Talooyinka beeshu ma anfacayaan tolweynaha. W/Q Sheekh Ahmed Cabdisamed

January 23, 2012 - Written by

Mecca:-Waxaan dhawaan dib u akhriyey qoraallo farabadan (oo aan la faafin) oo aan dad kala duwan u diray sagaalkii sano ee ugu dambaysey. Waxaan si gaara u danaynayey waxyaabihii aan ka qoray dhacdooyinkii ka soo bilowday 18/02/2006. Laakiin waxyaabaha aan helay waxaa ka mid noqday baaq talobixin ah oo ay rag soo xajiyey u direen beesha ay ka dhasheen, waana xajkii ku beegnaa 1426/2005. Qoraalka waxaa magaalada Makka laga diray talaada 26 Dulxijja 1426 oo ku beegnayd 01/26/06 6:36 PM .

Baaqaas waxaa soo saaray rag isku qoys ah, waxayna si gaara ugu jeediyeen beeshii ay ka dhasheen, laakiin markaan akhriyey waxaa ila qummanaatay inaan sidiisa ku faafiyo; waayo waxa uu ka hadlayo waa wax dadkeenu u wada baahanyahay. Culumada tafsiirku markay ka hadlayeen nas-ka ku soo daga dhacdo gaar ah laakiin si guud u hadlaya, waxay dheheen: “waxaa tixgalinta leh macnaha guud ee eraygu xambaarsanyahay ee tixgalinta ma leh sababta gaarka ah ee uu ku soo dagay” , waana hubaa inaan rag beelo kale ah u gudbiyey afkaarta baaqaan ku jirta qaar badan oo ka mida; si ay beelohooda ugu gudbiyaan. Ragga aan xusuusnahay in aan u gudbiyey waxaa ka mida Alle ha u naxariistee Maxamed Tahliil Warsame oo dadaal badan ku bixin jirey siduu xigtadiisa iyo ummaddoo dhan wax ugu qaban lahaa. Waxaan rajeynayaa in raggii afkaartaan soo jeediyey Ilaahay ajar ka siiyo cid kasta oo afkaartooda ka faa’iidaysata.

Baaqii xujeyduna sidaan ayuu u qornaa:

بسم الله الرحمن الرحيم

Mawduuca: Baaq Xujaydu ka soo saareen Makka Al- Mukarrama

Ku: Dhammaan Isimada iyo Nabadoonada Leelkase

Ku: Dhamaan aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Leelkase

Ku: Dhammaan maalqabeenka iyo jaaliyadaha Leelkase

Og: Dhammaan waxgaradka Leelkase

Salaan ka dib walaalayaal waxaan idiinku hambalyaynaynaa munaasabadda Ciidda barakaysan ee Al-Adxaa waxaana Alle ka baryaynaa in uu inaka aqbalo camalka suubban, sannadkaan kiisa kalena uu inaku gaarsiiyo khayr iyo baraare, muslimiintana dhamaan uu xafido, sarena u qaado adduun iyo aakhiroba.

Walaalayaal waxay u suurta gashay inay kulan ku yeeshaan magaalada barakaysan ee Makka Al- Mukarrama Xujaydii Leelkase ee sannadkaan timid Xajka, xujaydaasi oo ka kala yimid: Soomaaliya, Careebiya, East Africa, Yurub iyo W/America. Xujaydu waxay is waraysi ka dib kulankoodaas ku falanqeeyeen amuuro farabadan oo khuseeya danta iyo horumarka beesha Leelkase meel kasta oo ay joogaanba, waxayna si gaar ah xoogga u saareen deegaannada beesha ee asalka ah, ugu dambayntiina waxay xujaydu shirkoodaas ka soo saareen baaq iyo talooyin ay u jeediyeen bulshada reer Leelkase, waana kan qodobadiisii:

Baaqa Xujayda:

1.   Waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan waxgaradka beesha in laga hortago qaxa aan qorshaysnayn ee dhallinyarada beeshu u qaxayso dibadda, taas oo keenaysa dabargo’ weyn oo ku yimaada dadkeenna. Waxaan soo jeedinaynaa in dhallinyarada loo diro meelo ay wax ka bartaan ama lagu maalgaliyo xoolaha lagu dhoofinayo; si ay dalkooda wax uga qabsadaan ee aan loogu kaalmayn u hayaanka dibadda. Waxaan si gaara ugu baaqaynaa ganacsatada, aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ee deggan Nairobi in ay isu xilqaamaan jihaynta iyo waxbarista dhallinyarada faraha badan ee dhoofka ku sugaysa magaalada, ayna geeyaan masaajidda iyo goobaha kale ee waxbarasho, maxaa yeelay qaar badan oo ka mid ah ayaa ku marinhabaaba muddada ay joogaan iyagoo barta QAAD iyo waxyaabo kale oo aan habboonayn.

