Nadwadii ka socotay Masjidka Al-rowada ee Boosaaso oo gashay habeenkii 3aad(Dhagayso)

January 7, 2012 - Written by

Sabti, Jannaayo 07, 2012 Waxaa caawa mar kale si rasmi ah uga bilaawday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari gaar ahaan Masjidka Al-Rowda nadwo diini ah oo gashay habeenkeedii 3aad iyadoo dadweyne fara badan oo ku nool Boosaaso ay soo xaadireen, muxaadaraad ka caawa baxay ayaa waxaa jeediyey Shiikh Daahir Aw Cabdi iyo Sh. Axmed Cabdisamad waxayna caawa ka hadleen Samaaxatal Islaam  iyo manhajka Dacwada ee Anbiyada.

Sheekh Daahir Aw-Cabdi  ayaa qaatay qeybtii hore ee muxaadarada waxaana uu si dheer uga hadlay Manhajii Anbiyada ee dacwada iyo qaabka ay umada u gaarsiin jireen dacwada iyaga oo dacwadooda ku bilaabi jiray aabayaashood iyo qoomkooda .

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa tusaalooyin badan ka soo qaatay Qu,aanka Kariimka isaga soo bandhigay usluubka macaanaa ee dabacsanaa oo ay Anbiyada ku soo jiidan jireen umadooda oo heystay qu,raafaad iyo Gaalnimo.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Sh Daahir Aw-cabdi

[audio:http://www.qardhaawi.com/audio/dawro/boosaaso2012/SamaaxatalIslaamSheekhDaahirAwCabdi.mp3]

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa sheegay in umada aan seef iyo xoog lagu soo islaamin ee Nabigeena Maxamed Nabad galyo korkiisa ha ahaatee uu 13 sano uu dacwo waday balse xitaa dowladii u horeysay ee Madiina lagu dhisay dacwo .

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa sheegay in umada Muslinka dhiigooda uu yahay xaaraan qofkii shubo ama hawo raac ku dila uu khilaafsan yahay Manhajkii Ahlu Suna waljamaaca wax la aqbali karana aysan ahayn in masaajida hortooda umada lagu dilo.

Sheekh Daahir aw Cabdi ayaa sheegay in culumada ay waajib ku tahay wixii ay xaq u arkaan in ay umada u cadeeyaan waxbadana ay si hoose u gudbinayeen naseexo iyo tawjiihaad .

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa waxaa uu dulmaray dacwadii ay bilaabeen 1973 wuxuu sheegay in uu indhihiisa ku arkay Sheekh Cali Suufi oo ay xasaskiisa iyo gabdhihiisa xijaaban yihiin umada kalana ay wada qaawan yihiin waxaa kale oo Sheekh Daahir ka hadlay Ururadii Islaamiga ahaa ee ka jiray Koofurta Soomaaliya ee Al-Ahli iyo kii ka jiray Waqooyiga ee Al-wixda.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa ka hadlay wax la isku hayo wuxuuna sheegay in Dr Ahmed loo dilay war umada ka daaya sida iyo saan rabno aan ka yeelno oo aan inxiraafino iyo yeeli meyno ee xaqa baan sheegaynaa.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa waxaa kale uu ka waramay Kacaankii qabsaday dalka iyo sida uu ula dagaalamay dacwada iyada oo suuqa la oran jiray Ama Afgooye aad ama dowlada raac,Sheekh Daahir ayaa sidoo kale sheegay in mid taas u eg la sameeyey oo ah Ama Shariif raaca ama Shabaab ama shacab noqo.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa amaanay dacwadii  uu bilaabay alaha u naxariistee Sh Maxamed Macalin taas oo lagu aflaxay oo ardaydiisii ay maanta ruwaad ka yihiin saxwada Islaamka ilaahay ha u naxariisto Sheekh Maxamed Macalin .

