Ra.iisul Wasaaraha DFKM oo dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tegay dalalka Kenya iyo Jabuuti

January 14, 2012 - Written by

Muqdisho, January 14, 2012——Ra’’iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii uu hogaamina yay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho ay ku soo mareen dalalka Kenya iyo Jabuuti halkaasoo ay kulamo iyo wadahadalo kula soo qaateen madaxda dalalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa maanta garoonka ku soo dhoweeyey Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo boqolaal ruux oo isugu jirtay Wasiiro, Xildhibaano, saraakiisha dowladda, haweenka iyo fanaaniin, wuxuuna R.wasaaruhu salaam gacan qaaday mas’uuliyiintaasi.

Intaasi kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka isaga oo xusay in safaradii uu ku tegay dalalka Kenya iyo Jabuuti ay ahaayeen kuwo miro dhal ah isla markaana ay wadahadalo la soo qaateen madaxda dalalkaasi.

“Dalka Jabuuti waxaa ina qaabilay madaxweynaha Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Dileyte Maxamed Dileyte, waxaana ka wadahadalnay sidii loo xasilin lahaa dalka, waadna ogtihiin dowladda Jabuuti inay ciidamo ku soo biirisay howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, waxaana isla meel dhignay waxyaabo badan” ayuu yiri R/wasaaruhu isaga oo uga mahadceliyay ciidamada ay ku biiriyeen howlgalka nabad soo celinta dalka.

– DHAMAAD –

Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM

Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online