2.   Waxaan ugu baaqaynaa dadkayaga ku maqan qurbaha in ay dalalka Islaamka ku soo ceshaan qoysaska iyo ubadka, kuwa hadda ka dib guursanayana in ay qoysakooda dagsadaan dhulka muslimiinta, maxaa yeelay ilmaha ku dhasha ama ku indha-kala-qaada qurbaha wuxuu la tol iyo dhaqan yahay dadka uu la dhaqmay, gaar ahaan waxaan boorrinaynaa dalka Soomaaliya.

3.   Waxaan dadkayaga guud ahaan ku boorrinaynaa in taranka (guurka) la badiyo, gaar ahaan dadka qurbaha ku nool, maxaa yeelay bulshooyinku waxay ku sii jiri karaan jiilashooda dambe tiro iyo tayaba, waana arrin nabigeennu (scw) ina faray, lagana doonayo muslimiinta oo dhan.

4.   Waxaan dadkayaga ugu baaqaynaa annagoo carrabka aad ugu adkaynayna in ay awooddooda isugu geeyaan sidii loo tayayn lahaa bulshada reer Leelkase gaar ahaan xagga aqoonta oo fure u ah qaybaha kala duwan ee horumarka. Dib u dhaca aqooneed dhibaatadiisuna waxay ka muuqanaysaa hoos u dhaca caafimaadka oo ilaa hadda dhakhaatiir loo la’yahay isbitaalkii Galdogob iyo hoos u dhaca dhinacyada maamulka iyo dhaqaalaha. waxbarashada si loo hormariyana waxaan soo jeedinaynaa talooyinkaan:

a)   In la xoojiyo kaalmaha loo fidiyo iskuullada ku yaal deegaanadeenna, sarena loo qaado tayadooda, isla markaana loo hawlgalo sidii iskuullo kale looga samayn lahaa deegaannada kale ee reerka.

b)   In laga furo deegaanada reerka Macaahid sare oo leh diini iyo farsamooyin.

c)   In qof walba oo awood u leh uu ilmihiisa ama qofka uu mas’uulka ka yahay u diro waxbarasho jaamacadeed dalka ama dibadda.

d)   In jifo walba isu kaashato sidii ay dhawr ka mid ah dhallinyaradooda uga bixin lahaayeen kharashka jaamacadda.

e)   In dadka ehelkooda masaariifta siiyaa ku amraan ama ku dhiirrigaliyaan in ay xoolahaas ubadkooda wax ku baraan; si ay hadhaw isugu filnaan karaan.

f)    In miyiga iyo tuulooyinka laga soo uruuriyo dhallinyaro taqaan Qur’aanka, ka dibna magaalooyinka lagu siiyo waxbarasho sannad ama labo socota oo isugu jirta diini iyo maaddi, ka dibna lagu celiyo deegaamadoodii; si ay dadkooda wax u baraan. Kharashka loo baahan yahayna jifo walba ama waalid walba gaarkiisa ayuu ula baxayaa.

g)   In dhallinyarada saaqidday loo sameeyo barnamij dhaqan-celin ah oo lagu barayo Qur’aanka, kutub cilmi diini ah, far Soomaali, xisaab, luqadaha, kumbuyuutarka iyo farsamooyin kale. Barnaamijkaas waxaa looga jeedaa in dadkaas laga badbaadiyo habowga ay ku jiraan, in lagu xiro Rabbigood iyo in la baro farsamo ay ku shaqaysan karaan. Xagga fulinta waxaa iska kaashanaya guddiga waxbarashada iyo dadka hawshaas ka qayb qaadanaya oo ah in qof walba uu la boxo kharashka wiil ama ka badan oo qaraabadaiisa ah, ka dibna guddiga waxbarshadu habeeyaan deegaanka, macallimiinta iyo fulinta hawsha. Barnaamijku wuxuu soconayaa 12 bilood, qofkiiba waxaa uu u baahan yahay $ 40 bishiiba.