Sheekh Daahir ayaa ka waramay dhibaatadii ay dowladii Maxamed Siyaad bare u geysatay culumada iyo ragii ugu horeeyey ee loo dilo iyaga oo dacwada faafinaya .Dowladii Kacaanka iyo Culumadii waday saxwada ayaa waxay isku heysteen dadweynaha shacabka ah oo qolo walba ay waday hanuunin gaar ah balse waxaa guuleystay markii danbe Culumadii dacwada faafinayey.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa Sheegay in Maxamed Siyaad Bare uu dhaamay kuwa maanta qofkii khilaafa dilaya oo aan waxba ogoleyn ,iyaga  oo culumada ka diiday nasiixa walba oo ay soo jeediyeen.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa soo tiriyey liis dheer oo ah ragii lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari isaga oo si gaar ah uga hadlay dilka Dr ahmed Xaji C/raxmaan wuxuuna sheegay in ay dileen raga reer Boosaaso ah taasna ay ceeb tahay in reer Boosaaso ay daawadaan .

Sheekh Daahir ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in umada laga laayo waxgaradka Isimada Culumada iyo saraakiishii xooga dalka oo dalka ka difaaci lahaa cadowga hadii dacwada la gaarsiiyo wuxuuna xusay rag badan oo saraakiil ah in ay dacwada qaateen iyaga oo aan la qasbin.waxaa kale oo sheekhu sheegay in ajandaha ay wadaan kooxaha dadka leynaya ay fulinayaan ajadooyin fog oo ay gaalo ka danbeyso.

Qaybta labaad ee muxaadarad ayaa waxaa galay Shiikh Axmed Cabdisamad isagoo Shiikhu uu tilmaam ka bixiyey kooxaha loo adeegsanayo in culimada ay laayaan iyo kuwa dadka haldoorkiisa ah ayaa waxaa uu xusay in ay yihiin kooxo abaabulan oo shirqoolo u dhiga dadka loona baahan yahay in dadweynuhu ku baraarugaan.

Shiikh Axmed Cabdisamad ayaa waxaa uu ka sheekeeyey qisooyin yaab leh oo ku saabsan in ganacsata la bajiyo  oo la dul dhihgo in uu bixiyo lacag baad ah haddii kalena loogu hanjabo in la dilayo , shikh axmed ayaa waxaa uu ka sheekeeyey macluumad uu ka hayo dhalin yarada la howl galiyo oo la yiraahdo dadka laayaa in qaarkood lagu qasbo oo danbi la galiyo hadii ay diidaana laftigooda la khaarajiyo maadaam qaar ay arrinka diinahaan u liqi waayaan.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Sh Axmed Cabdisamad

[audio:http://www.qardhaawi.com/audio/dawro/boosaaso2012/SamaaxatalIslaamSheekhAxmedCabdisamad.mp3]

Sh.Axmed Cabdisamad ayaa ka sheekeeyey in kooxa wax laaya ee ka tirsan ururka Al-shabaab  ay yihiin kuwa qarsoodi u shaqeeya kuwaas oo u shaqeeyay qaabkii Hay.addaha sirdoonka shisheeyuhu u shaqeeyaan ama u howl galan taas oo buu yiri dad badan oo caamo ah aysan fahmi kari´n, Shiikh Axmed Cabdisamad oo aqoon dheer u leh kooxda ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan rag ka mid ah ururka Al-shabaab oo aan ku qanacsanayn dilalka qorshaysan ee dadka muslinka ah lala bartilmaamsado.

Shiikh axmed Cabdisamad ayaa sheegay in ururka Al-shabaab aysan dhamaantood isku waafaqsanayn in umada la iska laayo ama culimada balse kooxda amniyaadka ah ee ka amarqaata Axmed Cabdi Godane in ay xitaa dilaan qof alle qofkii ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo ka hor yimaada amarkooda.

Shiikh Axmed Cabdisamad ayaa wax ka tilmaamay sifooyin gaar ah ama dadka  lagu xusho kooxa qarsoodiga ah ee loo yaqaan amniyaadka ee ka tirsan ururka Al-shabaab si ay u fuliyaan dilalka qorshaysan.

1- Mooryaantii oo mooryaan nimadoodii ku salaysnay wax dilka lagu yiri tan baa Jano ku gelaysaan ee wax dil.

2- Qof uu ku jiro nacayb qabiil ama mid kooxeed oo nafsiyan u buka wax walbana laga fushan karo.

3-  Kooxaha Burcad badeedka , Kooliistayaasha, iyo tuugada oo lacagna la siinayo si ay umada wax ku oolkooda u laayaan iyadoo arrinkas lagu raadgadanayo.

