Nadwo xalay ka dhacday Boosaaso oo loogu hadlay Maqaasida Shareecada(Dhagayso)

January 6, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa xalay si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari gaar ahaan Masjidka Al-Rowada  nadwo diini ah taas oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u tiro badan iyo culuma,udiin si weyn looga qadariyo soomaaliya iyo Puntland waxaana xalay muxaadaradii koowaad galay xalay Shiikh C/qaadir Nuur Faarax iyo Shiikh Fu.aad Max’uud Xaaji Nuur

Sh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu uga hadlay muxaadaradiisa Maqaasid al-Shareeca iyo Al-shabaab sida ay u khilaafeen Sheekh C/qaadir ayaa aad ugu dheeraaday in Shareecada Islaamka ay ilaalisay Nafta ,Maalka ,Cirdiga .Sheekha ayaa  sheegay in Al-Shabaab ay wado u noqdeen in cadwga Soomaaliya ay soo galaan dalka ka dib fudayd badan ay sameeyeen Al-Shabaab.

Shiikh C/qaadir Nuur Faarax ayaa ka hadlay sida beenta iyo cirdhiga loo sahladay iyo been abuur badan oo laga sameeyey dilkii Dr Ahmed xaji C/raxmaan oo uu sheekh Xasaan Xusen uu sheegay in loo dilay arimo qoys ka dib markii uu kala xukmiyey laba qoys taas oo xaqiiqada ka fog .

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha xifdiyee

[audio:http://www.qardhaawi.com/audio/dawro/boosaaso2012/maqasidusharecaWashabaabShcqadir.mp3]

SheekhFu’aad Max’uud Xaaji Nuur ayaa isna ka hadlay marxaladihii ay soo martay saxwada Islaamka iyo maanta meesha ay mareyso iyada oo alle fadligiis uu tawxiidka iyo xijaabka uu gaaray meel walba .Sheekh Fu,aad ayaa sheegay in culumadii saxwa soo waday oo ku cireystay sida Sheekh C/qaadir nuur Faarax iyo Sheekh Cali Warsame ay rag aan la aqoon maanta ku hayaan waa culuma xun waa kuwo  gaalo raacyo ah.

Ama Halkan

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Sh Fu.aad  Xaaji Nuur Allaha xifdiyee

[audio:http://www.qardhaawi.com/audio/dawro/boosaaso2012/xifdigaDiintaShfuaad.mp3]

Ama Halkan

Waxaa Nadwada ka qeyb gali doono culumada kala ah.

1-Sheekh C/qaadir Nuur Faarax
2-Sheekh Daahir aw Cabdi
3-Sheekh Fu,aad Maxamed Nuur
4-Sheekh Ahmed Daahir
5-Sheekh Maxamed Macalin
6-Sheekh Ahmed Cabdi Samed

M_M Deeq
Halgan.net

11 Comments so far

Leave a comment

  1. mahadsan diin walaalayaal halgan, waxaa sido kale mahadnaq mudan fadiilatu sheikh cabdul qadir nuur farax oo dhab ahaantii geesinimo iyo xaq cadayntiisa aad ugu xil dheer marwalba, allaha awooda sare leh ha xifdiyo sheikheena cilmigiisa iyo camalkiisna allaha barakeeeyo. sidoo kale sheikh fu’ad allaha xifdiyo kalmida tariikhdu xusi doonto ee uu xalay yiri allaha ka abaal mariyo!

  2. Walaalyaal halgan aad ayaan idinka mahad celinyaaa dacwada iyo khayrka aad marwlaba nooso gudbisaan, culumadeena wanaagsana waxaan leenahay xafadakumullaah. allaha xifdiyo oo haka aqbalo dacwada ay wadaan. kuwa baadiyoobayna waxaan leenahay allaha so hanuunsho. dhalinyarada mabd’a cusub la timidna waxaan leenahay walaalayaal allow u towbad keena. oo dacwadi iyo khayrki socotay mesheedi halaga si wado umadana dhibka aad u horseedeen hadana wali wadaan ka daaya, illaahay waxa agtiisa yaal daadcadiisa ayaa lagu mutaa ee xizbinimo iyo kala qeybsanaan waxba ma keento. alle xaqa hana waafajiyo.

