysiga Prof Gleydh uu siiyey Idaacada VOA

[audio:http://www.voanews.com/mp3/voa/africa/soma/soma1700a.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ma aha wax lala yaabo in qawmiyad waliba ay ka tashato danaheeda gaarka u ah

Leave a comment

*