4-Kooxda ambiyaadka ee wax dila falalka ay ku kacaan lama keeno golahooda shuurada iyo mida fulinta ee waxaa ay ka marqaataan Axmed Cabdi Godane kaliya.

5- Qofka ka mid noqonaya kooxa amniyaadka waa in uu yahay qof caqli gaaban oo wax badan aan kala sooci karin.

6- Qofka la soo xulayo waa in uu yahay qof mucaarad ku ah maamulka ama dowllada meeshaas ka jirta, mucaaradku waxaa ay noqon kartaa mid qabiil, mid fikri ama mab’da ku salaysan si qofkaas hadafka la leeyahay looga fusho maadaama uu u diyaarsan yahay.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta muxaadarooyinka ay culumada jeedsheen caawa hadii alle idmo.

M_M_Deeq
Halgan.net

12 Comments so far

Leave a comment

  1. xafidallaahu sheikhehena caalimka ah sheikh daahir aw cabdi, lillaahi durka yaa sheikh waxaan markhaati ka ahay inaad ku cimriyeystay dacwada iyo faafiinta diinta illaahay. illaahay ha ka abaal mariyo sheikh daahir aw cabdi iyo sheikh axmed c/samad. halgan.net jazaakumullaahu khayra walaalayaal wa axsana laahu ilaykum

  2. ASC,

    Walaalaha halgan,net illaahay kheyr haydin siiyo hana idinka dhigo kuwa kheyrka u halgama waaba tihiine, waxaan codsanaynaa inaad muxaadaraadka download inaan ku samaysano noogu ogolaataan oo link download ah u samaysaan si aanu dadka aan internetka haysan ugu qaybino muxaadaraadka oo qof walba mobile ama cajilad loogu shubo.

  3. wcww
    Amniyaadka ina godane waa MAVIA SHAATI JIHAAD HUWAN.
    wcww

  4. acww
    Amniyaadka ina godane waa Mavia jihaadka isku qarisa,marka magaca ugu haboon waa Mavia shaati jihaad huwan.
    wcww

  5. Asc walalayal nadwadi miyey dhamatey jazakumulahu khayral jaza noso dhamestira inta dhiman waa haday wax dhiman yihin .

  6. ASC, dhamaan walaalaha Soomaliyeed. Maasha allah, runtii dacwada kasocota Masjidka Rowda waa arin aad loogu baahnaa, walow sida walaalkeey kaleba uu sheegay eey Culimada Soomaliyeed iyo Puntlandba eey lasoo daaheen in eey saan cod dheer wax noogu sheegaan, hadana dhib maleh, hada ayeey qorneeyd in eey u sheegaaan umada Soomaliyeed ee masaakiinta ah, ee rafaad, gaajo,qabqable dagaal, cudur, dagaal jaahilnimo oo ahli ah, iyo ugu dambeentiina argagixiso alshabaab eey Somali 21 years lasoo dhaafay isku dhiibdhiibeen. Walaahi, waa bilow fiican, ee culimada Puntland iyo Soomaliyo oo dhan kacdoon shacab haku dhawaaqaan oo la iskaga xoreeynayo inta aan kor kusoo sheegay, Somalina chapter cusub oo nabad, nimco, barwaaqo, cadaalad iyo horumar, walaalnimo iyo wada noolaansho haku hogaamiyaan culimadaan ayagoo la kaashanaya maamulada hada jira, dowlada dhexe iyo dowlad gobaleedyadaba. Waxaan markale ka codsanayaa, fursad weeyn ayeey culimada abuureen, ee Somali Revolution haku dhawaaqaan, qofkastana qori intuu soo qaato, amarka culimadaan haku shaqeeyo, waa qof iyo qori, argagixisada alshabaab yeey markaa dilee, ileeyn waa dariiq kasta iyo qof qori la taagan, magaalooyinka Soomaliyeed oo waaweeyn oo dhan saa halasameeyo, iskusoo bax, ilaa aan dowlad wanaagsan oo caadil ah eey culimadaan noo sameeyaana yaanan guryaha lagu noqon. Thanks

  7. Cabdinaasir horta ducada aad ku gabagabeysay aamiin, inta aad ka horreysiisayse waa tafaraaruq abuurid.

    Walaalow haddiiba aan kuu raaco sida aad is moodsiisay oo culimadu gaabis weyn sameeyeen oo hadda soo hambaabireen doonayaanna in ay wixii dhaafay tiigsadaan, ma waxaa kula mudan in aan dhahno mar horeba haddiidan imaan hadda dan baad leedihiin?

