Nadwadii ka socotay Masjidka Al-rowada ee Boosaaso oo gashay habeenkii 3aad(Dhagayso)

January 7, 2012 - Written by

Sabti, Jannaayo 07, 2012 Waxaa caawa mar kale si rasmi ah uga bilaawday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari gaar ahaan Masjidka Al-Rowda nadwo diini ah oo gashay habeenkeedii 3aad iyadoo dadweyne fara badan oo ku nool Boosaaso ay soo xaadireen, muxaadaraad ka caawa baxay ayaa waxaa jeediyey Shiikh Daahir Aw Cabdi iyo Sh. Axmed Cabdisamad waxayna caawa ka hadleen Samaaxatal Islaam  iyo manhajka Dacwada ee Anbiyada.

Sheekh Daahir Aw-Cabdi  ayaa qaatay qeybtii hore ee muxaadarada waxaana uu si dheer uga hadlay Manhajii Anbiyada ee dacwada iyo qaabka ay umada u gaarsiin jireen dacwada iyaga oo dacwadooda ku bilaabi jiray aabayaashood iyo qoomkooda .

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa tusaalooyin badan ka soo qaatay Qu,aanka Kariimka isaga soo bandhigay usluubka macaanaa ee dabacsanaa oo ay Anbiyada ku soo jiidan jireen umadooda oo heystay qu,raafaad iyo Gaalnimo.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Sh Daahir Aw-cabdi

[audio:http://www.qardhaawi.com/audio/dawro/boosaaso2012/SamaaxatalIslaamSheekhDaahirAwCabdi.mp3]

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa sheegay in umada aan seef iyo xoog lagu soo islaamin ee Nabigeena Maxamed Nabad galyo korkiisa ha ahaatee uu 13 sano uu dacwo waday balse xitaa dowladii u horeysay ee Madiina lagu dhisay dacwo .

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa sheegay in umada Muslinka dhiigooda uu yahay xaaraan qofkii shubo ama hawo raac ku dila uu khilaafsan yahay Manhajkii Ahlu Suna waljamaaca wax la aqbali karana aysan ahayn in masaajida hortooda umada lagu dilo.

Sheekh Daahir aw Cabdi ayaa sheegay in culumada ay waajib ku tahay wixii ay xaq u arkaan in ay umada u cadeeyaan waxbadana ay si hoose u gudbinayeen naseexo iyo tawjiihaad .

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa waxaa uu dulmaray dacwadii ay bilaabeen 1973 wuxuu sheegay in uu indhihiisa ku arkay Sheekh Cali Suufi oo ay xasaskiisa iyo gabdhihiisa xijaaban yihiin umada kalana ay wada qaawan yihiin waxaa kale oo Sheekh Daahir ka hadlay Ururadii Islaamiga ahaa ee ka jiray Koofurta Soomaaliya ee Al-Ahli iyo kii ka jiray Waqooyiga ee Al-wixda.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa ka hadlay wax la isku hayo wuxuuna sheegay in Dr Ahmed loo dilay war umada ka daaya sida iyo saan rabno aan ka yeelno oo aan inxiraafino iyo yeeli meyno ee xaqa baan sheegaynaa.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa waxaa kale uu ka waramay Kacaankii qabsaday dalka iyo sida uu ula dagaalamay dacwada iyada oo suuqa la oran jiray Ama Afgooye aad ama dowlada raac,Sheekh Daahir ayaa sidoo kale sheegay in mid taas u eg la sameeyey oo ah Ama Shariif raaca ama Shabaab ama shacab noqo.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa amaanay dacwadii  uu bilaabay alaha u naxariistee Sh Maxamed Macalin taas oo lagu aflaxay oo ardaydiisii ay maanta ruwaad ka yihiin saxwada Islaamka ilaahay ha u naxariisto Sheekh Maxamed Macalin .

Sheekh Daahir ayaa ka waramay dhibaatadii ay dowladii Maxamed Siyaad bare u geysatay culumada iyo ragii ugu horeeyey ee loo dilo iyaga oo dacwada faafinaya .Dowladii Kacaanka iyo Culumadii waday saxwada ayaa waxay isku heysteen dadweynaha shacabka ah oo qolo walba ay waday hanuunin gaar ah balse waxaa guuleystay markii danbe Culumadii dacwada faafinayey.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa Sheegay in Maxamed Siyaad Bare uu dhaamay kuwa maanta qofkii khilaafa dilaya oo aan waxba ogoleyn ,iyaga  oo culumada ka diiday nasiixa walba oo ay soo jeediyeen.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa soo tiriyey liis dheer oo ah ragii lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari isaga oo si gaar ah uga hadlay dilka Dr ahmed Xaji C/raxmaan wuxuuna sheegay in ay dileen raga reer Boosaaso ah taasna ay ceeb tahay in reer Boosaaso ay daawadaan .