  3. Waxaan kacodsanayaa walaalaha halgan.net inay muxaadarooyinka noo soogaliyaan iyagoo iyago mp3 ah

  4. Waxaa liiska culimada markasta ku jiri jirey allaha u naxariistee Dr. Ahmed Haji. Naxdintii iyo murugadii ayaa dib iigu soo noqotay markaan arkay liiska culimada oo uu ka maqanyahay Dr ka. Allow kuwii diley aduunka iyagoo ciqaaban oo calaamadi ka muuqato nagu tus, aakhirina jazahooda marsii.

  5. Salaamu Calaykum Mashalaah walaalaha halgan noo soo galiyey muxaadaraadka culumada oo mp3 ah ilaahay ha idin xifdiyo sida aad dacwada saxda ah ugu jihaadeysaan

    wasalaamu calaykum

  6. Salaamu Calaykum

    Mashalaah noo soo gudbiya codadka culumadeena waa kuwaan la garanayo kuwa kale is cadeeya maxaad rabtaan yaadse u shaqeysaan ?maxaad u disheen Dr Ahmed iyo culumo kale oo badan ?maxaad hubka uga soo qaadataan dalka Eratareeya sida uu Sh Umal Sheegay)ilaahay haduusan hanuun idinla rabin ha idin halaago aaaaaaaaamiin

  7. Salaamu Calaykum

    Waxaan u mahad celinayaa culumadeena mar walba xaqa noo cadeeya ilaahay ha dhowro waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa geesinimada Sheekh C/qaadir Nuur Faarax uu alle siiyey taas oo aan ku aqaano mudo ka badan 30 sano ilaahay cimrigiisa ha dheereeyo.

    Maamulka Halgan.net waxaaan leeyahay ilaahay ha idin xifdiyo walaalaha sida ay u soo gudbiyaan nadwooyinka meel walba walaahi waa dadaal aysan cidna la wadaagin .ilaahay khayr ha idin siiyo.

  8. Asallaamu Calaykum

    Waxaa mahad u sugnaatay Alihii na siiyey diin macaan oo aan u noqono Culmadeena Allaah ha barkeeyo hana noo xifdiyo, waxaan aad ugu farxay sida ay had iyo goor noogu digayaan iyo sida ay xilka isaga sareen badbada Umada iyo weliba sidii lagu heli ahaa in ay shareecadu hir gasho iyadoo aqoon loo leeyahay, waxaan mushatamaca kula talin u horeyso naftaydu in aan weleyno waanada iyo waxsheega Culimada oo berito aysan inagu noqon xujo inta si qaldan u fekeraysa Allaah ha soo hanuusho hana tuso jidka xaqa ah, walaalha halgan.net Alaah ha idin barkeeyo hana idiin xifdiyo nafta iyo intaad masuulka ka tihiin runtii waxaan oran karaa bulshada waxaad u jogtaan boos muhiim ah wana helaysaan jisadeeda insha alaaaaaaaaaaaah.

  9. Asc, culumada ajilada ah ilahy ajar iyo xasanad aan lasoo kobi karin haka siiyo,khyraadka ay umada u hayaa. Ragan al shababana ilahay xaqa ha tuso.

  10. Salaamu Calaykum.

    Waxaan u mahad celineynaa walaalaha Halgan.net waxaan ka codsaneynaa in ay codka oo Mp3 ah noo soo galiyaan si aan Mobelada u gishano sababta oo ah mobelada qaar ma leh Flash

    wasalaamu Calaykum

  11. Salaamu calaykum.

    Mashaalah ilaahow culumada noo xifdi wax badan baa la is huwanaa culumada ha cadeeyaan manhajka al-shabaab waloow ay culumada aamuskooda uu dhib badan keenay si toos ah looga hadlo Al-shabaab .

Leave a comment

*