Taliye Ibliis iyo Taajkiisa W/Q Suleymaan Maxamuud

January 25, 2012 - Written by

London:-Shacabka Soomaaliyeed waxaa haystay dhib aad u farabadan, lagasoo bilaabo burburkii dawladdii dhexe,haseyeeshee, dhibaatooyinka haystay maalinba waji bay lahaayeen, oo kulligood isku wada mid ma ahayn, mid walibana middii ay ka horrey say ayaa ka fududayd, hase ahaatee waxay iska waafaqsan yihiin labo arimood, tan hore, dhibbanuhu mar walba wuxuu ahaa shacabka, tan kalana waxay tahay mar walba waxa loo adeegaa hal Taliye Ibliis.

Maanta marxaladdii ugu dhibka badnayd intii la arkay bay maraysaa hagardaamadii lagu waday dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed waxay jabsatay xuduud kasta oo la yaqaaney, Taliye Ibliiska maanta joogaa waa mid aan waxba xeeri nayn. Mucjisaduse waxay tahay, qolyaha shacabka laynayaa,barakicinayaa,gaajaysiinaya,hantidooda dhacayaa  qaarna burburinayaa, qolo waliba magac ay ku dagaal gasho bay leedahay, taliye Ibliis u gaarana waa leedahay, balse miraha kasoo baxa howsha ay qabanayaan hal dhinac baa faa,iidadeeda iska leh waa dhinaca loo wada adeegayo oo ah taliyaha guud ee ciidamadan soo dirsaday.

Afeef:- Aragtid Maqaalka waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

Halkaan ka akhri Maqaalkii TALIYE IBLIIS IYO TAAJKIISA

Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. ASW
    WAA MAQAAL AAD U XIISO BADAN OO NIN WAX GARAD AH HADANA XAQIIQADA LA SOCDA QORAY, KALIYA WAXAN KU DARI LAHAA QODOBKA WARSAME SHEEGAY EE AH IN MEEL MUUQATA OO SARE LAGU QORO MAQAALKAN SI DADKU U ARKAAN. AAD BUU U XIISO BADAN YAHAY..MARKA TAASINA WAA CODSIGAAS.

  2. acww
    qoraalkani wax badan buu iftiiminayaa,qoraaguna waa halyay geesi ah oo ku banaan odaygii soomaaliyeed ee dhalay dadkan geeska afrika dagan.Alxamdulillaah,soomaali waa nooshahay,Maamulka halgan waxaan ka codsanayaa in ay qoraalka dhigaan meel qof kasta arki karo si loo akhristo.
    wcww

Leave a comment

*