Nadwo xalay ka baxday qolka Somali Islamic Taqwa Network iyo Qolka 114(dhageyso)

January 28, 2012 - Written by

Waxaan lagu qabtay qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114  ee  Tele conderenceka USA / Canada Dawro Cilmiyeed ay ka qayb galayaan culimadda Soomaaliyeed.waxaana ka mis ahaa culumadii ka qeyb gasjay nadwada xalay

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax
Sheekh Ahmed Cabdi Samed
Sheekh Cabdi Qani Qorane

Culumada ayaa waxay ka hadleen mawaadiic kala duwan iyaga oo ka haqab tiray jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha oo si Live ah nadwada Culumada ugala socday qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114  ee  Tele conderenceka USA / Canada

Muxaadardii ugu horeysay ayaa waxaa galay Fadiilat Sheekh Cabdul Qaadir Nuur Faarax waxaan uu Sheekhu aad ugu dheeraaday cabsida alle iyo in Soomaalida ay alle u laabtaan kana baxaan qabiil iyo kooxeysiga .

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa kula dardaarmay  in laga shaqeeyo walaaltinimada iyo danta guud ee Umada Soomaaliyeed oo ay maanta ku habsatay dhibaatooyin badan.

Sheekh Cabdul qaadir Nuur Faarax ayaa mahad celin iyo duco u gudbiyey walaalaha Maamula qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114  ee  Tele conderenceka USA / Canada kuwaas oo u taagan fidinta iyo wacyi galin dadka ku soo qaxay dhulalka gaalada .

[audio:https://halgan.net/Mp3/Sh_Cqaadir1.mp3]

Ama Halkan

Muxaadarda labaad ayaa waxaa galay Sheekh Ahmed Cabdi Samed wuxuuna ka hadlay waxyaabaha ay gaar la tahay diinta Islaamka wuxuuna sheekh Ahmed Cabdi samed aad ugu dheeraaday wanaaga Islaamka iyo sida Islaamka uu kaamil u yahay oo uu alle noogu nimceeyey .

[audio:https://halgan.net/Mp3/islamka1.mp3]
Ama Halkan

Muxaadaradii 3aaad ayaa waxaa isana galay Sheekh Cabdiqani Qorane waxaana uu ka hadlay tilmaamaha lagu yaqaan khawaarijtii hore iyo tan danbe ee casriga ah wuxuuna Sheekh Cabdi qani faahfaahin ka bixiyey khatarta Khawaarijta iyo sida ay u kala dhantaaleen umada Islaamka ah laga soo bilaabo wakhtigii saxaabada ilaa haatan
[audio:https://halgan.net/Mp3/khawaarij.mp3]

Ama Halkan

Nadwada ayaa waxaa kale oo xalay ka qeyb gali lahaa Sheekh Dr Ahmed Daahir Áweys,Sheekh Yuusuf Aden ,Sh Cabdiraxiim C/Laahi Abul Cayneyn iyo culumo kale balse aysan suurto galin iyada oo laga yaabo in culumo kale ay caawa ka qeyb galaan Nadwada.

Waxaa na soo gaarsiiyey muxaadardaadka Maamulka qolka Somali Islamic Taqwa Network iyo Qolka 114

4 Comments so far

Leave a comment

  1. aslamu calkum dhamaan walalha muslmiinta ah waxaan rabaa in aad i sheegtaan wabsedka lagla soconkaraa waxii ku dhaafay qolka 114 markaan wabsedka kor ku xusan ku fiirshay anti fus uu i soo qoraa wabsedka som,a baxaayo marka walalyal wabsedka oo sax ah oo na diifa seen ku helikaraa
    mahadsanidiin walalha muslimka hadii aad i shegtaan

  2. a.w.w
    waa muxaadarooyin qiimo leh oo culumi culculusi jeedinaya mansha’alah kheyr alaah haka siiyo umadana soomalidana haku anfaco aamin
    shiikh alcalaamah cabdulqaadir nuur faarx alaah haxafido waa caalim rabaaniya oo diinta kuciraystay waqtigiisii oo dhana u hibeeyey jazaakalah kheeyr ayaab leenahay. iyo culimada kale ba

  3. Asalama calaykum. Umu asmaa haa Qolku waa leeyahay webside oo waa. http://www.hoygadiinta.com. Hadaad rabto inaad Muxadarooyinka si Live ah u dhagaysato soo wac numbarka 218 936 4343 kadib wuxuu ku waydiinayaa PIN # Waxaad kugalaysaa 114. Hadii kale waxaad si toos ah ugala socon kartaa Paltalka Qolka Somali Dacwah Network. Intaas waa intaan kuu sheegi karo. Walaalaha ayaa inta dhimana kuugu dari doona Insha allah.

  4. qolku websiteke laga gala walalyaal

Leave a comment

*