Ogeysiis Nadwo ka bixi doonta Qolka Paltalka Somali Islamic Altaqwaa Network

January 19, 2012 - Written by

London:-Waxaan dhamaan lagu wargelinayaa walaalaha ka faa’iidaysta Aaladda Paltalk ( Qolka Somali Islamic Altaq waa Network ) iyo Telecon ferenceka 114 ee USA/Canada ugu bishaaray naynaa inay jirto nadwo aan u bixinay [ BADBAADINTA KHILAAFKA REERKA SOOMAALIYEED ]. Nadwadaan oo ah mid si cilmiyaysan ay uga soo shaqeeyeen walaalaha dacwadda u qumay ee qolka altaqwaa iyo 114ka iyagoo markay arkeen dhibaatooyinka haysta umadda soomaaliyeed ee qurbaha u soo qaxday, waxay culimaddu falanqayn doontaa mawduucyo aan is leenahay waxay hagaajin karaan khilaafaadka qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.

Culimadda waxaan siinay mawduucyo ay ka hadli doonaan oo si gaara ay u cabiri doonaan mawduuc walba ahmiyadda ka dambaysa iyo muhiimadda uu xambaarsan yahay. Culimadda ka qayb galaysa barnaamijkaan waxay kale yihiin.

Sh Cabdiqani Qorane ( Birmingham – United Kingdom )
Sh Cabdulqaadir Cali Cambe ( London – United Kingdom )
Sh Cabdirisaaq Sancaani ( Minnesota – United States )

Nadwaddu waxay baxaysaa Jimcaha 26 Safar 1433 oo ku aadan 20 January 2012, Waxay muxaadaradu toos uga bixi doontaa Qolka Somali Islamic Altaqwaa Network iyo Qolka Dacwah 114.Waxaan Allaah ka baryaynaa in uu culimadda ku aadiyo qowlka kiisa toosan kana dhigo nadwada mid miro dhasha ayna ka faa’iidaystaan umadda soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Wabilaahi A’towfiiq
Maxammed Ibraahim Cawad ( Abu Axmed )
Xidhiidhka Culimadda Walaalaha Altaqwaa Network

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Jazaajumulahu khayran

Leave a comment

*