Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee UK

January 23, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Matt Baugh, Ergeyga gaarka ah ee UK. Labada mas’uul ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha roadmap ka iyo horumarka laga sameeyey sida Go’aanadii Garowe (Garowe Principles) iyo shirka 23ka Febraayo lagu wado inuu ka dhaco London.

Ergeyga gaarka ah ee dowladda Ingiriiska Matt Baugh ayaa waxaa ku wehliyey booqashadiisa James Hooley oo arrimaha Soomaaliya u qaabilsan dalka UK. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeynta uga mahadceliyey wafdiga Ingiriiska booqashadooda ay ku yimaadeen Muqdisho, iyo sida ay Dowladda UK ay diyaarka ugu tahay inay beesha caalamka si wadajir ah arrimaha Soomaaliya meel uga soo wada jeestaan oo la filayo shirka 23ka Febraayo inuu noqdo shir wax weyn ka bedela arrimaha Soomaaliya.

Matt Baugh ayaa sheegay in shirka London ee 23ka February lagu casuumay ilaa 40 Madaxda adduunka ah ujeedaduna tahay sidii beesha caalamka ay uga midoobi lahaayeen xal u helida Soomaaliya, ha noqoto dhanka amniga, burcad-badeeda, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dhanka siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaalida ay rajo weyn ka qabaan shirka London loona baahanyahay in shirku uu noqdo mid Soomaalidu ay aayaheeda ku tashaneyso oo beesha caalamku ay ku saacidayaan, loona baahanyahay in shirka uu tixgeliyo horumarka ballaaran ee laga sameeyey Roadmapka.

DHAMAAD
Garad Salad Hersi
Communication Director
Office of the PM

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online