Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo shirjaraa’id uga hadlay Duqeyntii ka dhacday Degmada Jilib

January 18, 2012 - Written by

Shirkan Jaraa’id waxuu ku saabsanyahay dhacdadii ka dhacday Axadii degmada Jilib oo diyaaradaha dagaalka ay geysteen khasaare isla markaana goobtaas lagu dilay 4 wiil iyo gabar oo uu dhalay Abdullahi Macallin Hussein Waxaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay Abdullahi Macallin Hussein oo aan si shaqsi ah uga tacsiyeeyey dhimashada shantiisa carruur, waxaana EEBBE uga baryey inuu samir iyo iimaan isaga iyo shacabka Soomaaliyeed ka siiyo.

Dowladda Soomaaliya waxey si deg-deg ah u sameyn doonaa baaritaan dhab ah ee la xiriira dhacdadaas iyagoo lala kaashanayo dowladda Kenya. Kenya iyo Soomaaliya waxey wadaan howlgal ballaaran oo looga soo horjeedo kooxaha nabad-diidka ah ee shacabka ka hor-istaagay gar-gaarka bani’aadanimo iyo nabaddii. Waxaan rajeyneynaa in howlgalladaas lagu guuleysto oo shacabka Soomaaliyeed laga dul qaado cadowgooda Al-shabaab si shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nabad waarta.

Markale Dowladda Soomaaliyeed aad iyo aad bey uga xuntahay qasaaraha shacabka waxaana lagu dadaalayaa in dhacadadaan laga faa’iideysto oo la yareeyo ama la joojiyo khasaaraha shacabka.Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in dalka lagu soo dabaalo nabad oo shacabku ay ka tashadaan aayahooda.

– DHAMAAD –

Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM
Mogadishu, Somalia

2 Comments so far

Leave a comment

  1. As. wallee taariikhda wax laguma qaato, war duf ku baxee ma waydaan arag waxa dowladaha Afgaanistaan iyo pakistan haysta.. intay maraykan indhala’aan ku daba galeen oo wax walba ogolaadeen. dadkoodii la laayay iyadoo alqaacida aan dilaynaa la leeyahay, ayaa hadana laga tala baxay.. Marka ina gaasoow waan u tacsiyanay ayaa kugu filnaa.. Kenyana danaheeday wadataaye, adiga waxba kuuma tarayso.. markii dantooda ay gaaraan waa la idin tuuri

  2. ACWRWB,

    See u guulaysanaysaan markaad guuldarada Soomaalida ku dhacda guul u taqaaniin ama iska dhigtaan inaad u taqaaniin? War Allaah u noqda oo ka joogsada dulmiga aad ka galaysaan diinta, dadka iyo dalka!

    Magacyada aad bixinaysaan runta ma badalikaraan; GAALADU WAA CADAWGA MUSLIMIINTA SIDAAS ALLAAH BAA NOO SHEEGAY, ALLAAH KALMADIISANA XAQ AH, WAXAAD IDINKU SHEEGAYSAANNA WAA BAADIL CAD OO AAN SHAKI KU JIRIN. SOOMAALIDU 21 SANOO BAY IS DILAYAAN MAGACYANA ISU BIXINAYAAN LAAKIIN ARRINTAASI XAQQA BADALIMAYSO OO XAQQU WAA XAQ. RUNI BEEN MANOQOTO BEENINA RUN MANOQOTO EE ALLAAH U TOOBAD KEENA.

    GUUL WAXAAD GAARAYSAAN MARKAAD IDINKU WADA HADASHAAN OO HESHIISAAN! WAXA KALE WAA XUMBO OO WAYSKA GURAYAAN, SUBXAANALLAAH WAR SHACABKU LIITAA MAY ISKA QABTAAN KOOXAHAN KU LOOLAMAYA DHIIGOODA! MUXUU HADALKAAGU TARAYAA NINKA CARRUURTIISII KU WAAYAY AMARKII GAALADU IDIIN YEERISAY ADIGA SHIIKH SHARIIFNA AAD SAXIIXDEEN?

    MAXAAD BAARIKARTAAN OO GAN IDIINKU JIRA? CIILKA I HAYAA WAA BADANYAHAY LAAKIIN RAJADA AAN KA QABO IN GAALO DALKAYAGA KU JABAYSAA WAA 100% WA LILLAAHI XAMDI.

    XAQQA ALLAAH HANA WAAFAJIYO

Leave a comment

*