Nadwo xalay ka baxday qolka Somali Islamic Taqwa Network iyo Qolka 114(dhageyso)
January 28, 2012 - Written byWaxaan lagu qabtay qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114 ee Tele conderenceka USA / Canada Dawro Cilmiyeed ay ka qayb galayaan culimadda Soomaaliyeed.waxaana ka mis ahaa culumadii ka qeyb gasjay nadwada xalay
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax
Sheekh Ahmed Cabdi Samed
Sheekh Cabdi Qani Qorane
Culumada ayaa waxay ka hadleen mawaadiic kala duwan iyaga oo ka haqab tiray jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha oo si Live ah nadwada Culumada ugala socday qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114 ee Tele conderenceka USA / Canada
Muxaadardii ugu horeysay ayaa waxaa galay Fadiilat Sheekh Cabdul Qaadir Nuur Faarax waxaan uu Sheekhu aad ugu dheeraaday cabsida alle iyo in Soomaalida ay alle u laabtaan kana baxaan qabiil iyo kooxeysiga .
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa kula dardaarmay in laga shaqeeyo walaaltinimada iyo danta guud ee Umada Soomaaliyeed oo ay maanta ku habsatay dhibaatooyin badan.
Sheekh Cabdul qaadir Nuur Faarax ayaa mahad celin iyo duco u gudbiyey walaalaha Maamula qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114 ee Tele conderenceka USA / Canada kuwaas oo u taagan fidinta iyo wacyi galin dadka ku soo qaxay dhulalka gaalada .
[audio:http://halgan.net/Mp3/Sh_Cqaadir1.mp3]
Muxaadarda labaad ayaa waxaa galay Sheekh Ahmed Cabdi Samed wuxuuna ka hadlay waxyaabaha ay gaar la tahay diinta Islaamka wuxuuna sheekh Ahmed Cabdi samed aad ugu dheeraaday wanaaga Islaamka iyo sida Islaamka uu kaamil u yahay oo uu alle noogu nimceeyey .
[audio:http://halgan.net/Mp3/islamka1.mp3]
Ama Halkan
Muxaadaradii 3aaad ayaa waxaa isana galay Sheekh Cabdiqani Qorane waxaana uu ka hadlay tilmaamaha lagu yaqaan khawaarijtii hore iyo tan danbe ee casriga ah wuxuuna Sheekh Cabdi qani faahfaahin ka bixiyey khatarta Khawaarijta iyo sida ay u kala dhantaaleen umada Islaamka ah laga soo bilaabo wakhtigii saxaabada ilaa haatan
[audio:http://halgan.net/Mp3/khawaarij.mp3]
Nadwada ayaa waxaa kale oo xalay ka qeyb gali lahaa Sheekh Dr Ahmed Daahir Áweys,Sheekh Yuusuf Aden ,Sh Cabdiraxiim C/Laahi Abul Cayneyn iyo culumo kale balse aysan suurto galin iyada oo laga yaabo in culumo kale ay caawa ka qeyb galaan Nadwada.
Waxaa na soo gaarsiiyey muxaadardaadka Maamulka qolka Somali Islamic Taqwa Network iyo Qolka 114

.gif)

