Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo ka horyimid shirkii Taleex

January 21, 2012 - Written by

Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dowllada Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo maanta ka qayb galay xaflada lagu xusayey sanadguuradii 39-aad ee ka soo wareegtey markii dhidibada loo taagay warbaahinta dalka Soomaalida ayaa waxaa uu ku eedeeyey dagaalkii ka dhacay degmada Buuhoodle iyo rabshadaha ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobol ka Sool.

Madaxweynaha ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa ugu baaqay maamulka S/land in ay ka baxaan degaanada ay ciidankoodu joogaan gaar ahaan magaalada Laascaanood isagoo sheegay in dowlladiisu ay ku baaqayso nabadiyo daris wanaag haddii arrinkaas ay dhici weydana in dowllada Puntland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso xuduudaha degaanadeeda.

Madaxweynaha ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado in dowllada S/lland ay dad shacab ah xasuuqaan iyagoo iloobay wixii ay dowlladii hore ee Soomaaliya ay ka tirsanayeen oo ah in ay caburi yeen rabitaankii bulashada ku nool degaanada S/lland haddana ay ku kacaan arrimihii ay ka cabanayeen mid la mid ah.

Madaxweyne ku xigeenka dPuntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire  ayaa waxaa uu soo hadal qaaday shir maalmihii la soo dhaafay uga socday  Issimada iyo waxgaradka degaanka Sool ,Sanaag iyo Cayn isaga oo sheegay in shirkaas u jeedadii laga lahaa laga leexiyey isagoo ku dooday in aan loo dhamayn.

Madaxweyne ku xigeenka dowllada Puntlland Gen.Cabdisamad Cali ayaa xusay in shirkii Taleex oo beesha ay uga tashanaysay Aayaheed ay ku soo duuleen siyaasiyiin dano gaar ah leh iskagoo ku tilmaamay maamul Gobolleedka Kaatumo State Of  Somaliya in uu la mid yahay sidii Raascasayr  Statet iyo Galbeedka Puntllad wax uu soo kordhinayeyna uusan jirin.

Waa markii ugu horaysay oo uu Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire uu cadeeyo mowqifkiisa kaga aadan shirkii ka socday magaalada Taariikhiga ah ee Taleex, Issimada iyo waxgaradka uu shirka uga socday Taleex ayaab weli ka jawaabin hadalka ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Waxaa nasiibdarro ah in madaxweyna ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire uu mucaarado go’aamadii Taleex, Mudane Cabdisamed ma waxaad barbar taagan tahay Soomaliland oo ku hadaaqaya ma samaysan karaan Dhulbahante ismaamul goboleed oo ka mid ah Dawladda Federaalka. Waxaan ugu baaqaya inay ka laabtaan hadalada ka soo yeeraya madaxda Puntland isla markaasna ay ayidaan go’aanka beesha si xushmad iyo kala dambayn leh.

Leave a comment

*