Si walba u Dil W/Q Shiikh Axmed Cabdisamad

January 14, 2012 - Written by

Sheekh Abuu xassaan baa qoray maqaal uu ku suntay “Iska dil” , anigu waxaan ka fahmay muslimka sabab iyo sabab la’aanba iska dil, laakiin maqaalku kama hadlin in dadka la iska dilayo dhinac walba laga dilayo, si walbana loo dilayo; Sidaa darteed waxaan jeclaystay in aan qormadan qeybteeda koowaad ku soo bandhigo siyaabaha kala duwan ee xarakada AlShabaab ay shacabka Soomaaliyeed u disho, waxaana rajeynayaa in aan qeybteeda labaad ku soo bandhigo dhinacyada kala duwan ee ay ka dilaan shacabka.

Siyaabaha kala duwan ee Alshabaab u dilaan shacabka Soomaaliyeed:

 

1.     Dil toos ah oo noqon kara toogasho bareer ah ama mid qarsoodi ah, waana hababka ugu dhibta iyo argagaxa badan ee ay bulshada u laayaan.

 

2.     Dil toos ah oo ku yimaada weerar lagu qaaday koox, qabiil ama maamul, kaas oo ay ku hoobtaan dad farabadan oo labada dhinacba ah (isku soo jimlee kuwa kaa dhintay iyo kuwa qolada kale ka dhimatay), waana dagaalada sababa geerida ugu badan, barakaca iyo sabool nimada.

 

3.     Dil ama xasuuq dadban oo ku yimaada habka dadweynaha reer Muqdisho ay u bixiyeen ii soo baaq aan ku soo wecee!. Kaas oo looga jeedo in xaafadaha iyo suuqyada laga dhex rido madfac inta badan ku habsada dadkeena ama cidla ku dhaca, ka dibna gaaladu ay madaafiic ku asqaysiiyaan xaafadihii iyo suuqyadii shacbiga ahaa.

 

4.     Dil dabargoyn ah, oo looga jeedo in dhallinyaradii ummadda lagu hubeeyo qoryo fudud, ka dibna la yiraahdo ku qamaama ama u daata dhufaysyo ay ka sokeeyaan taangiyo iyo madaafiic aan xisaab lahayn. Habkaas oo la sheegay in marar badan hoggaanka xarakadu kaga takhaluso ragga uu kahday.

 

5.     Dil isku dhaf ah oo laga wado in si shirqool ah lagu dilo qof ama dad badan, ka dibna la faafiyo in qolo heblo dishay; si qolada wax laga diley iyo qolada lagu nabay isugu rogmadaan.

 

6.     Gaalo ku dilis iyo u gacangalin ka dhalata in deegaan la qabsado, ka dibna la salloxo sababihii loogu soo duuli lahaa. Markii cadowgu yimaadana la hor cararo.

 

7.     Gaalo u loogis ku timaada:

 

a)     in dadweynaha hubka laga dhigo, kolkay gaalo timaadana la isaga tago cadowgii iyo dadkii oo waranleyaal ah.

 

b)    in la ciribtiro hoggaanka bulshada gaar ahaan saraakiisha ciidamada qalabka sida oo hormuud ka nqon lahaa difaaca diinta, dadka iyo dalka, dilkooduna sahlayo in bulshada sidii la doono laga yeelo.

 

c)     In la laayo, lana qixiyo dhallinyaradii ummadda difaaci lahayd, kaas oo u sahlaya cadowgu inuu dalka iyo dadkiisa baylah ka helo.

 

Gabagabadii qodobadaani waxay ka mid yihiin siyaabaha xarakada Alshabaab u dabargoyso shacabka Soomaaliyeed iyada oo ku andacoo naysa inay ummadda u hiilinayso, diintana koryeelayso!. Haddaba waxaa ina la gudboon in aynu is barbardhigno falalka Alshabaab dad keena kula kacayo iyo halkudhegyada uu ku andacoonayo; si aynu u hubsano in ficilkooda iyo qowlkoodu  is waafaqsan yahay ama is khilaafsan yahay.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online