    Walaal gacaliye ha marag xasdin culimada haddii aad og tahay, haddaadan ogeyna anigaa kuu sheegaya ee culimadu intaa waa dhawaaqayeen ee shacabka adiga iyo anigoo kale ah baanan dheg jalaq usiin, waxayna ka hadlayeen dilalkii loo geysanayay dadkii maqaawiirta ahaa iyo shacabkii masaakiinta ahaa ee Alshabaab iyo kuwa sidoodoo kale u shaqeeya xaqdarrada ku leynayeen, waxaana kuugu daliil ah sidii ay u hadlayeen in iyagii ka daaya lahaa kuwoodii ugu mudnaa loo dilay maxaad ka daaya noo leedihiin.
    Haddaad arrintaa caddeynteeda u baahan tahayna dib u dhageyso muxaadaraadkii iyo nadwooyinkii dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, ayna u dambeysay nadwadii lagu qabtay Gaalkacyo xagaagii dhowaa, tii ka horreysay ee Qardho lagu qabtay isla xagaagaas, tii kasii horreysay ee Boosaaso lagu qabtay dabayaaqadii xilligii gugii dhowaa bishii afraad iyo kuwii ka horreeyayba waxay culimadu kaga hadlayeen warka ummadda dilka ha ka daayeen Alshabaab iyo kuwa lamidka ah iyo ummadyahay haddaanan Ilaahay la idiinka baqeyn is difaaca oo ha isu dhiganina cadowgan hororka ah.
    Hadde ogow xilligaas ma dhiman Dr. Axmed Alle ha u naxariistee, ragga aad ku eedeyneyso in ay isku ururnimo ugu hiilinayaanna isku qaanso ayey leebka ka tuurayeen ummadda ayeyna u doodayeen. Walaal aan cadaaladda ilaalinno Ilaahay baa ina faray oo yiri وإذا قلتم فاعدلوا
    Haddaad hadleysaan cadaalad fala.

    Waxaan intaa kuugu darayaa walaal in ummadda la mideeyo wadaadkeeda, sarkaalkeeda, aqoonyahankeeda, ganacsadeheeda, hooyadeeda, aabaheeda, wiilkeeda, gabadheeda, waxaana hubaal ah in aysan hal mar isla jaanqaadeyn ee qolaba mar soo baraarugeyso. Haddaba haddii hadba qoladii soo baraarugta aan ku orinno oo niraahno too little too late sow annagii dawaco isuma loogin?

    Midnimo la’aan meel lama gaadho ee aynu midnimada ku dadaalno qofkii maalin ummaddaa wax u tarana aan marxabbeysiinno, miscililana yeynaan u furin cadowga.

    Aad ayaadna u mahadsan tahay

  8. Ikhwaanii bahda halgan ilaahay mahad balaaran ha idinka siiyo soo gudbinta khayarka ee waxaad saxdaan codka oo hawo kufrurantahay

