Dariiqii ay ku burbureen Maxaakimtii Islaamiga ee Muqdisho Sh.Maxamed Idirs.(Dhagayso)

January 23, 2012 - Written by

London:Waxaan maanta haddii alle idmo idiin soo gudbinaynaa muxaadaro cusub oo qiimo badan oo uu Shiikh Maxamed Idirs jeediyey, Shiikh Maxamed Idirs ayaa waxaa uu muxaadaradiisa uu ugu magac daray Dariiqii dheeraa ee baraaruga dalka Somaaliya, Sh.Maxamed Idirs ayaa muxaadaradaan kaga hadlay dhinacyo badan oo kale duwan Allaha naga dhigo kuwa ku waano qaata Sh.Maxamedna Allaha u saaro miisaanaadka xasanaadkiisa. aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiin.

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Sh.Maxamed Idirs khatarta ku hareeraysan umadda soomaaliyeed iyo sidda looga bad baadayo

[audio:http://masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/khatarta ku hareeraysan umadda soomaaliyeed iyo sida looga badbaadayo .mp3]

Halkaan ka rogo Mp3

Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Al-xamdullilaah, Ilaahay baa idinka abaalin wanaaga aad faafinaysaan, koobi ka mid ah duruusta Usuulu fiqiga 1’aad iyo 2’aadii sooodira, Jasaakumullaahu khayr

  2. nin aan wax ogeynow alle kuma cadaabo culimadu wax bay ogtahay marka ay leedahay war sidan maahee ka daaya, goor hore ayaa ay ahayd in xaqaaiqdaan ummadda loo ifiyo si looga digtoonaado nimankaan ummadda shaadhka difaaca diinta dadka u xirtay ee hoosta jallaafada iyo majaxaabinta ka waday, waxaan aad ula yaabanaan jirey waxa hoosta ka juqeynayey ninkii indha cadde ahaa ee iska dhawaaqi jirey adis baan weerareynaa…adisbaan ku tukaneynaa, waan ka nixi jirey hadaladaas oon oran jirey wax ninkanu maxaa si ka ah oo dawladaan soomaaliya jiifka iyo jooga u diiday ugu yeeranayaa..illeen waaba nin qori lagu hayo oo wax kastoo uu leeyahay qasab ku dheh la leeyahay…illeen waa dawlad ay dawlad qarsooni ka hoos shaqeyneyso…calaakulli xaal shabaab waxay dibindaabyo wadeenba maanta dibigii geesaha weynaa ee ay u yeeranayeen waa hayaan maanta, dalkii soomaaliyeed iyo dadkii soomaaliyeedna sahayda laakiin habartii karis xun iyadaa ku kaal la,e wax ha dheefeen iyaguna godkey geli lahaayeen hogaamiyeyaashoodaa laga rabaa….

  3. ACWRWB,

    Madaxda Halgan.net, Allaah waxaan idiinka baryayaa inuu idin guuleeyo adduun iyo aakhiraba. Runtii iftiin baad ku soo dhextuurtaan bugdiyada is kor fuul-fuulay oo hareeyay in badan oo ka mid ah meelaha Soomaalidu wax ku qoraan ama ka hadlaan.

    Shacabka Soomaalidu wuxuu u baahanyahay fakar caafimaad qaba oo qalbigooda lagu daaweeyo, meel aan diinta islaamka ahayna lagama dawadaas.

    Xaqqa Allaha inagu sugu

Leave a comment

*