Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowlada Ingiriiska Andew Mitchell oo soo gaaray Garoowe

January 30, 2012 - Written by

Garoowe:-Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowlada Ingriiska Andew Mitchell ayaa isaga iyo wafdi la socda ay saaka soo gaareen magaalada Garoowe ee caasimada Dowllada Puntlland, Wasiirka ayaa waxaa garoon ka diyaaradaha ee magaalda Garoowe ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo ay hor kaca yaan Wasiiru dawlaha iskaaashiga caalamiga ah dowllada Puntland Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaash iyo wasiirka waxbarashada Puntland Dr.Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowlada Ingriiska Andew Mitchell ayaa isaga iyo wafdigii la socday waxaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada Puntlland halkaas oo uu ku soo dhaweeyey ku simaha Madaxweynaha Puntlland ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire.

Ku simaha Madaxweynaha dowladda Puntlland ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa shir kula jira Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowlada Ingriiska Andew Mitchell iyo wafdigii la socday , ilaa hadda ma jiro masuul ka tirsan Dowllada Puntlland oo saxaafada uga waramay safarka uu maanta ku yimid Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowlada Ingriiska Andew Mitchell  iyo wax uu ku saabsan yahay.
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online