In Warka La Iska Xaqiijiyo Sheekh Maxamed Umal (Daawo Maqal iyo Muuqaal)

January 29, 2012 - Written by

Nairobi:-Sh.Maxamed Cabdi Umal oo si weyn loo wada garanayo kana mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa maanta khubadii Jimcaha ee masaajidka Abuu Bakar ee xaafadda Islii magaalada Nairobi, kaga hadlay muhiima dda ay leedahay in warka la hubsado inta aan laga dhalinin axkaam iyo fataawi baneyneysa dhiig iyo sharaf Muslim.

Sheikha ayaa sheegay in hubinta warka ay ka mid tahay qawaacidda shareecada Islaamka, isagoona tusaayalayaal ka soo qaatay qur’aanka kariimka ah iyo sunada suubanaha Muxamed NNKH.Shiikh Umal ayaa sheegay in qaar ka mid ah saxaabadii Nabiga NNKH, lagu canaan tay inay iska hubin waayeen nin ku salaamay salaanta Islaamka oo ay dileen, iyadoona qur’aanka lagu sheegay in saxaabadaasi ay ujeeda doodu aheyd inay xoolo helaan halkii ay wax ka hubsan lahaayeen.

Sidoo kale Sheikha ayaa sheegay in Nabi Muxamad NNKH uu saxaabi fal khatar ah kula kacay uu u yeeray ka dibna uu weydiiyey waxa ku xambaaray, markii uu sharraxayna lagu qancay oo hubsiima la sameeyey intii aan la xukumin. Xiligan lagu jiro ayuu Sheikhu sheegay inay jiraan dad wararka suuqa iska qaata oo sii gudbiya, iyadoona laga yaabo wararka la kala warinayo in cid loo tiiriyo oo la garanayo ayan jirin.

” Waxaa jira dad warka haddii koox ay taageersan yihiin uu ka yimaado iska qaadanaya oo laga yaabo inay ka soo saaraan axkaam iyo fataawi lagu baneynayo dhiig, sharaf iyo furuuj, taas ayaa muujineysa diin yaraan, fudeyd iyo caqli xumo” ayuu yiri Sheikh Umal.

Sheikha ayaa sheegay warka in laga fiirsado meel walba oo uu ka yimaado, haddii uu been yahay halkiisa looga tago, haddii uu run yahayna la eego maslaxadda iyo mafsaddada ka dhalan karta tabin tiisa, wuxuuna Sheikhu sheegay inay jirto mararka qaarkood in run sheegiddeedo ay xaaraam noqoto, waa marka fasaad badan uu ka dhalanayo.

Ugu dambeyntii Sheikha ayaa sheegay in xiliyadan dambe ay soo baxeen warbaahin warka iska tabiya oo aan la garanbeyn cid ka shaqeysa, isla markaasna wixii laga soo dhageysto ama laga soo aqriyo laga yaabo in wax badan lagu fasaadiyo.

[audio:https://halgan.net/Mp3/sh_umal2.mp3]

Ama Halkan

Halgan.net
Nairobi

9 Comments so far

Leave a comment

  1. السلام عليكم
    HALGAN ILAAH AYAAN KU BARYEYNAA IN UU KAA ABAL MARIYO SIDA AAD DADKA UGU IFTIMINEYSAAN DIINTA ALLAH IYO XAQAA IQDA AMIIN AMIIN AMIIN WWW

  2. السلام عليكم
    HALGAN ILAAH AYAAN KU BARYEYNAA IN UU KAA ABAL MARIYO SIDA AAD DADKA UGU IFTIMINEYSAAN DIINTA ALLAH IYO XAQAA IQDA AMIIN AMIIN AMIIN WWW

  3. asalaamu aleikum wr wrk.walaalayaal culumada waa meeshii aan ulanoqon lahayn barashada cilmiga. siddaa owgeed waa inaan kadanbeeno.

  4. asc manshalaah alaah ha noo xifdiyo culimadeena gaar ahaan culimada wayadaa ladacninayo oo kawayn in wax laga sheego waxaan ilahay ka cabsanayn say rabaan kayeelayaa cay nooc walba leh waxaan aad uga naxay gabay la soogaliyay somallimeemo o culimo aad uqiima badan lagu cayayo waxana ilahay uga baryaynaa gabgaas kusoogalaiyay iyo guwii soo alifayba ilahay in uuka jaseeyo culimada ay ku galdayaan oo cayayaan cirdigooda iyo diin tooda iyo sharaftooda kana way wax gaby noocaas ah lo tiri alaahuma arinal xaqa xaq warinal baadhila baadhilaa yaarabi ilahay hana sugo walaalaha halgan khayr abdna laha idinsiiyo sheekh umalna waxan lenahay alaha ku xifdiyo

  5. asc , uguhoreyn halgan net wadmahadsantin sheik umal nolasheda mahilmami dono sababto ah laba jeer waanadisa illahey igubadbadiye markahore ano ciyal_suq ah o jegaxiir ah ayan muxadaradisa dhageystey illahey wuigahanuniye wixi ankujire marka labaadna afkartan hada socoto e culimada lagucaynayo o dhiga lagudadinayo ayan kawareystey wano wuxu iwaniye quranka iyo sunada wafiqsan masha allahu wuidaweye masha allahu sheiku qaali waye illahey dartis ayan ujaclahay illahey hahifdiyo

  6. fadlan waxaan u baahnahay in aan idiin soo diro khudbad iyo sawir sideen usoo diri karaa iga jaahil saara mahadsanidiin

  7. السلام عليكم
    marka hore waxaa mahadleh alle inoo jeelay culumo cadaynaya xaqqa sida shiikh maxamed cabdi umal iyo culumo badan oo kale . waxan kale oo mahad ujeedinayaa web halgan iyo sida uu dacwada ufaafinayo.
    النصيحة
    hadaba waxaan ugu nasteexaynayaa ragga dhalinyarada ah inay culumadda cilmagooda kafaaidaystaa oo aysan iska dhagatirin xaqloo sheegayo culumadu xaqqii waa cadeeyeen xilkiii saarnaana waa guteen lkn yaa kafaa idaysatay waxan filayaa qofka maxadiradan qudha dhagaydsta oo ku camal fala way anfici dhab ahaan التحذير
    waxaan uga digayaa rag dhalainyarada ah ee iftiraaga culumada kuwada iyo muslimiinta dhamadkoodba inay masiir xunkudanbaynayaan haadaynan dulmigaas ka joogsan ilahayna waa fadeexayndoonaa sidii ilaahayba balan qaaday ilahay kabaqa oo hananoqonina qof wixii uu maqlaba gudbiya

  8. AC
    Salaan kadib waad ku mahadsantihiin halgan.net iyo maamulkeeda sida aad dacwada ugu shaqaysaan!!!!!!
    Jzk Allah

  9. asc salan kadib waxaa mahad leh ilaahay kadibna weebka halgan.net siduu ufaafinayaa dacwada mida kale dadka somaliyeed ha.iskadayaan isdaba wareega ee culumada cilmiga hakareebaan hana laisakadayo nin jecleesiga nin walbo tiisa laweydiin malinta qiyaamo قيل وقال aan iskadeeyno inshaa allah sheekhan m/c/umal asagana wuumahadsanyahay

Leave a comment

*