  9. ASCW, culimada hadalkoodu waa too little too late. Goormaa la hadlayaa. Shalay rag culima ah baa oran jiray waa khawaarij shabaab, markaasaay difaaci jireen wadaado qaybtood. Waxaam garanayaa Sheekh Axmed Abdi salaan oo tagay xamar oo aad u dhaliilay dawlada kumeelgaarka ah muxaadaro u ka jeedshay masjid Al- hureyra. Maanta markii umad dhamaatay ayaa la falanqeynayaa Al-shabaab. Shalay maxaa loo falanqeyn waayey. Anigu arintaas ma fahmin. Markii horey ahayd culimadu inay la shaqeeyaan maamulada umadaaana la mideeyo. Odayaashii la dilay, dadkii ganacsadayaasha ahaa, xoogii dalka maxaa hada loo sheegayaa. Ma waxaa loo sheegayaa waayo waxa la dilay nin ka tirsan ururka Al-Ictisaam ( Dr Axmed raximulaah). Arintu waxaay u egtahay ninkii xisbigayga ku jira markii la dilo, dee anigaa laysoo dhigtay. dadkii Muslimiinta markii la wada laayey lagama hadlin. Nin walbaa dantiisu wataa meeshaan, nina nin ka nixi maaayo. Cidna uma hadlin dadkii cuqaasha ahayd ee la laayey. Cidna uma hadlin Generaaladii la laayey. Nina uma hadlin Odaayaashii la laayey. Nina nadwooyin uma qaban shacabkii lagu baxay. Maantaana sawaxan badan baa la sameyn oo waa la qaylo dhaamiyey. Culimadu ilaahay ha ka cabsadeen, ilaahayna haw toobadkeeneen, kuligeena ilaahay aan u noqono, kuligeen waan khaldanay ee aan kitaabka ilaahay aan u noqono. Hadalkii sheekh Daahir oo danbe oo aahaa ” haloo noqdo kitaabka ilaahay fahanka salaf saalix waa hadal wanaagsan, waan soo dhawaynayaa laakiin waa too late”. hadii hadalka dhaqan loo badalo oo layska daayo xisbiyada, furqada iyo kala taga waxa badan baa hagaagaya. Ilaahayoow nasri noo keen. Ilaahayoow umadaan ku hag manhajkii saxda ahaa. Ilaahayoow umada Muslimiinta ah hanuuni.

  10. asc salaan kadib aad iyo aad ayaan ugu mahad celineyna ka hawl galeyasha halgan ilahey waxaan idnin kaga baryeya in uu kheyrka umada aad uheysaan in ilahey idin ka abaal mariyo malin aan kii ku dhaley kii kula dhashey aan aaney waxba ku tareyn.
    marka labaad culumada kheyr allaha siiyo waalahi waqti kastaa waan idin duceyna mesha soomali ay joogto oo aad soo gaarsiiseen lkn dad baa manta u soo jeedsadey iney wixii dhowr iyo labataanka sano socdey iney burburiyaan .
    mida sedexaad waxaan ku oran lahaa dad weynaha soomaliyeed iney culimada kafaaideystaan oo ay cilmiga bartaan ma aha intaad cilmiga ka barataan ood is moodaan in aad wax kabadisaan ood kula doodan wax idan wali gaarin ood kadib dhafoorka katogataan .
    moida afraad reer puntland waxaan oran laha waad aragtaan waxa dadka konfur haysta ee dhib ah inta qaxdeyna ay gaalo gacan oo gu jiran inta wadanka joogtana waa in ey duqeyneyso kenyaan iyo mareekan iyo xabashi iyo in kalo shabaab ay ku heyso mida cadowga uu kuhayo mid kadaran oo ah in iyago raxan ah la qarxiyo iyo in hooyoonka wiilashooda lagu qasbo iney galaan waxa ay jihaadka ku shegeyaan oo hadhow ay jano galeyaan iyo raga qaarki oo dumarkooda laga furaneyo oo laleyahay hebel wuu ridoobey naagtisna wey ka fasaqatey (iska furtey)ee reer puntlandow sidan konfur heysta miyaad rabtaan mise sidaan waan isku dhanaa oo waan ilaashna amniga uu ilahey inagu maneystey oo aan iska qabano dadka inaku dhaxjira ee wax garadka iyo culimada u hajabeya kuwa qarna dileya >
    ugu danbeytii ilaah waxaan kabaryeya in ilahey soomali dhibta ka qaado oo dad walaaley ahayeen oo hal diin iyo hal dhaqan leh ee alow sideeni nagu celi inta dhibka wadaa ilahow inti wanaagsan soo hanuuni inta aadan kheyrka ladooneyn naga qabo oo ciqaab dagdag ah ku soo daji amiiiiiin ya rabal caalamiin . wabilahi altawfiiq

    • acw mashaa allaah jazaahumu llaahu kheeyraa (Dr axmed c/raxmaan allaha unaxariisto waanu kanaxnay geeridiisa wexeeysa kadhawaajisay xaq aasnaa inshaa allaah siduu noloshiisa ugu anfacay umada soomaaliyeed ayuu geeridiisa ugu anficidoona waayoo wexeey soosaartay doorkii culamada tawjiihaadka umada iyo xaqa iyo baadilkoo kalacadaada culimadana wexeeynu leenahay xaqa alla ayaa uhiilinayee cadeeyaجاهدوابلسانكم

Leave a comment

*