Qaraxyo maanta lagu weeraray ciidamada Itoobiya ee ku sugan Luuq iyo Beledweyne

January 16, 2012 - Written by

Gedo:-Waxaa maanta lagu weeraray ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalooyinka Luuq iyo Beledweyne qaraxyo kala duwan waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Itoobiya .

Qaraxa ugu weynaa ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Luuq waxaana miino loo dhigay gaari booyad ah oo biyo u dhaaminaysay ciidamada Itoobiya waxaana dad goobjoog ah ay soo sheegeen in gaarigii booyada iyo ragii wadayba ay khasaaro xoog leh ay soo gaareen waxaana dhintay dhamaan ragii waday booyadii biyaha u dhaamineysay ciidamada Itoobiyaa oo lagu sheegay in ay ahaayeen 7 askari.

Sarkaal u hadlay ciidamada DFKM ayaa inkiraad ku jiiday in wax khasaaro ah uu soo gaaray ciidamadooda iyo kuwa Itoobiya wuxuuna sheegay in dad rayid ah oo ceelka biyo ka dhaaminayey ay ku dhinteen kuwaas oo ay ku sheegeen laba ruux.

Dhanka kale waxaa qarax lagu weeraray ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana soo gaaray khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac .Ciidamada ayaa intaas ka dib isku fidiyey xaafadaha magaalada Baladweyne .

Ilaa haatan lama oga khasaaraha soo gaaraya ciidamada Itoobiya ee lagu qarxiyey magaalada Baladweyne iyada oo dadweynaha ay kala carareen markii uu qaraxa dhacay iyaga oo ka baqaya in ciidamada Itoobiya ay shacabka ka aargutaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online