Wafdi ka socday DFKM oo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan

January 22, 2012 - Written by

Hiiraan:-Wafdi ka socda DFKM ayaa galabta gaaray  magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana loogu soo dhoweeyey siweyn wafdiga ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga C/laahi Goodax Barre,  wasiirka Tamarta iyo xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo dhamaantooda ka soo jeeda gobalka Hiiraan.

Wafdiga ka socda DFKM ayaa waxay markii ay gaareen galabta magaalada B/weyne ay kulamo gaar gaar ha la qaateen waxgaradka iyo maamulada kala duwan ee haatan isku haya talada magaalada B/weyne .

Wafdiga ka socda DFKM ayaa waxaa ay dowlada u xilsaartay in ay maamul loo dhanyahay ay ka sameeyaan magaalada Baladweyne waxaa kale oo wafdiga ay kala hadleen waxagaradaka gobalka sugida amaanka iyo xal u helida khilaafka dadka degan magaalada B/weyne .

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socday DFKM ,Ahlu Suna ,Dooxada Shabeele iyo ciidamo itoobiyaan ah oo taageeraya walow ay haatan isku hayaan cidii magaalada ka talin lahayd.

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online