Magaalada Taleex oo maanta looga dhawaaqay maamulka Khaatumo State of Somaaliya

January 16, 2012 - Written by

Taleex:-Waxaa maanta si rasmi ah ay Ergooyinka ka qayb geleya shirkii Khaatumo 2 oo ka socday magaalada Taariikhiga ah ee Taleex ay ku dhawaaqeen maamul Gobolleed cusub oo ay ugu magacdareen Khaatumo State of Somalia waxaan uu maamulkaan ka arrimin doonaa Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Ergooyinka ayaa waxaa kale oo isla qaateen in maamulka Khaatumo State of Somalia uu yeelan doono

1- Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa

2-Golaha Baarlamanka

3- Golaaha dhaqanka

4-Golaha Madaxtooyada

Issimada iyo waxgaradka ku sugan magaalada Taleex ayaa maalmo ka hor go,aamiyey in Maamul gobolleedka Khaatumo 2 ee maanta lagu dhawaaqay uu noqon doonaa maamul ka madax banaan maamullada S/lland iyo Puntlland, Gobllada Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay samaysmi doonaa maamulo hor leh arrinkaas oo ay sabab u tahay in aysan jirin hishiis iyo dowllada Soomaaliyeed oo umada Soomaaliyeed  meel iskugu keena.

M_M_Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. salaamun caleykum waraxma.
    waxaa mahad oo dhan u sugnaatay Alle sw,nabadgelyo iyo naxariisna nabemaxamed korkiisa ha ahaato.
    Khaatumow maxaad noqon?
    maamulada dhowaanahan ku soo badanaya soomaaliya dadka soomaaliyeed aaad iyo aad ayay uga dayriyaan ugana qaylinayaan,tolow waayo???
    jawaabtu waa laba sababood oo loo qaateen ah kalana ah.
    1.maamulada dhammaantood debadaha ayaa laga soo dhoodhoobay intooda badana iyagoo aan dhulba gacan ku hayn ayaa lagu dhawaaqay
    2.Maamuldan intooda badan waxaa laga dareemikaraa qabyaalda iyo qaybin taas oo aad arkayso in deegaan aad u yar 3maamul laga sameynayo,qaarkoodna ayba dagaalamen khasaarena soo kordhiyeen.
    Haddaba khaatumo maamuladaa makaduwantahay mise waa lamid?
    Xaqiiqada way ka duwantahay marka aan ka eegno laba dhinac.
    1.Khaatumo waxaa lagu dhisay waddanka gudihiisa ee debed lauma dhisin.
    2.waxaa isugu yimi isamadii ,culimadii ,cuqaashii,siyaasiyiintii,qurbajoogtii iyo dhamman qaybihi kaladuwanaa ee bulshda,sidaa awgeed waa maamul culeyskiisa leh waxaan filayaa in uu hirgelayo inshaa allaah.
    dhulbahantow shareecada qaado???
    Shareeacdu waa nolosha qofka muslinka ah la,aanteedna waa dhimasho.
    Waxaase u baahan in aan ogaano maanta shareecadii iyo dhaqankii islaamka waxaa dhegta ka diley dad sheegananaya in ay shareecada u adeegayaan balse dumainaya,markaa dhulbahantow shareecada qaata una qaata sida ay tahay culimadiina oo uu ugu horeeyo sh c/naasirna iyo inta la midka ahna ka qaata degdegna ka digtoonaada.
    Maamulka u dhiibta dad amaano iyo karti leh.
    dhexdiina kalsooni iyo dacadnimo ka abuura.
    deriskiina wanaajiya xataa haddii uu idinxumeeyo,dagaalna ka warwareega intii aad ka warawareegikartaan,somaali xabad ayaa halkay taal geysey,nabad ayaana soo noolaynkarta inshaa allaah.
    waxaan Allah idiinka rajeynayaa in uu khaatumado kheyr ka dhigo amiin.
    salaamun caleykum waraxma

  2. Dhulbahante waxaan ugu baaqaynaa in ay shareecada islaamka isku xukumaan xaruntii daraawiishna aysan itoobiya hoosgayn

Leave a comment

*