Timir Laf baa ku jirta W.Q Abdirazaak Sugulle Mohamed
January 8, 2012 - Written byFinland:-Xaaladda aadka u murugsan ee ku habsatay umadda Soomaaliyeed ayaa waxay keentay in wax walbaa is dhexyaacaan, bililiqaduna ay noqotay mid iska caam ah oo aan xitaa laga xishoon. Waxyaabaha ay bililiqadu saamaysayna waxaa ka mid ah dhinacyada kala duwan ee saxaafadda. Waxaa telefishan walbaa kaaga soo boodaya mid ku leh weriyaan ahay, xitaa wax kale iska daayoo aanba sixi karin luqaddii soomaaliga ahayd. Dhinaca bogaga shabakada internetkana waxaa ku soo batay qorayaal farabadan oo aan mas’uuliyad diineed iyo mid saxafiyadeed toona biya u kabbanaynin.
Hordhacaas yar waxaan uga gol leeyahay markii dhowaan ay isheeydu qabatay hadal aan aad ula yaabay oo lagu soo qoray mid ka mid ah bogaga internetka, kaasoo lagu been abuurtay Allaha xifdiyee Shiikh. C/qaadir Nuur Faarax uu kulankii magaalada Garoowe ka dhacay ee muxaadarada gaaban ka jeediyay uu ku soo dhaweeyay in gaalo madowdu ay soo galaan dalka Soomaaliya. Ishaydu markii ay ku dhacday arinkaasi aad baan u yaabay, way ii cadeyd anigoo aan meesha joogin amaba maqal kalmadda in ay been abuur cad tahay, waxaanse la yaabay war nimanku ma waanay is ogayn in caalamkii maanta uu noqday tuula yar, wax walboo la sheegaana ay kaydsan yihiin, oo aanayba ka baqayn in ay ceeboobaan oo warkooda laga daba yimaado halkaasna ay ku burhaan beelaan. Waxba kama soo wareegin markii ay walaalaha qora Halgan.net ( Allaha ka abaalmariyee) ay umadda u caddeeyeen oo soo gudbiyeen kalmaddii shiikha oo maqal iyo muuqaal ba ah.
Halkaan ka Akhri Maqaalkii Timir Laf baa ku jirta
W.Q Abdirazaak Sugulle Mohamed
Halgan.net

.gif)

