Nadwo Xalay si habsami leh uga bilaabatay magaalada Portelizabeth.(Dhageyso )

January 2, 2012 - Written by

Portelizabeth:-Waxaa xalay halkeedii ka sii socotay nadwadii diiniga ahayd ee ka bilaabatay dalka South africa iyada oo xalay ay culumada ku sugnaayeen magaalada Portelizabeth oo ay nadwadu ka socon doonto 1-12-2012-ilaa 03-12-2012 waxaana nadwadaan soo  qabanqaabisay Jamciyada Al-Bayaan Nadwada caawa ayaa waxaa Muxaadardii koowaad ka jeedshay Sh Maxamuud Shible waxaana uu si qoto dheer uga hadlay (Dhexdhexaadnimada Islaamka ) iyo khatarta ay leedahay in laga gaabiyo diinta iyo in xadgudub la sameeyo .

Hoos Ka Dhageyso Dhexdhexaadka Islaamka Sheekh Maxamuud Shible Xafidahulaah.
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/dhexdhexaad1.mp3].

Ama Halkan

Muxaadaradii labaad ayaa waxaa galay galabta Sh Mustafe Xaji wuxuuna si wanaagsan uga hadlay walwalka iyo walbahaarka waxa keena  iyo Warbaahinta Iyo Raadka Ay Kuleedahay Bulshada Islaamka .

Sheekh Mustafe Xaji Warbaahinta Iyo Raadka Ay Kuleedahay Bulshada Islaamka .

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/warbaahinta.mp3].

Ama Halkan.

Sheekh Mustafe Xaji walwalka iyo walbahaarka .

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/walwalka.mp3]

Ama Halkan.

Waxaa kale oo muxaadaro qiimo leh jeedhay Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxaana uu si qoto dheer uga hadlay halka uu  ku jiro xalka Mushkilada dalka Soomaaliya iyo khatarta ay leedahay in dhiiga dadka muslimiinta ah la iska banaysto sheekha Umal ayaa si wanaagsan u qaadaa dhigay asbaabta dhibka keentay iyo xalka halka uu ku jiro muskilada Soomaaliya  iyo khatarta qofka dhiiga dadka Muslinka ah daadiya si xaqdaro ah.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal xalka Mushkilada dalka Soomaaliya.
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/Xalka.mp3]
Ama Halkan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal Ilaalinta Dhiiga dadka Muslinka ah. [audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/ilaalinta_dhiiga.mp3]

Ama Halkan.

Waxaa kale oo isna Muxaadaro qiimo leh jeeshay Sheekh Cali Wajis in lagu daydo salafu Saalix lagana fogaado bidacada iyo shirkiyaadka iyo Tilmaamaha Khaatumada wanaagsan ,Sheekha ayaa hoosta ka xariiqay in umada ay ku badbaadi karto in ay u laabato  kitaabka alle iyo sunada Nabiga nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.

Sheekh Cali Wajis ku dayashada Salafu Saalax .
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/slafka.mp3]

Ama Halkan.

Sheekh Cali Wajis ku dayashada Salafu Saalax .

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/tilmaamahakhaatumad.mp3]

Halkaan riix

 

no images were found

Culumada ka qeyb gashay mutamarka ka socda Portelizabeth waxay kala yihiin.

1-Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
2-Sheekh Maxamuud Shible.
3-Sheekh Mustafe Xaaji Ismail.
4-Sheekh Cali Maxamuud Xassan
5-Sheekh Dr.Ahmed Daahir Aweys.

Culumada ayaa u gudbi doona hadii alle idmo magaalada Rustenburg waxaana ay nadawada ka bilaaban doontaa hadii alle idmo 06-12-2012-ilaa 07-12-2012.

Halkan Ka Dhageyso Mutamarkii Sanadeedkii Labaad ee dalka Koonfur Afrika oo ka dhacay Johannesburg

Halgan.net
Sout Afrika.

6 Comments so far

Leave a comment

  1. ACWRWB,

    Ku: Mas’uuliyiinta HALGAN.NET, Allaah haydin barakeeyo, runtii mar walba oo aan arko sidaad khayrka ugu dadaashaan waxaa igu soo dhaca in wax walba oo Ilaah abuuray kala nasiib badanyihiin. Halgan.net wuxuu ka nasiib badanyahay websites badan oo afka Soomaaliga ku hadla. Idinkana khayrkiinnu ha bato kuwa XAQQA dhinac marsanna Ilaah hasoo hanuuniyo.

  2. ac wr wb
    walaalayaal ilaahay khayr fara badan ha inii ka jizeeyo khayrka aa noo soo gudbinaysaan maalin iyo habeenba maalinta qiyaame miizaanka xasanaadka ha inuugu daro

  3. salaamu Calaykum
    Alahu Akbar ilaahow culumadena noo xifdi Sheekh Shible janada alaha ku geeyo si wacan baad u bayaanisay xaqa halkaas ka sii wad ilaahow anagana nagu hanuuni wada toosan

  4. Asalaamu calaykum walaalahayga Islaamkow!
    Waxaan u mahad naqayaa Allah kadib bahda halgan.net, Allah waxaan uga baryayaa in uu mizaanka xasanaad ugu kordhiyo maalinta qiyaamo. muxaadaraadkii capetawn hadaad haysaana noosoo galiya Allah khayr ha idinku abaal mariyo..

  5. sc muxaa darda sh mustafe ee wel welka waa shiikh kale bal dib ugu noqda

Leave a comment

*