Ra’iisul Wasaaraha oo maanta la hadlay boqolaal Arday ah oo waxbarasho lacag la’aan ah dowladdu siisay

January 22, 2012 - Written by

Muqdisho, Axad, January 22, 2012——-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday dugsiga Maxamuud Mire kaasoo ay wax ka bartaan ku dhowaad 1,000 arday kuwaasoo si lacag la’aan ah wax ku barta.  Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisan waxaa ku wehlinayay Wasiir kuxigeenada Wasaaradda Waxbarashada iyo maamule yaasha iskoolka Maxamuud Mire, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu mid mid u gacan qaaday ardaydii halkaasi ku sugneyd wuxuuna sidoo kale booqday qeybaha xafiisyada iyo keydka iskoolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay shaqsiyaadkii gacanta ku hayay isla markaana badbaadiyay xilliyadii burburka wuxuuna ka sheegay goobta in maanta ay tahay maalintii ugu farxada badneyd maadaama uu hortaagan yahay boqolaal arday Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay mustaqbalkooda dhisaan waxbarasho lacag la’aan ahna heysta.

no images were found

“Dowladdu waxay ahmiyad gaar ah siineysaa waxbarashada oo ah aas aaska bulshada, waxaadna la socotaan in ummad kasta ay horumar keeda ku xirantahay heerka aqoonteeda” ayuu yiri R/wasaare Dr. Gaas oo tilmaamay in xukuumadiisu ay fursad u siisay arday fara badan in loo helo waxbarasho dibadeed oo lacag la’aan ah sida dalalka Turkiga, Sudan, Yemen iyo dalal kale oo haatan la filayo.

“Waxaan ku guuleysanay inaan balanqaad ka helno dowladdo kala duwan, waxaana ka mid ah balanqaadyadaasi dhismaha wasaaradda Waxbarashada iyo Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo dowladda Sucuudiga naga balanqaaday” ayuu yiri Mr. Gaas oo balanqaaday in iskoolka Maxamuud Mire ay u dayactiri doonto xukuumadu qeyb ka mid ah iskoolka.

Dhinaca kale, R/wasaaraha ayaa kormeeray xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda oo la dayactiray isla markaana ay xafiisyo ka dhigteen Wasaaraddo dhowr ah oo ka soo guuray Wasaaraddii Harkaha iyo Saamaha wuxuuna R.wasaaruhu ugu baaqay Wasaaradduhu inay dardargeliyaan hwolaha bulshada ay u hayaan.

Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online