Nadwo Xalay si habsami leh uga bilaabatay magaalada Portelizabeth.(Dhageyso )
January 2, 2012 - Written by
Portelizabeth:-Waxaa xalay halkeedii ka sii socotay nadwadii diiniga ahayd ee ka bilaabatay dalka South africa iyada oo xalay ay culumada ku sugnaayeen magaalada Portelizabeth oo ay nadwadu ka socon doonto 1-12-2012-ilaa 03-12-2012 waxaana nadwadaan soo qabanqaabisay Jamciyada Al-Bayaan Nadwada caawa ayaa waxaa Muxaadardii koowaad ka jeedshay Sh Maxamuud Shible waxaana uu si qoto dheer uga hadlay (Dhexdhexaadnimada Islaamka ) iyo khatarta ay leedahay in laga gaabiyo diinta iyo in xadgudub la sameeyo .
Hoos Ka Dhageyso Dhexdhexaadka Islaamka Sheekh Maxamuud Shible Xafidahulaah.
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/dhexdhexaad1.mp3].
Muxaadaradii labaad ayaa waxaa galay galabta Sh Mustafe Xaji wuxuuna si wanaagsan uga hadlay walwalka iyo walbahaarka waxa keena iyo Warbaahinta Iyo Raadka Ay Kuleedahay Bulshada Islaamka .
Sheekh Mustafe Xaji Warbaahinta Iyo Raadka Ay Kuleedahay Bulshada Islaamka .
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/warbaahinta.mp3].
Ama Halkan.
Sheekh Mustafe Xaji walwalka iyo walbahaarka .
Waxaa kale oo muxaadaro qiimo leh jeedhay Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxaana uu si qoto dheer uga hadlay halka uu ku jiro xalka Mushkilada dalka Soomaaliya iyo khatarta ay leedahay in dhiiga dadka muslimiinta ah la iska banaysto sheekha Umal ayaa si wanaagsan u qaadaa dhigay asbaabta dhibka keentay iyo xalka halka uu ku jiro muskilada Soomaaliya iyo khatarta qofka dhiiga dadka Muslinka ah daadiya si xaqdaro ah.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal xalka Mushkilada dalka Soomaaliya.
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/Xalka.mp3]
Ama Halkan.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal Ilaalinta Dhiiga dadka Muslinka ah. [audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/ilaalinta_dhiiga.mp3]
Waxaa kale oo isna Muxaadaro qiimo leh jeeshay Sheekh Cali Wajis in lagu daydo salafu Saalix lagana fogaado bidacada iyo shirkiyaadka iyo Tilmaamaha Khaatumada wanaagsan ,Sheekha ayaa hoosta ka xariiqay in umada ay ku badbaadi karto in ay u laabato kitaabka alle iyo sunada Nabiga nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.
Sheekh Cali Wajis ku dayashada Salafu Saalax .
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/slafka.mp3]
Sheekh Cali Wajis ku dayashada Salafu Saalax .
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/nadwoSouthAfrica/tilmaamahakhaatumad.mp3]
[nggallery id=73]
Culumada ka qeyb gashay mutamarka ka socda Portelizabeth waxay kala yihiin.
1-Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
2-Sheekh Maxamuud Shible.
3-Sheekh Mustafe Xaaji Ismail.
4-Sheekh Cali Maxamuud Xassan
5-Sheekh Dr.Ahmed Daahir Aweys.
Culumada ayaa u gudbi doona hadii alle idmo magaalada Rustenburg waxaana ay nadawada ka bilaaban doontaa hadii alle idmo 06-12-2012-ilaa 07-12-2012.
Halkan Ka Dhageyso Mutamarkii Sanadeedkii Labaad ee dalka Koonfur Afrika oo ka dhacay Johannesburg
Halgan.net
Sout Afrika.

.gif)