Sheekh Daahir ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in umada laga laayo waxgaradka Isimada Culumada iyo saraakiishii xooga dalka oo dalka ka difaaci lahaa cadowga hadii dacwada la gaarsiiyo wuxuuna xusay rag badan oo saraakiil ah in ay dacwada qaateen iyaga oo aan la qasbin.waxaa kale oo sheekhu sheegay in ajandaha ay wadaan kooxaha dadka leynaya ay fulinayaan ajadooyin fog oo ay gaalo ka danbeyso.

Qaybta labaad ee muxaadarad ayaa waxaa galay Shiikh Axmed Cabdisamad isagoo Shiikhu uu tilmaam ka bixiyey kooxaha loo adeegsanayo in culimada ay laayaan iyo kuwa dadka haldoorkiisa ah ayaa waxaa uu xusay in ay yihiin kooxo abaabulan oo shirqoolo u dhiga dadka loona baahan yahay in dadweynuhu ku baraarugaan.

Shiikh Axmed Cabdisamad ayaa waxaa uu ka sheekeeyey qisooyin yaab leh oo ku saabsan in ganacsata la bajiyo  oo la dul dhihgo in uu bixiyo lacag baad ah haddii kalena loogu hanjabo in la dilayo , shikh axmed ayaa waxaa uu ka sheekeeyey macluumad uu ka hayo dhalin yarada la howl galiyo oo la yiraahdo dadka laayaa in qaarkood lagu qasbo oo danbi la galiyo hadii ay diidaana laftigooda la khaarajiyo maadaam qaar ay arrinka diinahaan u liqi waayaan.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Sh Axmed Cabdisamad

[audio:http://www.qardhaawi.com/audio/dawro/boosaaso2012/SamaaxatalIslaamSheekhAxmedCabdisamad.mp3]

Sh.Axmed Cabdisamad ayaa ka sheekeeyey in kooxa wax laaya ee ka tirsan ururka Al-shabaab  ay yihiin kuwa qarsoodi u shaqeeya kuwaas oo u shaqeeyay qaabkii Hay.addaha sirdoonka shisheeyuhu u shaqeeyaan ama u howl galan taas oo buu yiri dad badan oo caamo ah aysan fahmi kari´n, Shiikh Axmed Cabdisamad oo aqoon dheer u leh kooxda ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan rag ka mid ah ururka Al-shabaab oo aan ku qanacsanayn dilalka qorshaysan ee dadka muslinka ah lala bartilmaamsado.

Shiikh axmed Cabdisamad ayaa sheegay in ururka Al-shabaab aysan dhamaantood isku waafaqsanayn in umada la iska laayo ama culimada balse kooxda amniyaadka ah ee ka amarqaata Axmed Cabdi Godane in ay xitaa dilaan qof alle qofkii ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo ka hor yimaada amarkooda.

Shiikh Axmed Cabdisamad ayaa wax ka tilmaamay sifooyin gaar ah ama dadka  lagu xusho kooxa qarsoodiga ah ee loo yaqaan amniyaadka ee ka tirsan ururka Al-shabaab si ay u fuliyaan dilalka qorshaysan.

1- Mooryaantii oo mooryaan nimadoodii ku salaysnay wax dilka lagu yiri tan baa Jano ku gelaysaan ee wax dil.

2- Qof uu ku jiro nacayb qabiil ama mid kooxeed oo nafsiyan u buka wax walbana laga fushan karo.

3-  Kooxaha Burcad badeedka , Kooliistayaasha, iyo tuugada oo lacagna la siinayo si ay umada wax ku oolkooda u laayaan iyadoo arrinkas lagu raadgadanayo.

4-Kooxda ambiyaadka ee wax dila falalka ay ku kacaan lama keeno golahooda shuurada iyo mida fulinta ee waxaa ay ka marqaataan Axmed Cabdi Godane kaliya.

5- Qofka ka mid noqonaya kooxa amniyaadka waa in uu yahay qof caqli gaaban oo wax badan aan kala sooci karin.

6- Qofka la soo xulayo waa in uu yahay qof mucaarad ku ah maamulka ama dowllada meeshaas ka jirta, mucaaradku waxaa ay noqon kartaa mid qabiil, mid fikri ama mab’da ku salaysan si qofkaas hadafka la leeyahay looga fusho maadaama uu u diyaarsan yahay.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta muxaadarooyinka ay culumada jeedsheen caawa hadii alle idmo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online