Sh.Maxamed Idris oo xalay muxaadaro ku Jeediyey Masjidka Abuu Bakar ee Nairobi

January 21, 2012 - Written by

Sh.Maxamed Idris ayaa waxa uu xalay ka hadlay sabibihii ay u burbureen maamuladii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee Soomaaliya iyo Daalibaan, Shiikh Maxamed Idris Axmed oo xalay muxaadaro ku qabtay masaajidka Abuu Bakar ee magaalada Nairobi, ayaa si weyn uga hadlay taariikhdii uu soo maray baraaruga Islaamiga ah, isagoona tusaalayaal ka soo qaatay dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Shiikha ayaa ugu horeyn ka sheegay in Taariikhdu ay muhiim u tahay wax walba oo la daneynayo, cidii dooneysa inay diinta fahantana looga baahan yahay inay daraaseyso taariikhda ay soo martay Diinta islaamka, gaar ahaan baraaruga Islaamiga ah ee Casrigan.

Taariikhda Shiikhu ka sheekeeyey ayaa waxa uu ka soo bilaabay xiligii ay meesha ka baxday dowladdii Islaamka, sanadkii 1924-tii, wuxuuna Sheikhu si xeel dheer uga waramay sidii dadka Muslmiinta ah ee ay Culimadu hoggaaminayeen uga hortageen duulaankii lagu soo qaaday, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay duulaankii dhinaca fikirka ahaa ee Muslmiinta lagu soo qaaday, iyo sidii ay isaga dhiciyeen dhinac walba.

Sheikh Maxamed Idris ayaa sheegay in markii Muslimiintu ay la halgameen duulaanadii kala duwanaa ee uga yimid reer galbeedka iyo reer barigii adduunka ku hardami jiray, isla markaasna la is lahaa horay ayaa loo soconayaa, ay soo baxeen waxyaabo diinta garab marsan oo ay la yimaadeen qaar ka mid ah kooxaha Muslimiinta, isagoona tusaalooyin dhowr ah bixiyey.

Sheikha ayaa sheegay in kooxaha qalooca diineed la yimid ay ka mid yihiin, kuwo si qaldan u fahmay kutubtii durriyaddii Sheikh Maxamed C/wahaab, isagoona sheegay kutubtii waagaas qaladka loo fahmay in hadda loo aqriyo dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ka hadlay mas’alooyinka gaaleysiinta hadda saaxada yaala inay yihiin kuwo waa hore soo bilowday.

Sheikha ayaa ka sheekeeyey xiliyadii ay bilowdeen dilalka hoos loo fuliyo ee casrigan, isagoona tusaalayaal dhowr ah ka soo qaatay dalalka Masar iyo Aljeria ee ay soo mareen afkaarta Al-Qaacida iyo kooxaha ku abtirsada.

Mar uu Sheikhu ka hadlayey fikirka Al-Qaacida, ayuu wuxuu sheegay in fikraddaasi ayan dowlad dhisin, inay kuwa dhisan burburityaan maahee, wuxuuna keenay laba tusaale oo kala ah:

Markii Mujaahidiintii Afgaanistaan ay isku jeesteen oo dagaalo dhexmareen ayaa waxaa soo baxay xarakada Daalibaan, waxayna la wareegtay dalkaas, iyadoona halkaas ka sameysay maamul, waxaana ay Daalibaan isku dayayeen inay nabad ku soo celiyaan dalkooda, xiriir fiicanna la sameystaan dowladaha kale ee caalamka Islaamka.

Al-Qaacida waxa ay ka hoos jirtay Daalibaan, waxay la gashay balan, iyadoona kula balantay in Mula Cumar uu amiir u yahay, markii ay Beycadaas la gashay, ayaa Al-Qaacida waxa ay bilowday inay ku dhaqaaqdo arimo ay ka mid yihiin qaraxyo ay la beegsatay Nairobi, Daarasalaam, iyo New york, iyadoo weliba ayan waxaasi la soconin Daalibaan oo ay hoos joogeen, iyo amiirkii ay Balanta la galaane ee Mula Cumar.

Al-Qaacida markii ay qaraxyadaasi sameeyeen way dhuumatay, waxayna ku hoos gabatay Daaliobaan, dowladihii ay qaraxyada u geysteenna kama ayan harin ee waxay ay uga dabatageen meeshii ay ka soo weerar tageen, waxaana meesha laga saaray maamulkii Daalibaan ee dalkooda doonayey inay dib u dhisaan.

Hadda ayey Daalibaan 15 sano ka dib halkii hadana ka soo bilaabeysaa, iyadoo la leeyahay halala hadlo si dalkooda looga baxo, Sheikha ayaa hadalaas ka yiri sidii Al-Qaacida sababteeda loogu dumiyey DOWLADDII Daalibaan.

MAXKAMADIHII SOOMAALIYA

Sheikha ayaa sheegay soo bixitaankii Maxaakiimtu inay aheyd guul iyo farxad u soo hoyatay umadda, isla markaasn la is lahaa hadda ayaa dalku xasili doonaa, isagoona sheegay in dad badan ay dibadaha ka soo laabteen, maalgashina ku samesteen magaalada muqdiso oo hoggaamineysay kacdoonkii Maxaakiimta.

Culimada waqooyi, Bari, kuwa dibadaha dhammaantood waxa ay ku taliyeen in aan la fashilinin guusha umaddu gaartay, iyadoona loo dhammaa soo celinta nabadda iyo eryiddii qabqablayaasha, balse Maxkamadaha raggii hoggaaminayey waxaa ka hoos shaqeynayey xubnaha ururka Al-Shabaab, kuwaasoo ku doodayey in Muqdisho ay u baahan tahay in mar kale la xoreeyo, iyagoona u jeeday in ayan ku qanacsaneyn miraha umaddu guraneyso.

Shirkii Khartuum ayaa wafdigii Maxaakiimtu diideen inay fariistaan, waxaana taleefoona looga soo dirayay Muqdisho, loogana digayey inay shirka fariistaan, taasoo ay dunida carabta la yaabtay waxa Maxaakiimtu u diiddan yihiin inay wadahadalka la wadaan dowladda.

Maxkamadaha waxaa ka hoos dhisnaa dowlad kale oo Shabaab ah, taasoo wax badan iyadu gacanta ugu jireen, odayaashii Maxaakiimta hoggaamineysayna wax badan kalama soconin waxa soconayey, dagaalkii Baydhabo lagu qaaday lama soconin madaxdii Maxaakiimta, Sheikh Xasan Daahir wuxuu ku sigtay inay Xabashidu qabato, maxaa yeelay lama soconin xitaa marka la baxayey oo isagoo maqan baa la guuray.

Xafiiska wararka Somalireal/HALGAN.NET

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. umu muscab january 22 2012

    ascwwr masha alaha jazakallaahu yaa sheekh muxamed inta
    noo faa iideeysay alaha kugu badalo janatul firdow amiin
    insha alaah

  2. Jazaakallahu khayran,sheikh max’ed . Macluumaad dheeri ah ayaad nasiisay. Ilaahay shabaab hasoo hanuuniyo.

Leave a comment

*