Qolka Somali Islamic Altaqwaa iyo Qolka Addacwah 114 oo tacsi u diraya ehelada Macalin Daahir Aweys

January 26, 2012 - Written by

London:-Dhamaan culimadda, mas’uuliyiinta, ardayda iyo shacabka Qolka Somali  Islamic Altaqwaa Network iyo Qolka Adacwah 114, waxaan halkaan ugu  gudbinaynaa umadda soomaaliyeed tacsiyayn geeriddii ku timid Macalin  Daahir Aways.Naf walba waa tan maalin dhadhamisa geeridda, waxaan leenahay  INAALILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Waxaan tacsidan iyo geeriddan ku timid Macalin Daahir Aways  gaadhsiinaynaa caruurtiisii Dr Axmed Daahir Aways iyo Sh Xasan Daahir  Aways, gabi ahaanba intuu u ahaa Awoowe iyo qaraabadda iyo ehalkaba. Tacsidan tiiraanyadda leh waxaa ku saxiixan:

Sh Xuseen Sh Cali Xanaafi
Mustafa Maxammed Abu Fowzaan
Maxammed Ibraahim Cawad Abu Axmed iyo dhamaan adminka iyo maamulka 2da qol.Waxaan Allaah swt uga baryaynaa inuu Macalin Daahir Aways ka waraabiyo  jannatul firdowsa, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo  iimaan ka siiyo Aamiin.

Maamulka Qolka Altaqwaa iyo Qolka Addacwah 114

3 Comments so far

Leave a comment

  1. asalam caleykum dhamantin waakumahadsantihin farinta aad udireysan musliminta somaliyed

  2. Asalamu caleykum walal yaal

  3. Mashaa Allaah walaalaha is jecel ee 114 iyo altaqwaa waxaad tihiin miithaal lagu dayan karo oo ah in shacabka islaamku wax wada qabsan karaan iyadda oo aan qabiil, gobolaysi iyo dano gaara oo kale lagu midoobin. Hormuudka dacwadda saad u tihiin allaah swt ha idinka ajar siiyo, walaalehaan halgan iyagana waxaan leenahay taariikh baad ka galaysaan fidinta iyo warbaahinta khayraadka meel walba oo uu ka dhacayo, ajar iyo xasanaad baan idin leenahay Allaah ha idinka siiyo Aamiin.

    Ehelada Macalin Daahir waxaan leenahay ilaahay waa bixiyaa waana qaataa wuxuu doono, samir iyo iimaan Allaah ha inaga siiyo.

Leave a comment

*