h)   In dadka daggan magaalooyinku ay kafaala qaadaan dhallinyarada qaraabadooda ah oo ay guryohooda ka cunteeyaan; si ay wax uga bartaan magaalooyinka, taas oo dad badan oo inaka mid ah u sahlan.

i)     In dadka aqoonyahanka ah ee beesha u dhashay ay baxshaan Seminaarro marka ay yimaadaan dalka, nin walbana uu dhigo waxa uu soo bartay, isagoo ku daraya waxa uu helay oo waayo-aragnimo iyo khibrad ah. Ragga aan aqoon gaar ah yeelan laftoodu waa inay dadka uga warramaan sida loo shaqaysto ama loo nool yahay, ayna ka saxaan dadka afkaarta qaldan ee ay ka haystaan nolosha iyo xoolo kasbashada, ayna la diriraan shaxaadka, shaqo ka faanka iyo wahsida.

j)     In deegaanada gudaha lagu qabto aqoon iswaydaarsiyo, Seminaarro, dood cilmiyeedyo, muxaadarooyin iyo tartan aqooneedyo kala duwan oo sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga bulshada.

5.   Dhanka dhaqaalaha waxaan ku baaqaynaa: a) in dadkeennu helaan aqoon iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan, taas oo lagu suurtagalin karo in la siiyo Seminaarro ku saabsan dhaqaalaha, ganacsiga iyo shaqadaba. b) in bulshada lagu wacyigaliyo ahmiyadda dhaqaalaha iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in xoog la saaro horumarinta dhaqaalaha. c) in dadka wax qabsan kara la maalgaliyo ee aan la masruufin marka la tababaro ka dib. d) in dadka aqoonta iyo waayo aragnimada u leh ganacsiga iyo dhaqaaluhu ay bulshada kala taliyaan xagga mashaariicda ganacsi iyo horumarineed ee munaasibka ah, sida warshado yar yar, beero, kalluumaysi iyo qaybaha ganacsiga. e) in bulshadu mawqif adag ka qaadato waxyaabaha naafaynaya dhaqaalaha, sida: qaadka iyo maandooriyayaasha kale, dayicista xoolaha nool iyo isu dheellitir la’aanta dakhliga iyo kharashka.

6.   In la sameeyo hay’ado samafal oo ka diiwaan gashan dalka iyo dibaddaba, kuwaas oo ka qaybqaadanaya horumarinta dadka iyo dalka, maalgalintoodana ka helaya xubnaha beesha ee bixin kara taageero dhaqaale, dawladaha iyo hay’adahaba.

7.   Waxaan ku baaqaynaa in maamulka, nidaamka iyo kala dambaynta xoog la saaro, taas oo keenaysa in dadku kala badbaadaan, muslimiinta kalena ka badbaadaan, dhanka kale dadku si ay u sameeyaan horumar wax ku ool ah waxay u baahann yihiin isku kalsooni, isku duubni iyo iskaashi buuxa oo aan maamul la’aan hirgali Karin.

8.Waxaan si gaar ah mar labaad u boorrinaynaa, una codsanaynaa in si dhab ah loo walaaloobo, lagana fogaado wax kasta oo dhaawacaya walaalnimada iyo wadajirka, isla markaana la noqdo talo wadaag isu kaashada khayrka iyo Alle ka cabsiga, iskana celiya dambiga iyo xadgudubka.

9.Waxaan u hambalyaynaynaa dhammaan beesha Leelkase, gaar ahaan Suldaan Subeyr oo aan rajaynayno in uu wax weyn ku soo kordhiyo beesha Leelkase meel kasta oo ay joogto.

10. Ugu dambayntii waxaan ku talinaynaa in aqoonyahanka beeeshu iska kaashadaan sidii loo samayn lahaa qorshe ballaaran oo lagu hormarinayo beesha meel kasta oo ay joogto, taana waxaa saldhig u ah in ay si buuxda wax isula fahmaan aqoonyahanka iyo hoggaanka beeshu.

 

Codsi: waxaan codsanaynaa in la gaarsiiyo baaqaan dhammaan jaaliyadaha beesha ee ku nool dibadda, isla markaana la isu kaashado sidii loo hirgalin lahaa.
Waxaa uruuriyey oo diiwaangaliyey: Axmed C/samed

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online